Mary Marshall: Haweeney dhabta saartay ilmo jiilkii lixaad ah oo ay ayeeyo u tahay

Family of six generations

Xigashada Sawirka, SWNS

Qoraalka sawirka, (Ka soo bilow illaa aad ka timaadid Midig Toni-Leigh, 17, Chyrel, 50, Mary Marshall, 86, Nyla oo saddex todobaad jir ah, Rose, 68, iyo Carrie, 35

Haweenaydan howlgabka ah ee u dhalatay Scotland ayaa ayeeyo u noqotay lix jiil oo isdhalay oo dhammaantood wadanool.

Mary Marshall, oo 86 san jir ah, waxa ay ayeeyo u tahay 90 carruur ah oo illaa lix jiil oo kala duwan ah.

Hooyadan dhashay sideedda carruurta ah, ee ka soo jeedda magaalada Edinburgh, waxaa u jooga qoyska kaliya ee UK oo ay u nool yihiin lix jiil oo isdhalay.

Lixdaas jiil waxay ka soo bilaabanayaan Mary oo qoyskaas ugu da' wayn illaa laga soo gaaro Nyla Ferguson oo ugu da'yar, canuggaas oo saddex toddobaad uun haatan jira.

Dhammaan hooyooyinkan way iswadadhaleen - hooyada canuga yar dhashay ee Toni-Leigh Aitken ma ogiyee intooda kale waxay ku shaqeeyaan ama ay uga soo shaqeeyeen daryeele ahaan.

Dhammaantood waxa ay dhaleen iyagoo 18 sano jirro ah ama ka yar, waxayna ku nool yihiin magaalada Edinburgh ama agagaarkeeda.

Hadiyadda dhalashada

Madaxa qoyska Mary, waxa ay dhashay sideed carruur ah oo ay ku jirto gabadheeda ugu wayn ee Rose.

Rose Thorburn, oo 68 sano jir ah, waxay dhashay afar carruur ah oo ay ku jirto gabadheeda Chyrel Borthwick, oo 50-jir ah, oo saddex canug dhashay.

Chyrel waxa ay 1986-dii dhashay Carrie Dow oo afar carruur ah dhashay. Sidoo kale, Carrie, oo 35 sano jir ah, waxa ay dhashay afar carruur ah oo ay ku jirto hoyadan cusub ee Toni-Leigh, oo 17 sano jir ah.

25 May 2021 - Mary waxa ay noqotay qofka kaliya ee ku nool Scotland ee lix jiil ayeeyo u ah oo ay carruurtoodu noolyihiin, arrintaas oo ku timid dhalashada Nyla Ferguson.

Xajmiga qoyskeeda awadeed, Mary waxay sheegaysaa in laga dhaafay in ay hadiyad dhalasho iyo midda ciidda Masiixiga u gaddo carruurta ay ayeeyada u tahay maadaama ay "kala bar sannadka ay arrintaas ku qaadanayso".

'Farxad aan la soo koobi karin'

Mary ayaa sheegtay: "Haddaan runta kuu sheego waxaan ahay haweeney nasiib badan. Aad ayey u wanaagsan tahay in aad leedahay qoys sidaas u wayn. Markasta waxaad helaysaa qof ku raadinaya. Aad baan u faraxsanahay."

Toni-Leigh, oo ah hooyada cusub ayaa canuga ugu yar qoyska waxay dhashay bishii la soo dhaafay, waxayna sheegtay: "Markii aan ogaannay inaan uur leeyahay, waxaannu ku kaftannay inaan rikoor uun dhigi doonno."

"Ka dib waxaan bilownay in aan ka fakarno arrintaas, waxaanan ogaannay in aanay jirin cid kale oo heli karta oo qoyskeena oo kale.

"Way yar tahay oo lama ogaan karo halka ay isaga eg yihiin ayeeydii afraad, hasayeeshee jaceyl ayaa hareeyay markii ugu horreysay oo ay is arkeen.

"Waxaan isu jirnaa qiyaastii 10 - 15 daqiiqadood meel uu gaari u socdo, marka waan is aragnaa."

Waxay intaas ku dartay in markasta "ay aad u buuq badan tahay" marka uu qoyska kulan yeesho.

Rose, oo 68 sano jir ah, ayaa tiri: "Aad ayey u wanaagsan tahay markii canug cusub uu qoyska ku soo biiro. Waxaa ka mid ah sideeda canug oo hooyo Mary dhashay, marka qeyb ahaan marwalba qoys wayn ayaan haystaa.

"Balse hadda qoyskayaga aad ayuu u ballaaran yahay. Ma aanan maqal qoys intaan oo kale la'eg oo ku nool Scotland.

"Markasta oo aan isku imaanno, waxaa na hareeya sheeko iyo qosol. Markasta waxaad helaysaa qof ku garab taagan."

Qoyskaas ayaa loo malaynayaa inuu yahay midka kaliya ee ku nool Scotland ee ay lix jiil u wada nool yihiin.

Sida uu daabacay barnaamijka Guinness World Records, jiilasha ugu badan ee hal qoys ka nool waxaa la sheegay inay toddoba jiil gaarayaan.