Dowladda isbeheysiga Israa'iil: Bixitaanka Netanyahu ma yahay bilawga dabbaaldegga Falastiiniyinta?

Benjamin Netanyahu gestures as he delivers a speech to supporters following the announcement of exit polls in Israel"s general election at his Likud party headquarters in Jerusalem March 24, 2021

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu ayaa shegay in midawgani khatar yahay

Haddii aynu ku bilawno soo bandhigidda wargeysyada Britain, faallo uu qoray Michael Day oo ka tirsan wargeyska Eye, wuxuu ciwaan uga dhigay "Benjamin Netanyahu wuu dhici karaa, laakiin Falastiiniyiinta weli ma dabaaldegi doonaan."

Qoraalkiisa ayuu isku weydiiyay waxa laga filayo "isbahaysiga garabka midig ee Naftali Bennett iyo xisbiga bidixda dhexe ee Blue and White, marka lagu daro kooxo badan oo garabka midig, wadaniyiin iyo garabka bidix ah", si loo sameeyo dowladda ka dhalan doonto Israa'iil.

Wuxuu si toos ah uga jawaabayaa arrintaas: "Wax badan maahan, marka laga reebo in la xaqiijiyo ansixinta miisaaniyad cusub oo qaran, si dib loogu soo nooleeyo dhaqaalihii ku xirnaa musiibada, ka dib in ka badan laba sano oo ismari waa siyaasadeed ah iyo afar doorasho ka dib, Israa'iil wali waxay isticmaaleysaa miisaaniyaddii 2019 ee la ansixiyay saddex sano ka hor."

Qoraagu wuxuu rumeysan yahay in "isbahaysiga uusan ku saabsaneyn dowlad wax dhiseysa, ujeedkooda ugu wayn waa in la eryo Benjamin Netanyahu, ka dib 12 sano oo xiriir ah oo uu xukunka hayay."

Wuxuu intaas ku daray, "Kala duwanaanshaha xoogagga siyaasadeed ee wajahaya Netanyahu waxay caddeyn u tahay awoodiisa lixaadka leh".

Netanyahu wuxuu ku cadaadiyay Mareykanka inay joojiso heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, wuxuuna hubiyay inuu safaaradda Mareykanka u raro Qudus.

Sida saaxiibkiisii ​​hore, Donald Trump, Netanyahu wuxuu bartiisa Twitter-ka ku diiday dalabka xulafada cusub, wuxuuna ku tilmaamay mid khatar amni leh.

The right-wing Yamina party's Naftali Bennett and Yair Lapid, leader of the centrist Yesh Atid party, after reaching an agreement

Xigashada Sawirka, Yesh Atid handout

Qoraalka sawirka, Naftali Bennett (bidix) iyo Yair Lapid, kaddib heshiiskii ay gaadheen

Qoraaga oo ka faalloodanaya qoraalkii bartiisa Twitter-ka ee "cadhada lahaa" ee Netanyahu, wuxuu ku tilmaamay "mid quus ah", isaga oo leh, "Tani macnaheedu maaha in Netanyahu uusan dagaallami doonin. Fadhiga baarlamaanka ee lagu ansixinayo isbahaysiga wuxuu noqon karaa 10 maalmood, taas oo Netanyahu fursad kale siinaysa."

"Dadka dhaleeceeya waxay filayaan in Netanyahu uu isku dayo in uu soo jiito xubnaha isbahaysiga ee aan ku faraxsanayn ku biirista cududda Carabta iyo kuwa bidixda ka tirsan."

Qoraagu waxa uu xusay in Netanyahu uu ogyahay in isku daygiisa ah in uu xukunka sii hayo ay go'aamin karto in xabsi lagu xukumi doono iyo in kale, "laakiin isaga oo u malaynaya inuu xukunka ka sii baxayo badhtamaha bisha Juun, Falastiiniyiintu ma dabbaal degi doonaan."

Arrintan isagoo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi: "Waxaa laga yaabaa in dowladda cusub ee la soo jeediyay ay ku badbaadi karto oo keliya iyadoo laga fogaado arrimaha fikradaha adag, sida ku darista ama daaqsinta dhulalka la haysto ee Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta ay ka doonayaan dowladdooda."

Qoraaga wuxuu ku soo gebagebeynayaa maqaalkiisa: "Ma dhici karto bishan ama sannadka soo socda, laakiin isbedel waa inuu yimaadaa. Hoos u dhaca siyaasadeed ee Netanyahu wuxuu noqon doonaa dhinac uun."

Xisbiga Carabta ah, Islamic Raam, ee ku biiray Isbeheysiga cusub

Xisbi matalaya muwaadiniinta Carabta ee Israa'iil ayaa markii ugu horreysay ku biiray isbahaysiga Israa'iil si ay qeyb uga nodaan dowladda la soo dhisi doono, laakiin dad badan ayaa shaki ka qaba in tallaabadaas ay soo afjari karto tobannaan sano oo siyaasaddooda la takooray.Xisbiga Carabta ah ee ku biiray isbeheysiga cusub, ninka hoggaaminaya waa Mansuur Cabaas, waxaana xisbiga lagu magacaabaa Islamic Raam. Wuxuu heshiiska saxiixay Arbacadii, wuxuuna ku rajo weyn yahay inuu meesha ka baxo Ra'iisul Wasaarihii ugu wakhtiga dheeraad Israa'iil, Benjamin Netanyahu.Sawirka xildhibaanka, asal ahaan ka soo jeeda Falastiin ee miiska la fadhiya Yair Lapid iyo wadaniyiinta garabka midig ee uu hoggaaminayo Naftali Bennett, oo seddexduba ciil qabaan, ayay warbaahintu qabatay taas oo ahayd daqiiqad taariikhi ah oo si weyn ugu baahday baraha bulshada.

Shuruudaha heshiiskii Arbacada ma cadda, dowlad kasta oo wadaag ahna waa in ay wali baarlamaanku ansixiyaa, maalmaha soo socda.Heshiiskan ayaa u muuqda mid aan lagu darin qorshe kasta oo lagu baddalayo sharcigii 2018 ee qeexayay Israa'iil inay tahay qaranka ummada Yuhuudda, isla markaana kaliya siinaysa Yuhuudda xaqa aayo-ka-tashi ah, go'aankaas oo ka careysiiyay Israa'iiliyiinta Carabta ah.Laakiin Xisbiga Raam, oo afar xildhibaan ku leh 120-ka kursi ee Knesset, ayaa sheegay inay ku guuleysateen in ay xaqiijiyaan ballan-qaad lacageed oo malaayiin ah, oo loogu talagalay beelaha Carab, iyo jagada ku-xigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka.