Shan qodob oo muhiim u ah heshiiska Israa'iil iyo khaliijka

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa maanta lagu wadaa in Aqalka Cad ee Mareykanka ay heshiis taariikhii ah ku kala saxeexdaan wafdi heer sare oo kala socda Israa'iil iyo Imaaraatka.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Baxreyn ayaa sidoo kale la filaya in uu ka qeybgalo munaasabadda xilli dalkiisa uu dhawaan heshiis la galay Israa'iil ka dib markii uu shaaciyay madaxweyne Trump.
Muxuu yahay muhiimadda uu leeyahay heshiiskan?
1. Dalalka khaliijka waxay heystaan fursado ganacsi iyo waxyaabo kale oo badan
Heshiiskan wuxuu caawinayaa Imaaraataka oo xoojiyay awooddiisa militari ama ganacsi.
Haddii Mareykanka uu ka caawiyo in la soo afjaro heshiiska iyadoo meesha aysan ka marneyn hubka casriga ah ee markii hore dhib ku ahayd Imaaraatka inuu soo iibsado.
Waxaa hubkaas ka mid ah midka diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo EA-18G.
Waxaana hubkan horey u adeegsaday ciidamadeeda qalabeysan ee ka howlgalo Libya iyo Yemen.
Balse cidda cadowga ugu weyn ay u aragto waa Iiraan.
Israa'iil iyo Mareykanka waxay Imaaraatka la wadaagayaan shakiga laga qabo Iiraan, marka Baxreyn waa lamid. Tan iyo sannadkii 1969-kii, Iiraan waxay ku anddacooneysay in dalka Baxreyn uu ka mid yahay dhulkeeda.
Suniyiinta ka taliya Baxreyn waxaa u muuqata in deegannada dalkeeda ka tirsan ee Sjaaciada ay ku badan yihiin in gacanta ay u geli karaan Iiraan.
Waxaana laga dhowrayaa in labadan dal ee khaliijka ka tirsan ay heshiis ganacsi la galaan Israa'iil oo ka mid tahay dalalka sida weyn ugu horumaray dhanka teknooloojiyadda.
Shacabka Israa'ili waa kuwa jecel dalxiiska xilliyada fasaxa, waxayna ka eegayaan sidii ay ugu safri lahaayeen dalalkan saxaraha leh, xeebaha iyo xarumaha laga dukaameysto ee ku yaalla khaliijka, waana taallabo ay muhiim u ah dhammaantood.
2. Israa'iil waxay dabcisay go'doomintii gobolka
In Israa'iil ay hagaajiso xiriirka ay la leedahay Imaaraatka iyo Baxreyn waa arrin horumar u ah Israa'iil.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu rumeysan yahay istiraaddii la sameeyay sannadkii 1920-meeyadii oo ahaa "Gidaarkii xooggana" ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Carabta.
Hadafku wuxuu yahay in awoodda Israa'iil ay ugu dambeyntii xaqiijin doonto in waddamada Carabta ay aqbalaan jiritaankeeda.
Israa'iil ma jeclo in laga go'doomiyo Bariga Dhexe, nabadda kala dhexeysay Masar iyo Urddun weliggii ma hagaagin, waxayna ku rajo weyn tahay in mustaqbalka ay xiriir la yeelato dalalka khaliijka iyadoo ay weli taagan tahay qadiyadda Falastiin.
In la xoojiyo iskaashiga ka dhanka Iraan waa arrin kale, Ra'iisul wasaare Netanyahu wuxuu Iiraan u arkaan cadawga koobaad ee Israa'iil, wuxuu ka aamusay dacwaddiisii hore ee ku saabsaneyd heshiiska hubka ee Imaaraatka.
Netanyahu wuxuu wajahayaa eedeymo musuq maasuq oo laga yaabo in ay u horseedaan xabsi. Waxay sidoo kale dood ka dhalatay qaabka uu u maareeyay ka hortagga cudurka. Dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa waxay dibadbaxyo ka hor dhigeen afaafka hore ee xafikiisa ku yaalla magaalada Qudus.
Munasaabaddan lagu qabanaya Aqalka Cad ee ku saabsan heshiiska Israa'iil iyo Imaaraatka kuma soo beegmin xilli haboon.
3. Donald Trump wuxuu u dabaaldegayaa afgembiga siyaasadaha shisheeye
Arrimo badan oo muhiim ah ayuu heshiiskan ugu fadhiyaa madaxweyne Trump.
Waa istaraatiijiyad xoojineysa "cadaadiiskiisa xooggan" ee ku aadan Iiraan. Waa hub waxtar u ah, gaar ahaan xilliggan doorashada, si u xoojiyo galaangalkiisa ku aadan in uu yahay hogaamiyaha ugu wanaagsan dunida ee dalal heshiisiiya.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxkasta oo faa'ido u ah Israa'iil ama dan weyn u ah dowladda, Benjamin Netanyahu, waxaa soo dhaweynaya codbixiyeyaasha Mareykanka ee haysta madhabka Yahuudda, waana dadka lagu tashado marka ay timaaddo doorashada.
Saaxibbada Mareykanka ee ku buhoobay dagaalka ka dhanka ah Iiraan si weyn ayay u shaqeyn doonaan, waana haddii dalalka khaliijka ay furfurmaan intii ay si qarsoodi ah wax u wadi lahaayeen gaar ahaan arrinta ku saabsan in xiriir diblumaasiyadeed lala yeesho Israa'iil.
Trump wuxuu ugu yeeray "Heshiiskii qarniga", balse si uu nabad uga dhexdhaliyo Israa'iil iyo Falastiin waa mid aanan meelna u socon.
Heshiiska Israa'iil iyo Imaaraatka wuxuu muujinayaa isku dheelitiridda awoodaha Bariga Dhexe ee u hogaaminayo maamulka Aqalka Cad, taas oo ah in la afgembiyay siyaasadaha shisheeye.
4. Falastiiniyiinta waxay dareemayaan in la khiyaamay
Falastiiniyiinta waxay cambaareeyeen heshiiskan oo "jebinaya mowqifkii mideysnaa ee dalalka Carabta ee ku saabsanaa in xiriirka Israa'iil uu ku xiran yahay Falastiin oo madaxbanaani hesha".
Hadda, Israa'iil waxay xoojineysa xiriirka ay la yeelaneyso dalalka Carabta halka Falastiiniyiinta ay weli la daalaa dhacaayaan dhibaatada ka jirta dhulka la heysto ee bariga Qudus iyo Daanta Galbeed. Maxay arrintani uga dhigan tahay xeryaha korka ka furan ee ku yaalla marinka Qaza?
Dhaxal Sugaha Abu Dhabi, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, oo ah hogaamiyaha qarsoon ee Imaaraatka Carabta, wuxuu sheegay in heshiiska ay qeyb tahay in Israa'iil ay joojiso dhul ballaarsiga ay ku hayso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed.

Xigashada Sawirka, Reuters
Welwelka Falastiiniyiinta ayaa hadda sare u kacay maadama Baxreyn ay heshiiska ku soo biirtay.
Sacuudiga la'aantii, weligeed ma dhici lahayn heshiis noocan ah. Sacuudiga waa qoraaga qorshaha nabadda ee Carabta kaas oo dhigayay in Falastiin la siiyo xoriyad.
Boqor Salmaan waa hogaamiyaha islaamka maadama dalkiisa ay ku yaallaan xarameynka, wey adagtahay in si degdeg ah uu u aqoonsado Israa'iil.
Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan ayaa laga yaabaa in aabihii uusan go'aankaas ku raacsaneyn.
5. Iran waxay leedahay istaraatiijiyad madax-xanuun badan leh
Waxaana heshiiska si adag u dhaleeceeyay hogaamiyeyaasha Iiraan.
Wuxuuna heshiiskan horseedayaa in Iraan ay muujiso dadaallo dheeraad ah.
Cunaqabateynta uu Trump saaray Iiraan ayaa hadda dhibaato dhaqaale ku heysa dalkaas, waxayna heystaan istaraatiijiyad sababeysa madax xanuun daran.

Xigashada Sawirka, EPA
Saldhigyada Israa'iil waxay ka fog yihiin Iiraan marka la barbardhigo Imaaraatka oo uu u dhexeeyo biyaha gacanka khaliijka, waana arrin dharbaaxo ku noqon karta Iiraan, waa haddii ay ka hadlaan duqeynta xarumaha nukliyerka ee dalkaas.
Israa'iil, Mareykanka, Baxreyn iyo Imaaraatka waxaa la gudboon tallaabooyin cusub. Iiraan dhankeedana waxay isu arkaan in la yareeyay dhaqdhaqaaqooda ku aadan arrimaha gobolka.












