Elizabeth: Cimrigeeda waxa uu gaarsiiyay inay la kulanto 12 madaxweyne oo isaga dambeeyay Mareykanka

Queen and Joe Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images/Reuters

    • Author, George Bowden
    • Role, BBC News

Boqoradda ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo marwada koowaad Jill Biden toddobaadka soo socda, la kulmi doonta, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Kulankan oo ka dhacaya Qasriga Windsor maalintii Axada ee taariikhdu tahay 13-ka June wuxuu ku soo beegmayaa dhamaadka booqashada Mr Biden ee Britain ee shirka G7 ee hogaamiyaasha wadamada ugu dhaqaalaha fiican adduunka.

Mr Biden wuxuu noqonayaa madaxweynihii 12aad ee Mareykan ah ee ay boqoradda la kulanto.

Waxay kula kulantay madaxweynihii isaga ka horeeyay Donald Trump iyo marwada koowaad Melania Trump qasriga Buckingham sannadkii 2019-kii.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doona Ra'iisel Wasaare Boris Johnson 10ka Juun "si loo xaqiijiyo xoojinta xiriirka joogtada ee gaarka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska", ayuu yiri Aqalka Cad.

Boqoradda, oo 95 jir ah, ayaa markii ugu horreysay la kulantay madaxweyne Mareykan ah oo xilka haya, iyadoo dhaxal suge ah 1951-gii. Wuxuu ahaa madaweyne Harry S Truman.

Tan iyo markaas waxay la kulantay dhammaan hoggaamiyeyaashii la doortay ee Mareykanka muddadii 69-ka sano ahayd ee ay qasriga ku jirtay, marka laga reebo Lyndon B Johnson.

Boqorad Elizabeth madaweyne Dwight D Eisenhower bishii October ee sannadkii 1957-dii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqorad Elizabeth madaweyne Dwight D Eisenhower bishii October ee sannadkii 1957-dii
Waa boqoradda iyo madaxweyne John F Kennedy oo qasriga Buckingham ku kulmay bishii June ee 1961

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa boqoradda iyo madaxweyne John F Kennedy oo qasriga Buckingham ku kulmay bishii June ee 1961
Waa boqoradda iyo madaxweyne Richard Nixon, marwadiisa Patricia Nixon, iyo raysal wasaarihii xilligaasi Edward Heath, iyo xaaskiisa oo ku kulmay hooyga raysal wasaaraha sannadkii 1970-kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa boqoradda iyo madaxweyne Richard Nixon, marwadiisa Patricia Nixon, iyo raysal wasaarihii xilligaasi Edward Heath, iyo xaaskiisa oo ku kulmay hooyga raysal wasaaraha sannadkii 1970-kii

Biden iyo afadiisa waxay tacsi u direen Boqorada geeridii ku timid ninkeedii, bishii Abriil.

Lamaanahan ayaa sheegay inay qoyska boqortooyada ku hayaan "qalbiyadooda".

Kulanka G7 ee Cornwall wuxuu noqonayaa safarkii ugu horreeyay ee ka baxsan Mareykanka ee Mr Biden, maadaama fayraska corona uu ka hor istaagay inuu u safro meel ka baxsan Mareykanka tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Madaxweynihii Mareykanka Ronald Reagan iyo boqoradda oo ku sugan Qasriga Windsor bishii June 1982

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii Mareykanka Ronald Reagan iyo boqoradda oo ku sugan Qasriga Windsor bishii June 1982
Madaxweyne George W Bush iyo boqoradda oo ku kulmay Aqalka Cad sannaddii 2007-dii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne George W Bush iyo boqoradda oo ku kulmay Aqalka Cad sannaddii 2007-dii
Boqoradda iyo Donald Trump waxay kulmeen laba goor intii uu madaxweynaha Mareykanka ahaa, sawirka waa 2019-kii oo ay Portsmouth ku kulmeen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqoradda iyo Donald Trump waxay kulmeen laba goor intii uu madaxweynaha Mareykanka ahaa, sawirka waa 2019-kii oo ay Portsmouth ku kulmeen