Itoobiya: Waxaa laga cabsi qabaa dib u dhac cusub oo doorashada ku yimaada

36 milyan ayaa isu diiwaan galiyay in ay codkooda dhiibtaan

Xigashada Sawirka, AFP

Dib u dhac ku soo food leh doorashada Itoobiya ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii huriso xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta.

Kulan ay Sabtidii la qaateen saraakiil ka socotay dhowr xisbi siyaasadeed, madaxa guddiga doorashooyinka Birtukan Mideksa, ayay mas'uuliyiinta Xisbiyada ugu sheegtay in weli ay jiraan caqabado la xiriira diiwaangelinta codbixiyayaasha, tababarka shaqaalaha doorashada, iyo waraaqaha codbixinta.

Waxay shaacisay in doorashada ay dhici karto in aan la qaban 5-ta bisha Juun laakiin taa badalkeeda ay dib u dhacdo labo ilaa seddex itoddobaad, iyada oo intaa raacisay in xisbiyada siyaasadeed ay soo diraan soo jeedintooda.Sanadkii la soo dhaafay bishii Ogoosto ayaa dib loo dhigay dorashada sababo la xiriira fayraska karona oo si ba'an ugu faafayay caalamka.

Maxay doorashadu mar kale dib ugu dhacaysaa?

Kulan ay abaabulkiisa lahaayen guddiga doorashada, ayay ugu sheegeen wakiillada xisbiyada dalka caqabadaha xagga farsamada ah ee ay kala kulmeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qaybinta qalabka codbixinta.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay ka walaacsan yihiin in dowladda federaalka ay la daalaa dhaceyso dhibaatooyin badan oo ka dhacay dalka iyo in ciidamada ammaanku aaney sugi karin amniga doorashada.Isku dhaca qowmiyadaha ee ka jira qaybo badan oo kamid ah dalka Itoobiya ayaa adkeeyay in qalabkii codbixinta la gaarsiiyo meelo badan oo wadanka kamid ah.

Si kastaba ha noqotee, xilli roobaadka oo bilaabanaya bisha Juun siina xoogeysta bilaha Juuly iyo Ogoosto ayaa sidoo kale walaac weyn looga muujiyay kulanka, iyadoo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta ay sheegeen in dib u dhigistaas ay adkeyn karto codeynta, gaar ahaanna dhulka miyiga ah.Qaar kale waxay soo jeediyeen in doorashada laga dhigo bisha Sebtember - laakiin taasi waxay abuureysaa qalalaase siyaasadeed oo hor leh maadaama la filayo xiligaas in dowlad cusub ay timaado.

Mr Abiy ayaa durbaba bilaabay olalihiisa doorashada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay ahayd falcelinta ka dhalatay?

Falcelin sidaa u weyn lagama bixin dib u dhigista la qorsheyay in kasta oo dadka qaar aaney u arkin in labo ama saddex toddobaad ay ka caawin doonto gudiga doorashooyinka in ay ku saxaan waxyaabaha khaldan ee dhanka farsmada ah kuna diyaariyaan doorasho.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,ayaa isku dayaya in meesha uu ka saaro tabashooyinka jira . Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay dib u dhigista doorashada laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in guddiga doorashada "ay u shaqeeyaan si madax banaan. Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo dhamaan shacabka reer Itoobiya in aan ku dadaali doono sidii aan u qaban lahayn doorasho ka wanaagsan sanadihii hore oo xor iyo xalaal ah".

Balse qaar ka mid ah kooxaha ku sugan dalk dibadiisa ayaa dowladda ku riixaya inay mudnaanta siiso qabashada wadahadal qaran halkii laga qaban lahaa doorashada, iyagoo sheegaya in xiisadda ka taagan waqooyiga gobolka Tigray iyo khilaafaadka qowmiyadeed ee ka jira qaybaha kale ee dalka ay tahay in marka hore wax laga qabto.Waxay sidoo kale dowladda ka codsanayaan inay siideyso maxaabiista u xiran siyaasada isla markaana ay xooga saarto dib u heshiisiinta dalka.

Sidee doorashadu ula xiriirtaa dhibaatada ka jirta gobalkaTigray?

Dib u dhigistii hore ee doorashada bishii Ogoosto ee la soo dhaafay waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay dagaalada ka socda waqooyiga.

Ra'iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa xilka qabtay sanadkii 2018-kii kadib markii uu xilka iska casilay ra'iisul wasaarihii isaga ka horeeyay kadib mudaharaadyo waawayn oo dalka ka dhacay,waxaana xiligaas la sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhigo doorashada si loo xakameeyo fayraska karona .

Laakin tallaabadaas ayaa ka careysiisay Jabhadda (TPLF), oo ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn isbahaysigii hore ee xukunka. Hogaamiyeyaasheeda ayaa ku eedeeyay Mr Abiy inuu si sharci darro ah u kordhiyay mudada loo igmaday xilka, waxayna sheegeen inuu yahay "hogaamiye sharci daro ah".Kooxda TPLF waxay gobalka Tigray ka qabteen doorasho bishii Sebtember iyagoo iska dhaga tiray hadalkii dowladdaa ee ahaa in doorasho aan la qaban karin maadama cudurka karoona uu jiro.

Laba bilood ka dib dagaalyahannadoodu waxay weerareen saldhig ay ciidamada federaalka ku lahaayeen gobalka Tigray,waxaana halkaa ka dhashay dagaal culus oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada TPLF iyo kuwa dowladda federaalka.Dagaalkaas oo muddo socday waxaana ku dhintay kumanaan qof intaa dad ka badanna way ku barakaceen.Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale diiwaan galiyay weeraro argagax leh iyo kufsi ka dhacay gobalka oo lagu eedeyay ciidamada federaalka Itoobiya oo gacan ka helaya kuwa Eriteriya .

Immisa qof ayaa isu diiwaangeliyey inay codeeyaan?

Ugu yaraan 36 milyan oo cod bixiyayaal ah ayaa isdiiwaangaliyay wakhtigii loo qabtay ee toddobaadkii hore, marka loo eego qiyaasta tirada dadka oo ah 110 milyan.

Tiradaan ugu yaraan ayaa 10 milyan ka dhiman inta bartilmaameedku yahay ,laakiin waxay la mid tahay tiradii dadkii iska diiwaangeliyey doorashadii sanadkii 2015-kii.

Tirada codbixiyaasha ee la daabacay ayaa dhalisay khilaaf kale oo ku saabsan saxnimada arrintaas. Qaarkood waxay su'aal ka keenayaan 15 milyan oo codbixiye oo ka diiwaangashan gobolka Oromiya, halkaas oo xisbiyada ugu waaweyn ee mucaaradka ah ay qaadacayaan doorashada sababtoo ah hoggaamiyeyaashooda, sida Jawar Maxamed, ayaa weli xabsi ku jira.