Seddax qodob oo xasaasi ah oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu uga hadlay Clubhuse

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar

Xigashada Sawirka, Reuters/Mohamed Abdirizak

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan uu uga qeyb galay barta Clubhouse dhawaan ku sharraxay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, qaabka loo xusho safiirrada Soomaaliya iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Wasiirka ayaa ka jawaabayay su'aalo ay weydiinayeen dadka kasoo qeyb galay kulankan uu uga hadlayay mid ka mid ah baraha bulshada.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu sharraxay waxaa ka mid ah habka qabiillada loogu xusho shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda, gaar ahaan safiirrada, sida ay Soomaaliya uga maarmi karto kaalmada caalamka iyo siyaasadda ay wasaaraddiisu kula dhaqanto dalalka kale ee caalamka.

1- Xulashada safiirrada

Mid ka mid ah su'aalihii la weydiiyay wasiirka ayaa looga dalbaday in uu ka hadlo cidda soo xulata safiirrada, doorka madaxweynaha uu ku leeyahay arrintaas iyo isku dheelitirka qabiillada.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in uu ogyahay fikrado dadka qaar aaminsan yihiin - sida qofka su'aasha weydiiyay - oo ku aaddan in madaxweyne kasta uu dad qabiilkiisa ah siiyo xilalka safiirrada, laakiin taas uusan isaga la qabin. Wuxuuse qiray in nidaamka hadda Soomaaliya ay ku shaqeyso uu yahay mid salka ku haya qabiil.

"Annagu hadda waxaan nahay waddan muddo 30 sano ka badan aysan wax kasta oo kale ka shaqeynin oo aan ka ahayn nidaamka qabiilka. Soomaaliya ma ahayn meel ay ka shaqeyneyso in qofba qofka uu ka mudan yahay aqoon ahaan wax lagu siiyo. Waa meel uu qabiil ka shaqeeyo. Safaaradaheenna hadda waxay runtii ku dhisan yihiin ama lagu joogaa qaab ay qabiilladu isu dheellitiran yihiin intii la isu dheelitiri karo, marna meesha ugu saxsan ma ahaaneyso," ayuu yidhi.

.

Xigashada Sawirka, Mohamed Abdirizak

Waxaa kale oo uu caddeeyay kaalinta uu madaxweyne ku leeyahay shaqaaleysiinta xubnaha ka howl gala safaaradaha, wuxuuna yidhi: "Arrintu ma aha in madaxweynuhu safiirrada u badiyay qabiilkiisa, laakiin waa la isku dhex jiraa. Wasaarad ahaan waxaa noo yaalla sharci la yiraahdo "Xeerka Adeegga Arrimaha Dibadda", sharcigaas wuxuu qabaa Madaxweynuhu inuu soo magacaabi karo wax ka yar 10% oo ah heerka safiirrada. Intii aan wasaaradda imid waxaan billownay inaan inta kale shaqaalaha ka dallacsiinno gudaha wasaaradda."

Dhanka kale, wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in safaaradaha qaarkood ay shaqada ku badan tahay marka ay ka howl galayaan waddamo ay jaaliyadaha ku badan yihiin.

2- Sida ay Soomaaliya ula dhaqanto safaaradaha iyo Beesha Caalamka

Su'aalihii kale ee la weydiiyay wasiirka waxaa ka mid ahaa qaabka ay dowladdiisu, gaar ahaan wasaaraddiisa arrimaha dibadda ula dhaqanto safaaradaha kale iyo wakiillada beesha caalamka, kuwaasoo hadallo ku saabsan Soomaaliya soo dhiga baraha bulshada.

Tusaalaha miiska saaran ayaa ahaa qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay mid ka mid ah safiirrada ajaanibta ah. Qoraalka ay dowladda Soomaaliya qoonsatay wuxuu ahaa in dowladda lagu amray inay awood wareejin sameyso.

Markii uu jawaabtan bixinayay ayuu si guud u sheegay in Soomaaliya ay xilligan "mar walba u baahan tahay caawinaadda Beesha Caalamka maadaama aysan dhaqaale ahaan isku filneyn."

Laakiin wuxuu intaas ku daray inuu marar badan si hoose ula hadlo safiirro baraha bulshada soo dhiga waxyaabaha ku saabsan Soomaaliya.

"30 sano ka hor adduunka kama jirin baraha bulshada iyo waxyaabahan Twitter-ka lasoo wada dhigayo, laakiin annaga laftirkeenna inkastoo waxyaabahan ay aad noo dhibayaan an oggolaano xaqiiqada ku saabsan inaan nahay dal miisaaniyaddiisa la kabo, amnigiisa wax lagala qabto dadkiisa loo soo gurmado markii ay ku dhacaan abaaro ama fatahaado, bal ka warran haddii maanta aan wax walba heysanno. Safaaradahan iyo wasaaradahan qaabka aan ula dhaqanno way ka duwanaan lahayd sida, ayagana marka horeba way na ixtiraami lahaayeen.

.

Xigashada Sawirka, Mohamed Abdirizak

"Waa inaan annaga lafteenna muraayad isku fiirinno oo aan aragno inaan nahay dal saas ah oo waliba raba in lagu ixtiraamo. Si kastaba ha ahaatee wali waxaan marar badan ka shaqeyneynaa, isu ekeesiineynaa inaannaan qaadan karin waxyaabaha qaar, waana naga dhab. Hadda Tweet-ki ugu dambeeyay markaan arkay qaarkood aniga si shaac baxsan waan ugu jawaabi karay laakiin waxaan kala doortay in aan farriin gaar ah u diro oo farriimahaas isdhaafsanno iyo inaan Tweet ku jawaabo kee wax tar noo leh annaga.

"Qaarkiin way ogyihiin aniga inaan kala gabbanin safiirrada iyo diblomaasiyiinta aan dareemo inay nagu xad gudbaan, oo aan si loo wada jeedo ugu jawaabo kana hadlo. Marka waxaan go'aansaday inaan Tweet-kaas farriin khaas ah u diro una sheego in waxa lasoo qoray aysan nagu habbooneyn, taasna waxay keentay jawaabtii aan annaga ka rabnay.

3- 'Soomaaliya waxay noqon lahayd waddanka saddexaad ee ugu taajirsan adduunka'!

Mid ka mid ah qodobbada ugu xasaasisan ee uu Wasiirka uga hadlay kulanka Clubhouse waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay ka maarmi karto dhaqaalaha lagu taageero.

"Jawaabta su'aasha ku saabsan maka maarmi kartaa dhaqaalaha nalagu taageero waa haa waan ka maarmi karnaa. Si aan uga maaranno, waxaa loo baahan yahay Soomaalida inay fahmaan inaan leenahay dal aad iyo aad qani u ah dadkiisuna ay aad faqri u yihiin. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay dalalka Kahliijka u arkaan kuwo qani ah. Haddaad fiiriso Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka waxay leeyihiin Shidaal, intooda badan waxay leeyihiin Shidaal kaliya. Wasiirka yaa ayaa ku dooday in Soomaaliya ay kaalin wanaagsan geli lahayd haddii ay soo saari kari lahayd shidaalkeeda.

"Soomaaliya waxay leedahay Shidaal aad u badan. 2009-kii daraasado aan arkay qeexayeen in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar toddobo ka gali lahayd. Dhowr sano kaddib waxaan arkay daraasad kale oo sheegeysa in Soomaaliya haddii shidaalkeeda lasoo saaro ay noqon lahayd lambar saddex. Shidaalka waxaa noo dheer waxa la yiraahdo gaaska dabiiciga ah. Adduunka waxaa kaalinta koowaad uga jira Ruushka, kaalinta labaad waxaa ku jirta Qadar, sida aan filayo, Soomaaliyana waxaan u maleynayaa in ay labadoodaba meel la mid ah haddiiba aysan ka badneyn ay gaarsiin lahayd."