George Floyd: Maxaa lagu ciqaabi doonaa askarigii dilay Geroge Floyd?
Indhaha shacabka Mareykanka - iyo guud ahaan caalamka - waxay eegayeen maxkamaddii dhageysaneysay kiiska Derek Chauvin oo loo heystay inuu dilay George Floyd bishii May ee sanadkii 2020-kii.
Ninka horay uga tirsanaa booliska ayaa jilibkiisa qoorta uga hayay ninka Mareykanka-Madow ahaa muddo ka badan sagaal daqiiqo xilli lagu xirayay magaalada Minneapolis, isagoo dhagaha ka fureystay dhawaaqii uu ku sheegayay in ay neefta ku dhaggan tahay. Mr Floyd waxaa geeridiisa la shaaciyay hal saac kaddib.
Maalintii Talaadada, xeer-beegti maxkamadeed ayaa Chauvin ku heshay fal dil ah oo heerka labaad ah, mid heerka saddexaad ah iyo dil sharci darro ah kaddib markii dhageysiga kiiskiisa uu socday saddex isbuuc.
Hadda su'aasha taagan waa: Maxaa xiga oo dhici doona?
Muxuu noqon doonaa xukunka?
Siddeed isbuuc oo kale ayay qaadan doontaa in garsooraha deegaanka Hennepin, Peter Cahil, uu xukun ku rido Chauvin, taasoo ka dhigan inuu heysto waqti uu uga fiirsado go'aannada u furan.
Sida uu qabo sharciga u yaalla gobolka Minnesota, xukunka ugu yar ee lagu ridi karo waa 12.5 sano oo xarig ah, oo loo adeegsado kiisaska ugu waaweyn, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Hase yeeshee, saddexda dambi ee lagu helay - oo dhammaantood u baahan inay noqdaan ficillo uu sameeyay Chauvin oo sababay geerida Mr Floyd balse siyaabo kala duwan loo fasiri karo - waxa uu mid walba si gaar ah u leeyahay xukun.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kiiska ugu weyn, oo ah dilka heerka labaad - kuna saabsan marka uu qofku geysto weerar halis ah sababi kara geeri - ciqaabtiisa ugu weyn waa 40 sano oo xabsi ah.
Dilka heerka saddexaad - waxaa lagu qeexaa marka uu qofku sameeyo taxaddar yari iyo qaddarin la'aanta nafta bani'aadanka, ciqaabtiisuna waxay noqon kartaa ugu badnaan 25 sano oo xabsi ah.
Dilka sharci darrada ah ee heerka labaad - waxaa lagu tilmaamay inuu qofku si qeyrul-masuulnimo ah ficil u sameeyo, sidaas darteedna ku abuuro halis, isagoo miyirkiisu caadi yahayna ku dhaqaaqay waxyaabo sababi kara dilka ama waxyeellada qof - ciqaabtiisuna waxay noqon kartaa ugu yaraan 10 sano oo xabsi ah ama $20,000 oo ganaax ah.
Dacwad oogeyaasha ayaa dalbanaya in ninkan lagu rido xukun ka sarreeya kan ugu hooseeya ee lagu ridi karo, iyagoo ku doodaya inay jireen arrimo kale oo argagax galin ah - oo ay ka mid tahay in xariga Floyd lagu sameynayay cunug sagaal jir ah hortiis.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ma cadda in garsoorka uu xukunnadaas ka dhigi doono kuwo hal waqti ah ama kuwo la kala qaadayo oo mid walba si gooni ah uu ciqaabtiisa u marayo dambiilaha.
Haddii ciqaabta laga dhigo mid hal waqti ah waxay gaari kartaa ugu yaraan 12.5 laakiin haddii la kala qaado waxay noqoneysaa 75 sano oo xabsi ah, inkastoo cafis qofka loo fidin karo marka uu dhammeysto saddex meelood labo meel oo ka mid ah xukunkiisa, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee AP.
Xaguu joogaa Chauvin hadda?
Chauvin wuxuu heystay damiin uu bannaanka ku joogay laakiin oggolaanshahaas waa la burburiyay markii lagu helay dambiga. Hadda waxaa lagu hayaa xarun ku taalla magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Park Heights, sida ay saraakiisha u sheegeen warbaahinta.
Qareennada difaacaya Chauvin wali ma aysan ka hadlin natiijada kasoo baxday kiiska, laakiin waxaa laga filayaa inay racfaan ka qaataan.
Khubaradu waxay sheegayaan in tabinta badan ee warbaahinta looga sameeyay kiiskan iyo lacagta la siiyay qoyska George Floyd ee ah $27 milyan oo doolar ay u sahleyso Chauvin inuu racfaan qaato.
Qareenka difaacaya ee lagu magacaabo Mark Geragos ayaa natiijada ku qeexay "Gabogabeyn horay go'aankeeda loo qaatay".
Maxaa laga yeelayaa askartii kale?
Saddex askari oo kale ayaa ku lug lahaa xarigga Mr Floyd. Waxay kala yihiin Tou Thao, J Alexander Kueng iyo Thomas Lane dhammaantoodna waxay wajahayaan dacwado. Waxaa loo heystaa inay gacan ka geysteen dil heerka labaad ah iyo dil sharci darro ah.
Raggaas, oo dhammaantood shaqada booliska laga eryay ayaa hadda damiin ku jooga bannaanka. Dacwaddooda waxaa loo qorsheeyay 23-ka bisha August ee sanadkan.
Haddii lagu helo dambiyada loo heysto, waxay wajihi karaan ilaa 40 sano oo xabsi ah.











