Axmed Madoobe: "Farmaajo wuxuu doonayaa doorasho boob ah"

Axmed Madoobe

Xigashada Sawirka, JUBBALAND TV

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan ku laabtay magaalada Kismaayo kadib markii ay burbureen wadahadalladii Muqdisho ee arimaha doorashooyinka ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aanka golaha shacabka uu muddo kordhinta ugu sameeyay hay'adaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya aaney kaligood go'aan gaari karin iyada uu ka maqanyahay Aqalka Sare maadama labaduba aqal ay ahayd in ay hal mar wada ansixiyaan go'aammada masiiriga sida tan oo kale.

"Maalin dhawayd waxaa la yiri baarlamanbaa fariisatay Aqalka Hoose waxay yiraahdeen heshiiskii 17-kii September waan laalnay waxaana soo celinay gudigii doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey , laba sano oo muddo kordhin ah ayaan rabnaa in wadanka lagu sameeyo horta waa su'aale sharciyadaa baarlamanaku leeyihiin waa tee ee sharciga caynkaas ah ku ansixinayaan " ayuu yiri Axmed Maoobe .

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in heshiiskii 17-kii ay isla qaateen labada guddoon ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare balse hadda aqalka golaha shacabka oo kaliya uu gaaray go'aan taas uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga iyo wixii horey loogu heshiiyay.

Madaxweyne Farmaajo

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo

Mr Madoobe ayaa intaa ku daray in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sanadkii 2017-kii ku yimid doorasho xor iyo xalaal ah haatanna uu doonayo doorasho boob ah waa sida isagu uu yiriye.

"Doorasho sharaf leh oo xor iyo xalaal ah ayuu shalay ku yimid madaxweynaha xilkiisu uu dhamaaday ee Maxamed Cabadullaahi Farmaajo,maantana wuxuu gaysanayaa waa middaa boobka ah ee sharci darrada ah ee aqalkii sare uu yiri ha iska tago" ayuu yiri Axmed Maoobe madaxweynaha mamaulka Jubaland.

Heshiiskii 17 September yaa diiday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo waraysi siinayay Tv-ga Shabelle ee xaruuntiisu tahay Muqdisho ayaa dhankiisa ku eedeyay maamullada Jubaland iyo Puntland in shirkii natiijo la'aanta ku soo dhamaaday ee ugu dambeyay ay ku soo bandhigeen maamullada JUbalnd iyo Puntland shuruudo cusub isla markaana ay diideen heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September oo ay ku sheegeen inuu dhacay oo wakhtigiisa laga gudbay.Madaxweynaha oo la waydiiyay waxa ku kalifi kara inay sidaa dhahaan maadama ay horey u saxiixeen ayaa sheegay in aysna rabin in doorasho ay galaan.

"Waxaa ku kalifi karay saan is leeyahay ma rabaan in ay galaan doorasho xaqiiqatan, maxaa yeelay markii aad loo murmay waxay waxay soo istaageen September 17 maaha sax September 17 waa dhacay wakhtigiisii" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Mr Farmaajo ayaa sheegay in Jubaland iyo Puntland ay ku tala galeen in shirka ay fashilayaan oo aaney dooneyn in la gaaro heshiis wada jir ah si loo aado doorasho maadama ay soo kordhiyeen shuruudo cusub oo qaarkood laga aqbalay qaarna aaney sharci ahayn .

Dastuurka Soomaaliya miyuu kasoo hor jeedaa muddo kordhinta loo sameeyay dowladda?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xeerkii uu Golaha shacabka ee Aqalka Hoose ku ansixiyay muddo kordhinta dowladda ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka oo ay ahayd in lasoo mariyo Aqalka Sare.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu sidoo kale guddoomiyaha ku xaqiijiyay in xiriirka ka daxeeya isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka uusan wanaagsaneyn.

"Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa," ayuu yidhi Cabdi Xaashi.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in "hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo".

Soo celinta guddigii doorashooyinka Qaranka

Mar uu ka hadlayay Mr Axmed Madoobe guddiga doorashooyinka wuxuu sheegay in guddigii doorashooyinka Qaranka oo dowladda sheegtay inay dib u howl galisay uu wakhtigiisu dhamaaday isla markaana aan dib u cusboonaysiin loo sameyn karin. Wuxuu sheegay in haddii sidii la rabo loo adeegsanayo guddiga ay arrintaas khatar ku tahay dalka .

"Guddiga doorashooyinka lala hadlayo ee loo yeerayo Xaliimo Yareey wakhtigiisu wuu dhamaaday loomana cusboonaysiin karo wkhatiga, wuxu haddi la jiifiyaana bannaan ay tahay waa musiibo kale" ayuu yiri madaxweynaha Juballand.

Ciidanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA

Ciidanka Qaranka

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbadda uu jeediyay ku so hadal qaaday xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in dowladdu ciidamadii qaranka u adeegsanayso caburinta dadka iyo in lagu laayo dadka halkii ay la dagaalami lahaayen Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in mudadii jirtay dowladda federaalka aaney jirin deegaanno laga qabsaday Al shabaab taa badelkeedana ayba shabaab qabsadeen deegaanno ka tirsan dalka,wuxuun tusaale u soo qaatay ciidamada dowladda gaysay qaybo ka mid ah gobalka Gedo .

"Ciidankii dowladda ee Qaranka oo ahaa ciidan u abuurnaa difaaca dalka iyo la dagaalanka Shabaab iyo in ay dadka u sinaadaan waxay noqdeen kuwa loo isticmaalo in dadka lagu caburiyo oo dadka lagu laayo Bilaahi calaykum aan idin waydiiyee maanta hal tuulo oo Soomaaliya ka mid ah oo afartii sono ee la soo dhaafay Shabaab laga xoreyay ma jirtaa taa badelkeeda waxaa la dhihi karaa Shabaab ayaa loo shaqeyay "ayuu ku yiri khudbadiisa oo ahayd mid dheer madaxweynaha Jubalnd.