Colombia: Waxay cafisay raggii kufsaday ee dilay seygeeda - markale ayey hadana ceyrsanayaan

Fanny Escobar

Xigashada Sawirka, Daniel Pardo, BBC

Fanny Escobar, oo ah hoggaamiye bulsho ee waqooyi-galbeed ee Kolombiya, ayaa sheegtay in aysan illin ku harin oo oohintii ka dhammaatay.

Codkayga maqal, ayay igu tidhi. Markaan hadlayo, wuu kala googo'ayaa oo wuu libdhayaa. Laakiin ma ooyo, ma haysto ilmo aan ku ooyo.

Taa bedelkeed, markay murugoonayso, gacmaheeda waxay bilaabaan in ay jareeyaa oo ay dhaxamooto.

Markii Escobar dhammeysay in ay ii sheegto wixii ay soo martay, 57-dii sano ee ay ku nooleyd gobolka uu dagaalku ka dhacay ee Urabá, jirkeeda wuu qaboobay.

Waxay ku jirtay xaalad kufsi, iyo hanjabaad dil la xiriirta, waxaa lagu qasbay in ay ka guurto gurigeeda, waxaana la dilay mid ka mid ah carruurteeda. Sidoo kale ninkeeda ayaa u geysan jiray xadgudubyo xilliyada uu sarkhaansanaa.

Waxay korsatay carruur kale oo dhibaateysnaa oo barakacayaal ahaa.

Waxay sheegay in xitaa xanuunka kansarka ee haya uu ka dhashay dhibaatadii dagaal ee soo gaadhay: "Xanuunkaas oo dhan, hubkii aan qaatay, ayaa saameeyay horraadadeyda".

"Waxaa jiro haween asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay oo la kufsaday toddobo ama sideed jeer, oo weli lagu kufsanaayo dhulkooda. Sheekadayda noloshu waxba ma ahan marka la barbardhigo waxa halkaas ka socda," ayuu tiri.

Escobar waa hogaamiye bulsho, waxayna ka mid tahay hoggaamiyaasha badan oo reer Kolombiya ah.

Waxay madax ka tahay urur lagu magacaabo Mujeres del Plantón, oo u dagaallama inuu cod yeesho si looga hortago xadgudubka, iyo in ay hesho caddaalad. Escobar waxay marlabaad wajahaysaa kooxo burcad ah oo u arka in hoggaankeeda uu halis ku yahay howlahooda.

"Laakiin aniga kama baqayo dhimashada. Had iyo jeer waxaan dhihi jiray waxaan u dhashay in aan dhinto," ayay tiri.

.

Xigashada Sawirka, Daniel Pardo, BBC

Escobar waxay ku dhalatay La Guajira, oo ah deegaan ay ku badan yihiin dadka saboolka ah, oo lama degaan ah oo ku yaalla waqooyiga Kolombiya, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka asaliga ah ee Wayúu, laakiin markay ahayd dhalinyaro ayey qoyskeeda u guureen gobolka Urabá, oo u dhaw xadka Panama, iyagoo raadinaya fursado fiican.

Markiiba way ka tagtay hooyadeed waxayna u wareegtay Gacanka Urabá, xilligii Jabhadda Xoreynta ee caanka ka ah Kolombiya (EPL), kuwaas oo maamuli jiray aaggaas.

Fanny Escobar

Xigashada Sawirka, Daniel Pardo, BBC

Fanny Escobar waxaa la kufsaday iyadoo uur leh

"Waxaan ka sii fikiray cunugeyga caloosha kujira. 'Idil, laakiin cunugeyga maya'. Waxaan xasuustaa in aan soo noqday oo aan weydiisanayay in cunugeyga aysan wax yeelin."

"Qori ayey igu qabteen ka dibna khasab ayay igu kaxeeyeen. Waxaan dareemay in ay igaraacayaan, waxaan moodayay in aan dhimanayo, maxaa yeelay waxaa la iiga tagay meyd ahaan," ayuu tiri Escobar.

Escobar way ka soo dheceen ilmihii uurkaas ku jiray. "Way iga aarsadeen, waxay doonayeen in ay noloshayda waxyeelo u geystaan ​​... wayna ku guuleysteen," ayay tiri. Kufsigu wuxuu ahaa, welina yahay, hubka dagaalka.

Dhibaatada Fanny Escobar halkaas kuma ekaan. Sannado ka dib, saraakiishii militariga waxay dileen ninkeeda, markii dambena waxay dileen mid ka mid ah wiilasheeda, "Waxay ilmaha ku adkeysteen in ay ogaadaan runta geerida aabohood," ayay tiri.

Mujeres del Planton

Xigashada Sawirka, Daniel Pardo

Qoraalka sawirka, For many women community leaders provide much needed support and hope

Escobar ayaa markale bilowday in ay gariirto, waxaanna u soo jeedinayay in ay nasasato laakiin gacmaheeda ayey qabsatay waxayna tiri "Maya, aan sii wadno."

Waxay sheegtay: "Mar kale waan kacay, sababtoo ah qaddarta iyo nolosha waa sidaas oo kale: haddii aan mararka qaar dhacno, waa in aan kacno anagoo sidii hore ka xoog badan," ayay tiri.

Cajiib, waa sida ay u sheegtay in ay cafin karto ragii kufsaday ee sanado badan silcinayay: "Cafiska, wuu fududyay marka isbedel la sameeynayo," ayay tiri.

Sannadkii 2013, koox askar ah ayaa waddo ku taal magaalada Apartadó, ku kufsaday oo dilay saddex haween ah.

Ururkeeda hadda wuxuu ka mid yahay kuwa ugu dhaqdhaqaaqa badan ee Kolombiya, waxayna taageero ka heshaa dhowr NGO.

Fanny Escobar

Xigashada Sawirka, Daniel Pardo, BBC

Si la mid ah inta badan dalalka Latin Amerika, Kolombiya waligeed ma soo marin isbadal dhameystiran. Waxaa la sheegaan in kacdoonno aysan ka jirin halkaas laakiin gobolladan waxaa ka jiray iska caabin aamusnaan ah.

Irina Cuesta waa khabiir cilmiga bulshada ku takhasustay iyo cilmi-baare, waxayna ka tirsan tahay dadka ka shaqeynaya sidii nabad waarta loo heli lahaa.

Iyadoo ammaaneysay ururada haweenka waxay tiri: "Ficilladooda wadajirka ah kuma koobna mudaaharaadka waddooyinka, sidoo kale waxay abaabulaan oo xalliyaan dhammaan noocyada arrimaha bulshada: waxay maareeyaan helitaanka biyaha, iskuulada iyo waddooyinka maxalliga ah."

Maanta, Escobar iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Mujeres de Plantón, waa awood halis ku ah danaha kooxaha hubeysan ee aagga Apartadó.

Wiilal ku cayaaraya waddada Uraba

Xigashada Sawirka, Daniel Pardo, BBC

Qoraalka sawirka, Wiilal ku cayaaraya waddada Uraba

"Miyaad aragtaa garoonka halkaas ku yaalla?" Ayay i weydiisay Escobar, "waa suuqa 'dawooyinka hawada furan'. Fiid kasta, halkaas ayay joogaan, iyaga oo is weydaarsanaya baakado yar yar oo daroogo ah, waxayna siiyaan cruurta."

"Marka hore waxay carruurta ku siiyaan si khasab ah iyaga oo ka dhigaya kuwa balwad leh iyo kuwa wax tahriibiya. Ka dibna way dilaan," ayay tiri.

"Markaa sidaa aragnay waan soo baxnay oo waxaan sameynay mudaaharaad, waxaana ka dhashay in la xiro in ka badan 10 goobood oo lagu iibiyo daroogada," ayay tiri.

"Hoggaamiyaasha bulshada ayaa soo gabagabeynaya shaqooyinka denbiileyaasha," ayay tiri Escobar. "Waana sababta ay u bartilmaameedsanayaan oo ay u dilayaan".