Siduu jiirkan u argagax galiyay xildhibaannada Colombiya?

.

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

"Jiir" waa hal ku dhig aad loogu isticmaalo siyaasiyiinta dalka Colombia ee lagu tuhmo inay geystaan falal musuqmaasuq ah.

Balse dibad baxayaasha dalkaas oo badanaa ku dhawaaqa erayga "Jiir" ayaa mid ka mid ah waxaa uu senetarrada maalintii Arbacada ahayd ku tuuray jiir nool.

Dadkii halkaa ku sugnaa ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey.

Qaar ka mid ah senatarradaas ayaa qoslay waxayna la soo baxeen teleefonnadooda si ay muuqaal u duubaan.

Qoraalka Codka, Soomaali ka qeyb galay shirka dhalinyarada ee dalka Colombia

Senatarro uu ka mid yahay Angélica Lozano ee xisbiga Green Party ayaa damcay inuu muuqaal ka duubo dooliga. Iyadoo la maqlayey senetarrada oo magacyo kala duwan ugu yeerayey xayawaankan.

.
Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

.

Ms Lozano ayaa guddoonka aqalka hayey xilligii ay dhacdadaan dhacaysay. Si deggan ayeyna u cambaaraysay falkaan: "Waan xushamaynaynaa xuquuqda dadka ra'yidka ah, balse ma soo tuuri kartid jiir, taas waxay muujinaysaa xushmad la'aan."

Mr Valencia wuxuu sheegay inuu is ku dayey inuu boorsado qabto uuna xiro balse ay u suura geliwaysay inuu ka hortago dhacdadaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dibadbaxayaasha ay bartilmaameed sanayeen madaxweynihii hore Álvaro Uribe iyo qaar ka mid ah xubnihisii hore ee xisbiga dimuqraadiga.

Qofkii ka dambeeyey falkan ayaan weli la xaqiijinin.