Geerida Amiir Philip oo la filayo inay shaafiso xiisaddii ka dhex taagnayd xubnaha boqortooyada
Murugada la wadaagayo ee ku saabsan geerida Amiirkii Edinburgh waa "fursad ku habboon" in lagu saxo wixii khilaaf ah ee ka dhex jira Qoyska Boqortooyada, ayaa uu sheegay Raiisal Wasaarihii hore Sir John Major ee UK.
Sir John, oo ilaaliye u ahaa Princes William iyo Harry geeridii hooyadood ka dib, wuxuu sheegay inuu rajaynayo inay soo afjari doonto wax kasta oo "khilaaf ah" oo u dhexeeya labadooda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Boqoradda ay u baahan tahay waqti ay ku murugooto ninkeeda.
Intii lagu guda jiray adeegga kaniisadda Canterbury Cathedral, oo ayaa la baahiyey khadka tooska ah, Justin Welby wuxuu yidhi "Qoyska Boqortooyada, sida kuwa kale, ma jiro ereyo gaari kara murugada iyo xaaladda tacsi ee u taalla".
Baadariga weyn ayaa sidoo kale la filayaa inuu hogaamiyo aaska duke maalinta sabtida, taas oo amiirrada William iyo Harry ay labaduba ka qeyb galayaan.
Harry ayaa ka soo socdaali doona Maraykanka, inkasta oo aan la ogayn wakhtiga u qorshaysan.
Xaaskiisa, Meghan Markle, oo uur leh, ayaa iyadu kusii negaan doona gurigeeda California kaddib amarka dhakhtarka.Amiirka Wales iyo xubno ka tirsan Qoyska Boqortooyada ayaa socon doona gadaasha naxashka ka hor aaska ka dhacaya Qasriga Windsor.
Vincent Nichols, oo ah madaxa Kaniisadda Katooliga ee England iyo Wales, ayaa soo jeediyey in isu imaatinka aaska Philip ay gacan ka geysan karto bogsiinta wixii xiisad ah ee qoyska u dhexeeyey.
Sir John, oo loo magacaabay ilaaliyaha gaarka ah ee amiirrada kadib markii hooyadood, Diana, Princess of Wales, dhimatay 1997, wuxuu u sheegay BBC One's Andrew Marr Show: "Khilaafka naloo sheegay inuu kacay waa khilaaf si fiican ugu dhammaaday sidii ugu dhaqsaha badneyd ee suurto galka ahayd. "
Wuxuu raaciyay: "Waxay la wadaageen shucuurtooda. Waxay la qeybsanayaan murugada waqtiga dhimashada awoowgood. Waxaan u maleynayaa in tani ay tahay fursad fiican."Waxaan aad u rajaynayaa inay macquul tahay in la saxo wixii khilaaf ah ee jira."

Xigashada Sawirka, Reuters
Harry iyo Meghan, oo ka soo noqday waajibaadkii hore ee boqortooyada, waxay wareysi siiyeen warbaahinta Mareykanka ah gaar ahaan Oprah Winfrey bishii hore.Harry dhexdiisa wuxuu ka yidhi barnaamijkaas la macaamilkiisa walaalkiis ka weyn: in xidhiidhkooda fakaag ku jiro. Waqtiguna in uu bogsiiyo wax walba, ayaan rajeynayaa."
Sir John wuxuu sidoo kale u sheegay Andrew, Marr Duke of Edinburgh inuu "wali ku jiri doono xusuusta [Boqoradda]" iyo inay "codkiisa maqli doonto".
Muddo baroor diiq qaran ah ayaa dhammaan doonta wixii ka dambeeya 17-ka Abriil, marka aaska Amiir Philip lagu qaban doono Qasriga Windsor ee St George's Chapel.
Aamusnaan qaran oo daqiiqad ayaa la qaban doonaa si loogu beego bilowga adeegga aaska 15:00 BST.
Amiir Philip wuxuu ku dhintay Windsor Castle jimcihii, wuxuu ahaa 99.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xubnaha bulshada ayaa sii waday ubax dhigista bannaanka qalcadda, in kasta oo hagidda cusub ee dowladda ay ka codsaneyso dadweynaha in ay ka waantoobaan taas oo taa badalkeeda ay sadaqo bixiyaanXubin ka mid ah shaqaalaha reerka boqortooyada ayaa la sawiray isagoo ubaxyo dhigaya cowska dhexdiisa.














