"Waan ka naxnay in qufulladii jaceylka meesha laga saaraya"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tobankii sano ee la soo dhaafay, boqolaal dad ah ayaa ku daray qufullada xiriirka jaceylka buundo ku taal magaalada quruxda badan ee Bakewell ee dalka UK si loogu dabaaldego jacaylkooda ama loo xasuusto qof ay kala lumeen.
Waxay ka tarjumaysaa dhaqan lagu arkay goobaha dalxiiska ee adduunka.
Si kastaba ha noqotee, qufullada Derbyshire ayaa laga yaabaa in mardhow meesha ka baxaan iyadoo maamulka gobolka lagu wado inuu meesha ka saara si ay howlo dayactir ah uga fuliyaan buundada Webiga Wye.
Hadalkaasi ayaa qaar ka mid ah dadkii "qufulada jacaylka" uga tagay halkaasi ku reebay niyad jab iyo shucuur.
'Waxaan ku darsanay quful maalintii arooskeena'
Gee Atkin, oo 26 jir ah, ayaa sheegtay in uu "gebi ahaanba gubay" hadalka sheegaya in qufullada laga saari doono dhawaan.
Ayada iyo seygeeda Alan, oo 69 jir ah, ayaa qufulkooda ku daray buundada maalintii arooskooda ee 2017-kii.
Waxaan si toos ah u aadnay buundada xaflada kadib, ayay tiri.
"Waxaan ogaanay in dad badan ay qufulada xidheen waxaanan bilawnay aqrintooda waxaanan ku fikirnay in 'tani runti ay tahay arrin fiican."

Xigashada Sawirka, Gee Atkin
Lamaanahan, oo ku nool Darley Dale, ayaa awoodi waayey inay booqdaan qufulkooda sababo la xiriira xayiraadaha fayraska corona awgood laakiin Mrs Atkin ayaa sheegtay inay tahay wax ay ka dhigi doonaan dhacdo.
Mrs Atkin waxay sheegtay inay ahayd "wax laga xumaado" laakiin ay fahansan tahay inay u baahan yihiin in meesha laga saaro si shaqo loogu qabto buundada.
"Way fiicnaan lahayd inay meel kale helaan oo u dhow, ayay tidhi.
'Waa meeshii aan ku xusuusan lahayn aabbeheen'
Frances Bell, oo ka yimid Tinsley, South Yorkshire, qufulka jacaylku wuxuu u taagan yahay sheeko jacayl oo ah nooc ka duwan kuwa dadka kale.
Waxaa la dhigay buundada magaalada Bakewell sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay dhimasha aabbaheed Neville.
63 jirkan ayaa si lama filaan ah ugu dhintey cudurka halista ah sanadkii 2017, Bakewell wuxuu ku yaalay meel ay wada booqan jireen.

Xigashada Sawirka, Frances Bell
'Waxaan u baahanahay inaan ixtiraamno dadka qufulada dhigay halkan'
Richard Young ayaa sameeyay bog Facebook ah oo uu ugu baaqaya maamulka maxaliga ah inay badbaadiyaan qufulada jacaylka e Bakewell.
"Marwalba waan taageeri jiray qufulka jacaylka sababtoo ah waxaan marwalba ku fakarayay inay wax fiican u tahay magaalada ," ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Young, oo ganacsi ku lahaa Bakewell ka hor inta uusan howlgab noqon sannadkii 2015, wuxuu sheegay in qufullada jaceylka ay billowdeen inay soo muuqdaan sannadkii 2012 isla markaana uu ka faa'iiday dhaqaalaha maxaliga ah iyadoo ay soo jiiteen dalxiisayaal badan.
Shaun Curtis wuxuu dukaanka dayactirka kabaha ku leedahay Bakewell muddo 22 sano ah, sidoo kale wuxuu iibiyaa qufullada si ay dadka ugu xirtaan.
Wuxuu u maleynayaa in 90% qufulada jacaylka ee buundada ka yimaadeen dukaankiisa, taasoo ka dhigaysa "horumar weyn" oo dhanka ganacsiga ah.
Inta ay la egyihiin sheekooyinka jacaylka ee murugada leh ee aan maqlay, waxaan qori karay buug, ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, Google
Waxay la tahay in qufullada oo meesha laga saaro ay ixtiraam darro ku tahay dadkii halkaa dhigay.
Afhayeen u hadlay Golaha Degaanka Derbyshire ayaa yiri: "Waxaan u baahannahay inaan ku sameyno dayactir joogto ah buundada waxaana u baahanahay inaan ka qaadno qufulka si aan shaqadan u qabanno.










