Joe Biden: Waa kuma qofka uu eyga madaxweynaha Mareykanka mar kale ku qaniinay Aqalka Cad dhexdiisa?

Xigashada Sawirka, AFP
Eeyga madaxweynaha Mareykanka, ee lagu magacaabo Major ayaa qaniinay qof kale maalmo uun kaddib markii laga soo celiyay tababar loo geeyay Delaware markii uu ruux hore qaniinay.
Dhacdadan oo ku beegneyd dabayaaqadii bishii March ayaa timid xilli wali ay socotay hadal-heynta dhacdadii la midka ahayd ee lasoo tabiyay isla bishaas gudaheeda.
Afhayeen u hadlay xaaska madaxweynaha Mareykanka, Jill Biden, ayaa sheegay in qofka uu eeyga qaniinay la mariyay baaritaan caafimaad "oo hubin ah" looga geeyay kooxda caafimaadka ee Aqalka Cad ka hor inta uusan shaqadiisa ku laabanin.
Eeyga Major wuxuu ka mid yahay labada eey ee uu leeyahay madaxweyne Biden, waana midka yar.
"Major wali wuxuu la qabsanayaa dadka cusub ee ku hareereysan, wuxuuna qaniinay qof isagoo dhex socda dhismaha," ayuu yidhi Afhayeenka Biden, Michael LaRosa, oo ka hadlayay dhacdadaas.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waa kuma qofka uu qaniinay?
Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in qofka uu eeyga madaxweynaha qaniinay uu ka mid yahay shaqaalaha xarunta xannaanada xayawaanka ee qaranka, inkastoo uusan magaciisa xusin.
Waxaa durbadiiba laga joojiyay shaqada si looga dhaweeyo dhaawaca qaniinyada, sida uu telefishinku tabiyay. CNN ayaa sheegay in aan looga jawaabin xiriir ay la sameeyeen maamulka Xarunta Qaran ee xannaanada xayawaanka, si ay dhacdadaas xog uga weydiiyaan.
Labada eey, oo kala ah "Major" iyo "Champ", oo da'doodu ay tahay 13 sano, ayaa loo qaaday guriga uu qoyska Biden ku leeyahay magaalada Wilmington ee gobolka Delaware, markii ay qaniinyadii ugu horreysay lasoo tabiyay 8-dii bishii March.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Biden ayaa sheegay in "Major" uu ku dadaalayay inuu barto dadka faraha badan ee Aqalka Cad la jooga. Isagoo madaxweynuhu la hadlayay barnaamij ka baxa telefishinka ABC ayuu yidhi: "Isagoo luuqa iska socda ayuu arkayaa labo ruux oo uusan aqoonin, way iska dhaqaaqayaan, Major isaguna wuxuu u dhaqaaqayaa uu badbaado u helo."
Wuxuu intaas ku daray: "Boqolkiiba 85 ka mid ah dadka ka shaqeeya Aqalka Cad way jecel yihiin isaga. Mar walba wuu la ciyaaraa. Laakiin... Waxaan arkay in dadka qaar ay ka cabsadaan eeyaha, taasna gar ayay u leeyihiin."
Eeyga kale ee lagu magacaabo Champ ayaa isagoo yar horay u joogi jiray Aqalka Cad, xilligii uu Biden ahaan jiray madaxweyne ku xigeenka Mareykanka. Dadka qaar ayaa ku dooday in sababta aan isaga wax dhib ah loogala kulmin ay tahay maadaama uu horayba u fahansanaa jawiga noocaas ah iyo dadka badan ee ka howl gala Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Reuters










