Is caateynta: Xayeysiisamaha ay Tiktok iyo Instagram kusoo bandhigaan apps-ka dadka jirkooda ku baddalaan oo walaac laga muujiyay

TikTok logo

Barnaamijkada (Apps) lagu baddalo muuqaalka jirka ee lagu xayeysiiyo TikTok iyo Instagram ayaa "abuuray" dhibaato dhinaca cuntada ah oo ay la kulmeen dhalinyarada, sida ay sheegeen ururrada samafalka.

Xayeysiimahaas ayaa lagu qeexaa sida apps-kaas loogu adeegsan karo in lagu baddalo sawirrada muuqaalka, sida in la isku caateeyo ama murqo aan jirin lagu sameysto.

Hayadaha samafalka ee ka shaqeeya ka hor tagga dhibaatooyinka la xiriira cuntada ayaa sheegay in shirkadaha tiknoolojiyadda looga baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyaan saameynta ay qaar ka mid ah adeegyadooda ku yeelanayaan dadka nugul.

Walaaca ugu weyn ayaa ah in in xayeysiimahaas ay dadka ku marin habaabiyaan dad jirkooda dhisan yahay, iyagoo ballan qaadaya in haddii talooyinkooda la raaco uu qof walba jirkiisa sidaas u ekaan karo. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ayaa la sheegay in iyagoo talooyinkaas qaadanaya ay cuntada ka go'een, dhibaatana la kulmeen.

TikTok iyo Instagram ayaa sheegay in apps-ka ay u oggolaadeen bogaggooda aysan ku xad gudbin shuruucda xayeysiimaha. Laakiin maamulka TikTok ayaa intaas ku daray inay dib u eegis joogto ah ku sameeyaan nidaamkooda shaqo.

Wxay sheegeen in ay "mar walba la socoto islamarkaana xoojiso" shuruucdeeda si "ay u taageerto arrimaha lagu ilaaliyo qawaaniintooda".

Shirkadahan qeybta ka ah baraha bulshada ku xiriirto, oo dadka isticmaala ay u badan yihiin dhallinyarada, ayaa sanadkii lasoo dhaafay mamnuucay xayeysiimo ay sameynayeen apps-ka dhiirrigeliya in cuntada laga soomo ama la isticmaalo dawooyin xad dhaaf ah oo lagu dhimo miisaanka.

‘Dhibaato sii jirtay oo lasii hurinayo’

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadaha bixiya adeegyada baraha bulshada waa in ay ka feejignaadaan "ayna joojiyaan farriimaha uusan caafimaadka ku jirin wax ay caawinayaanna uusan jirin", ayuu yidhi Hope Virgo, oo ka tirsan hayad samafal ah oo u dhaqdhaqaaqda dadka cuntada ka go'a.

"Sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa, waxaa aad u kordhay dadka ay soo wajahaan xaaladaha cunto ka soomidda, dhibaatadaasna ma kuma imaato fool xumada jirka qofka, waxaan ognahay arrimo kale oo kicinaya.

"Apps-ka jir dhiska ku yabooha ee ay xayeysiiyaan TikTok iyo Instagram ayaa sii hurinaya dhibka laga dhaxlo cunto ka soomidda oo awalba meelaha qaar ka jiray," ayuu yidhi.

Hayadahan ayaa sheegay inay muddooyinkii lasoo dhaafay diiwaan galiyeen kororka dadka cuntada ka go'a oo gaaray ilaa 68%, kuwaasoo u badan carruur iyo dhalinyaro ay da'dooda u dhaxeyso 10 ilaa 19 sano.

Dhallintaas ayaa caawinaad usoo raadsada tan iyo markii uu billowday cudurka safmarka ah, sida ay warbixintooda ku sheegeen.

Presentational grey line
Danae Mercer

Xigashada Sawirka, Danae Mercer

Danae Mercer, waa waryiye dhinaca caafimaadka qaabilsan oo soo martay taariik ku saabsan inay cuntada ka go'day.

Waxay si joogto ah baraha Instagram-ka iyo TikTok u soo galisaa barnaamijyo ay uga hadleyso in jirka uusan u baahneyn cunto ka soomid, balse muuqaallada dadka la tuso ay yihiin kuwo la soo hagaajiyay oo tiknoolojiyad loo adeegsaday.

"Waan ogahay, khibrad ayaana u leeyahay in apps-ka noocan ah ay sabab u yihiin dhibaatooyinkaas," ayay ku tidhi BBC-da.

Waxay intaas kusii dartay in shirkadaha xayeysiimahaas soo bandhiga "ay bartilmaameedsadaan dadka da'doodu yar tahay ee u nugul in la marin habaabiyo".

"Dhalinyarada dhowr iyo toban jirka ah iyo gabdhaha wali ma gaarin heer ay ku fahmaan arrimahan, si dhameystiran uma fahansana. Ma aha inaan oggolaanno in qalabka miisaanka lagu dhimo suuq loogu yeelo carruurta, waa inaan dadaal ku bixinno in lasoo dajiyo sharciyo cusub oo arrimahaas wax looga qabanayo," ayay tidhi.