Warbixin lagu sheegay in Faransiiska uu iska 'indha tiray' xasuuqii Rwanda

Xigashada Sawirka, AFP
Faransiiska ayey tahay inuu qaado "mas'uuliyad culus" oo ku aaddan xasuuqii Rwanda ee 1994, warbixin ay qoreen taariikhyahanno Faransiis ah ayaa lagu sheegay, hasayeeshee ma aanay helin wax caddayn ah oo muujinaysa in Faransiisku uu wixii dhacay ku lug lahaa.
Guddigaas khubarada ah ayaa warbixintooda waxa ay u gudbiyeen madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron. Warbixinta ayaa sheegtay in Faransiisku uu iska "indha tiray" diyaargarowga xasuuqaasi.
Ugu yaraan 800,000 oo qof ayaa dhintay markii kooxaha xagjirka ah ee qowmiyadda Hutu-ga ay xasuuqeen Tutsi-ga laga tirada badan yahay iyo kooxaha qunyarsocodka ah ee Hutu-ga.
Kooxda khubarada ah ayaa waxa ay daraaseeyeen faylasha rasmiga ah ee Faransiiska.
Daabacaadda warbixinta ayaa waxaa suuragal ah inay gacan ka gaysato in la qaboojiyo xiisadda u dhaxaysa Faransiiska iyo Rwanda, iyadoo Rwanda ay waqti dheer Faransiiska ku eedayn jirtay inay arrintaas ku lug leedahay.
Rwanda waxaa markii uu xasuuqa dhacayay maamulayay madax Hutu ah, waa intii u dhaxaysay bilihii Abriil iyo Juun 1994, hasayeeshee markii dambe waxaa awooddii ka tuuray Xisbiga Tutsiga ay horkacaan ee Rwandan Patriotic Front (RPF) ee uu hogaamiyo Paul Kagame oo haatan ah madaxweynaha dalkaasi.
Warbixinta ayaa madaxweynihii Faransiiska ee xilligaas, François Mitterrand, waxa ay ku eedaynaysaa inay "guuldarraysatay" siyaasaddiisii ku aaddanayd Rwanda 1994. Xogta la helay ayaa la shaaciyay kaddib sanada badan oo saraakiisha Faransiiska ay xiriir qarsoodi ah la lahaayeen Hutu-ga Rwanda waqtigaas maamulayay.
Madaxweyne Macron ayaa laba sanadood ka hor waxa uu magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood, isagoo galaangal u siiyay kaydka madaxtooyada, diblumaasiyadda dalkaasi, milateriga iyo sirdoonkaba.
Kaydka galaangalka guddigaas loo siiyay waxaa ka mid ah xogta Mitterrand oo xiriir dhaw la lahaa Madaxweynihii Rwanda ee xilligaas Juvénal Habyarimana, oo ah nin Hutu ah.

Warbixinno dheeraad ah oo ku saabsan xasuuqii Rwanda:
- Nin ku eedeysnaa xasuuqii Rwanda oo 25 sano la raadinyay oo Faransiiska lagu qabtay
- "Waa in la baaro doorkii uu Faransiisku ku lahaa xasuuqii Rwanda"
- Xabaalo wadareedyo laga helay Rwanda
- Rwanda oo cafis u fidisay maxaabiis ay ku jirto hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas
- Paul Kagame ma hoggaamiye aragti dheerbaa mise kaligii taliye?

Xasuuqa ayaa waxa uu bilowday markii 6-dii Abriil 1994, la soo riday diyaarad sidday Habyarimana iyo dhiggiisa Burundi Cyprien Ntaryamira, oo isna Hutu ah.
Xubnaha guddiga khubaro kuma aha arrimaha Rwanda - arrintaas oo aheyd xulasho ulakac ah si loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimadooda, waxaa sidaasi ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Waxaa ku jira khubaro ku xeel dheer arrimaha xasuuqii Holocaust, xasuuqyadii Armenia ee Dagaalkii Koobaad ee Adduunka iyo shuruucda dambiyada caalamiga ah. Waxaa horkacayay taariikhyahan Vincent Duclert.
22-kii Juun 1994 Qaramada Midoobay ayaa waxa ay meelmarisay in ciidammada Faransiiska loo daadgureeyo koonfur galbeed Rwanda, waxa loogu yeeray howlgalkii Turquoise.
Howlgalka ayaa ahaa mid muran badan uu ka dhashay: aagga gargaarka ee Faransiiska ayaa waxaa ku badbaaday dad ay waxyeelayn lahaayeen kooxaha xasuuqa gaysanayay, hasayeeshee markii dambe waxaa soo baxayay eedo ah in kaalmada Faransiiska ay mar dambe timid iyadoo qaar ka mid ah dadkii dilka gaysanayay ay isku qariyeen aaggaasi.
2015-kii, Madaxweyne François Hollande ayaa ku dhawaaqay in kaydka Rwanda ay tahay in la shaaciyo hasayeeshee laba sanadood kaddib markii cilmi-baare uu dalbaday in loo ogolaado inuu darso kaydkaasi, ayaa Golaha Dastuurka ee Faransiiska waxa ay xukmiyeen in xogtaasi ay sir ahaato.











