Sawirro: Dadaallada markabka looga weecinayo Marinka Suez

Workers next to the Ever Given. 24 March 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Waxaa socda dadaallada lagu soo saarayo markabka Ever Given, oo qaada xamuulka dhererkiisuna yahay 400m (1,300ft) kaas oo tan iyo Talaadadii xannibay Marinka Suez ee dalka Masar.

Injineerrada ayaa ciidda iyo dhooqada ka saarayay markabka, halka kuwo kalena ay isku dayayeen inay meesha ka weeciyaan markabkan.

Shalay, milkiilaha Ever Given oo u dhashay dalka Japan, Shoei Kinsen, ayaa raalligelin ka bixiyay saameynta dhacdadaas ay ku yeelatay marinka oo ciriiri uu ka jiro.

Wuxuu sheegay in iyada oo lala kaashanayo maamulka gudaha ay socdaan dadaallo lagu xallinayo dhibaatada, balse wuxuu ka digay inay aad u adag tahay.

The Suez Canal blocked by the large container ship Ever Given

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ever Given, oo ay maamusho shirkadda Taiwan laga leeyahay ee Evergreen Marine, ayaa ku xanniban marinka
Tugs try to move the Ever Given

Xigashada Sawirka, EPA

A ship dredges

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Markabka oo ciidda iyo dhiiqada laga gurayo
A tug tries to pull the Ever Given clear from the bank of the Suez Canal (25 March 2021)

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, In ka badan 150 markab oo kale ayaa sugaya inay ka gudbaan marinka
Satellite image shows the Ever Given across the Suez Canal. 24 March 2021

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir dayax gacmeed lagu qaaday oo muujinaya markabka Ever Given oo ku xanniban kanaalka
Suez Canal Authority officials visit the stranded ship

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Saraakiisha Marinka Suez ayaa Arbacadii booqday markabka xanniban si looga shaqeeyo qorshaha samatabixinta
View of Ever Given from farmland in Egypt (25 March 2021)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Markabka xanniban oo laga arki karo beer u dhow Kanaalka Suez
File image of cargo ships transits the Suez Canal near Ismailia, Egypt

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanadkii la soo dhaafay Marinka Suez waxaa maalin walba isticmaalayay qiyaastii 51.5 markab
Ship passes under a bridge on the Suez Canal in 2017

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marinka Suez, oo sawir laga qaaday 2017,wuxuu dhererkiisu yahay 193km (120 meyl)

Xuquuqda dhammaan sawirrada way dhowran tahay.