Ma safarkii uu Champollion ku tagay Masar baa sabab u ahaa xanuunkii lagu murmay ee uu u dhintay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
6-dii bishii March, 1832-kii, qabuuraha ku yaalla fagaaraha Pere Lachaise ee magaalada Paris waxaa ka dhacay aas loo sameynayay mid ka mid ah aqoonyahannadii ugu muhiimsanaa ee soo bandhigay taariikhda Masaaridii hore, magaciisuna wuxuu ahaa Jean-Francois Champollion, oo u dhashay dalka Faransiiska.
Afar sano ka hor maalintaas, Champollion wuxuu isagoo ku sugan Masar qoray warqad uu u diray walaalkiis ka weyn, wuxuuna ku yidhi: "Nafteyda oo dhan waxaa leh Masar, anigana waan leeyahay," Wuxuu kusoo koobay jacayl khaas ah oo uu u qabay Masar iyo taariikhda cajiibka ah ee uu ka ogaaday, isagoo bartay luqaddooda iyo cilmigii ku saabsanaa dadkii hore ee soo maray waddankaas.
Geeridiisa waxay dad badan la xiriiriyeen in uu sabab u ahaa safarkiisii Masar oo uu ka qaaday cudur ka yimid cimilada dalkaas.
Ninkan wuxuu kaalin mug leh ka qaatay daah ka rogidda sirta ku saabsan taariikhda mucjisada ah ee Masar, oo soo jirtay sannado aad u badan.
Kumuu ahaa Champollion?
Champollion wuxuu 23-kii bishii December ee sanadkii 1790-kii ku dhashay gobolka Vijac ee dalka Faransiiska. Maadaama uu xilligaas Faransiiska ka jiray qalalaase siyaasadeed oo daba socday kacdoonkii dhacay intii u dhaxeysay 1789-kii ilaa 1799-kii, fursad uma uusan helin in uu qaato waxbarasho rasmi ah.
Sidaas darteed walaalkiis ka weyn Jacques-Joseph ayaa u fududeeyay in si gaar ah loo siiyo cashirro ku saabsan luuqadaha Latin-ka iyo Giriigga. Kaddib wuxuu u wareegay Grenoble si uu uga dhigto dugsiga sare, walaalkiisna xilligaas wuxuu cilmi baare ka ahaa macad ku yaalla Faransiiska.
Champollion isagoo ay da'diisu tahay 13 sano ayuu billaabay inuu daneeyo luuqadaha reer Bariga, sida Carabiga, Syriac iyo Hebrew.

Xigashada Sawirka, Arterra/Getty Images
Durbadiiba Champollion waxaa ka warhelay seynisyahankii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Joseph Fourier, kaasoo xoghaye ka ahaa howl-galkii seyniska ee la fuliyay xilligii uu socday ololihii Masar ka dhanka ahaa ee uu fuliyay Janaraalkii Faransiiska ee la oran jiray Napoleon Bonaparte, intii u dhaxeysay 1798-kii ilaa 1801-kii.
Fourier ayaa wiilka da'da yar ku dhiirrigaliyay in uu barto taariikhda, kaddib markii isaga iyo kooxdiisa ay aad ula yaabeen firfircoonidiisa.
Champollion guulihiisii waxay billowdeen 19-kii bishii July ee sanadkii 1799-kii, kaddib markii askari ka tirsanaa howlgalkii uu waday Bonaparte, oo la oran jiray Pierre-François Bouchard uu helay dhagax cabirkiisu yahay 113 cm dherer ahaan iyo 75 cm ballac ahaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nooca dhagaxaas oo ka duwanaa dhagaxyada caadiga ah iyo qoraallo ku xardhanaa ayaa sababay in laga shakiyo inay taariikh ku aasan tahay. Champollion oo kaashanaya aqoontiisa luuqadda Giriigga oo masaaridii hore ay ku hadli jireen ayaa halkaas ka billaabay in uu daraaseeyo.
Baaritaankiisii natiijooyinka uu ka helo wuxuu u sii gudbin jiray walaalkiis oo ka shaqeynayay macadka cilmi baarista, wuxuuna farriimaha ku gaarsiinayay qaab qoraal ah.
Howshaas ayaa horseedday in ninkan uu shaaca ka qaado xog badan oo ku saabsan taariikhihii hore ee Masaarida.
Dabagalkii uu ku sameeyay taariikhda Masaaridii hore wuxuu daaha uga rogay xogta ku saabsan Faraaciintii xukumi jirtay dalkaas, meelaha ay ku aasnaayeen meydadkooda iyo macluumaadka la xiriira boqortooyooyinkooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
'Shakigii hareeyay waxa sababay geeridiisa'
Muran badan ayaa ka dhashay waxa sababay geerida Champollion, laakiin taariikhyahanka Faransiiska ah ee lagu magacaabo Jean Lacouture ayaa sheegay in "cudurka qaaxada uu yahay sababta ugu weyn ee uu u geeriyooday ninkaas, isagoo intaasna ku daray in sambabbadiisa ay cillad qabeen muddo dheer".
Lacouture wuxuu yidhi: "Wuxuu caafimaad darro weyn ka qaaday saameyntii kasoo gaartay cimiladii aadka u darneyd ee uu la kulmay billowgii sanadkii 1830-kii markii uu ka laabtay Masar oo uu ka joogay gobolka kuleylka badan ee Alexandria islamarkaana ay ugu xigtay cimiladii barafka ahayd ee Faransiiska oo xilligaas ahayd tii ugu qaboobeyd konton sano gudahood, taasna waxay ugu dambeyn keentay in uu u geeriyoodo."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase yeeshee, khubarada kale qaarkood ayaa kasoo horjeestay in dhimashada Champollion ay tahay mid ka timid tiibisho.
Waxay ku doodeen in xaalad caafimaad darro uu kala kulmay cimiladii Masar ee uu ku shaqeynayay, maadaama xilliyo uu kuleyl daran jiray uu gudaha u gali jiray qabuuraha faraaciintii xukumi jiray Masar.
Sidoo kale waxay sheegeen in uu aad u cabi jiray biyaha wabiga Nile, taasoo horseedday in uu ku dhaco xanuun ka asiibay beerka una sababay inuu qabri u galo.
Fikirkan ayaa caan noqday, muddo dheerna la aaminsanaa ilaa ugu dambeyn seynisyahanka lagu magacaabo Hotan Ashrafian, oo wax ka dhigi jiray jaamacadda boqortooyada ee London uu soo diyaariyay warbixin lagu daabacay majalladda Clinical Neurophysiology, taasoo uu ku sheegay in geeridii Champollion ay sababeen xanuunno dhinaca maskaxda ah iyo sidoo kale lafdhabarta.










