Dumar 25 sanno ka hor si xoog ah dhalmada looga xiray oo magdhaw dalbanaya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Serafina Ylla Quispe ayaa soo toostay iyadoo ku sugan qeybta meydadka lagu keydiyo ee isbitaal ku yaalla bartamaha magaalada Csuco, oo ku taalla koonfurta Pesru, ka dib markii la shaaciyay in ay u geeriyootay qalliin lagu sameeyay.

34 jir ayay xilligaasi ahayd, waxayna sheegeysaa inaan laga tashan qallinkaasi lagu sameeyay sannadkii 1997-dii.

Isla sannadkaasi, iyo isla isbitaalkii, waxaa sidoo kale ku suuxday Victoria Human oo dhawr saacadood miyir daboolnayd, waxaana lagu sameeyay qalliinn looga xiray illmaha iyadoon ogayn. Victoria waxay markaasi ahayd 29 sanno jir.

Haweeneyda saddexaad oo lagu magacaabo Rudecinda Quilla, oo 24 sanno jir ahayd, ayay dhakhaatiirta u sheegeen in wiilkeeda afaraad aysan u heleyn warqadda dhalashada ilaa ay ogolaato in qalliin lagu sameeyo oo dhalmada laga xiro.

Waa ay diidday balse waxaa si khasab ah lagu geeyay sariirta, ka dibna waxaa laga xiray lugaha iyo gacmaha waxaana sidoo loogu sameeyay qalliinka, sida laga soo xigtay dukumiintiyo cadeyn ah oo ay dooneyso in sharciga ay horgeeyso.

Ms Quilla waxay soo naaxday saacado ka dib, waxayna shaqaalaha isbitaalka u sheegeen "ineysan dib ugu dhali doonin sida xayawaanka, markale". Sannadka markuu ahaa 1996-dii.

Haweenkan ayaa ka mid ah kummaanan haween ah oo sheegay in si khasab ah looga xiray dhalmada sagaashamaadkii, xilligaas oo dalkaas laga bilaabay mashruuc lagu xakameeynayay dhalmada xilligii dowladdii madaxweyne Alberto Fujimori.

Haatan maxkamad ku taalla Peru ayaa dhageysan doonto sheekooyinkooda markii ugu horreeyay, taasi oo tixgelin doonto in haweenkan ay caddaalad iyo magdhaw helayaan 25 sanno ka dib.

Muxuu yahay kiiska?

Esperanza Huayama pictured in 2015

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Esperanza Huayama waxay hoggaamineysaa mid ka mid ah ururada ay ku bohoobeen dhibbanayaasha

In ka badan 270,000 oo haween ah iyo 22,0000 oo rag ah, oo intooda badan ka soo jeeda qowmiyadda Quechua oo sii dabar go'aysa iyo qoysaskooda oo dakhligooda hooseeya, ayaa 1996-dii ilaa 2001-dii lagu sameeyay qalliino dhalmada looga xiray, sida laga soo xigtay tirakoob rasmi ah oo ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Peru.

Mashruuca lagu xakameynayo dhalamada waxaa uu qeyb ka ahaa barnaamij weyn oo lagu yareenayay saboolnimada, kaasi oo diiradda la saarayay qoysaska saboolka ah.

Dowladda waxay sheegtay in qalliinada la sameeynayay ka dib markii qofka uu ogolaaday, balse in ka badan 2,000 oo haween ayaa sheegay in si khasab ah loogu sameeyay qalliinada lagu xirayo dhalmada.

Dacwad oogeyaasha ayaa Mr Fujimori iyo xubnihiisa wasiirada ku eedeeyay inay ka dambeeyeen tallaabooyinkaasi.

Baaritaan la sameeyay sannadkii 2002, ayaa lagu sheegay iney jiraan cadeeymo muujinaya in shaqaalaha caafimadka lagu qanciyay inay gaarsiyaan tirada dadka la doonayo in lagu sameeynayo qalliinka. Waxaana warbixinta lagu sheegay in si gaar ah loo bartilmaammeedsanayay haweenka ku hadla Quechua.

‘Ma fahmin waxa ay igu sameeyeen’

Victims of forced sterilisations

Xigashada Sawirka, AMPAEF

Qoraalka sawirka, Dumarka dhibka ugu badan uu gaaray waxay ahaayeen kuwa dhaqaalohoosa hooseeyo kana soo jeedo qowmiyadaha asalka u ah halkaas

"Ma ogaanin waxa ay igu sameeyeen shaqaalaha isbitaalka Cusco," ayay Ms Huaman u sheegtay ururka Peruvian oo u dooda xuquuqda haweenka lagu sameeyay qalliinka dhalmada looga xiray.

Waxay sheegeysa inay ogaatay markii lalabo iyo xanuun dareentay oo ay booqatay xarun caafimaad oo ku taalla tuulada Zurite.

"Markaas ayaan ogaanay aniga iyo seeygayga, in minka la iga xiray." ayey tiri. Waxay intaa ku dartay in ninkeeda uu iyada eedda saaray sidaasina uu uga tagay iyada iyo 3 caruur ah haysata.

"Aniga ayaa aabo iyo hooyaba u ah caruureyda. Waxaan dareemayaa xanuun joogto ah, gaar ahaan meeshii qallinka la iiga sameeyay iyo madaxa. Waxaan dareemayaa rajo beel. Waxba ma sameyn karo."

‘Markii ay iga xirayeen minka indhahayga shanta ayay ahaayeen’

A women holds a plastic bloody ovary during a protest in front of the prosecutor's office in 2016

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Urur u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa eedeeyay falkaas.

Ka dib markii ay dashay canuugeedii afaraad, Rudecinda Quilla waxay sheegtay in dhakhaatiirta magaalada Anta ee gobolka Cusco, ay u sheegeen in iyada iyo ninkeeda ay "caruurta u dhalayeen sida doofaarada."

"Ninkeyga ayaa laga keenay beer uu ka shaqeynayay oo ay lahaayeen saraakiil boolis ah. Waxay isku dayeen inay ku khasbaan inuu saxeexo ogolaanshaha lagu xirayo minkayga. Wuu diiday, waxay ugu hajabeen inay xirayaan."

Ms Quilla waxay sheegtay inay isku dayday inay ka cararto isbitaalka, balse waa la qabtay oo waxaa laga xiray lugaha iyo gacmaha ka dibna waxaa lagu duray irbadda suuxdinta.

"Weli irbadda la'igu duray ima qaban oo indhahayga shanta ayay ahaayeen markii minkayga la xirayay oo caloosheda la dillaacinayay. Waxaan dareemay xanuun badan ka dibna waa qeyliyay sidaa darteed irbad kale ayay igu dureen," ayay tiri.

Maxay tahay sababta uu kiiskan waqti u qaatay?

Former President of Peru Alberto Fujimori attends a trial as a witness at the navy base in Callao, Peru March 15, 2018

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore Alberto Fujimori ayaa laga daayay baaritaanno horey loogu sheegay in uu dembi galay

Inakstoo sheekooyinka haweenka la ogaa muddo 20 sano ka babadan, haddana waa markii ugu horreysay ee ay gaaraan maxkamadaha Peru.

Ilaa hadda Peru ayaa ogolaatay mas'uuliyadda geerida, María Mamérita Mestanza Chávez, ka dib markii hay'adda Xuquuqul Insaanka IACHR, ay weydisay in baaritaan lagu sameeyo kiiskaasi.

Ms Mestanza oo 33 sano jir ahayd, waxay ay geeriyootay maalmo ka dib markii lagu sameeyay qalliinka looga xiray minka, sannadkii 1998-dii, sababo la xiriira daryeel la'an soo wajahday ka dib qalliinka.

Kiiska haweeneydan ayaa muddo sannada badan socday balse markii dambe waa la joojiyay ka dib markii la waayay caddeyn buuxda.

Madaxweyhihii hore ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 2007-dii, ka dib markii lagu soo deeyay dacwado la xiriira musuqmaasuq iyo tacaddiyo ka dhan xuquuqda aadanaha, balse 2014-kii ayaa xabsiga laga siidaayay, waa markii lagu waayay dabiga la xiriira mashruuca dhalmada looga xirayo ragga iyo haweenka is qaba.

Sannadkii 2018, dacwad oogayaashu waxay ku soo oogeen dacwad asaga iyo wasiirrkii hore ee caafimaadka, iyada oo loo cuskanayo eedeymaha 2,074 dhibbanayaasha, oo ay ku jiraan shan qof oo dhintay.

Laakiin dhageysiga maxkamada uma socon karin sidii loo qorsheeyay, bishii Janaayo ee sannadkan, maxaa yeelay ma jirin tarjumaano caawiya haweenka ku hadla afka Quechua, kuwaas oo badankood aan si fiican ugu hadlin luqadda Isbaanishka.

‘Dib u dhac ceeb ah’

A women holds a sign during a protest demanding compensation in 2017

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ururka matalaya haweenkan dhibban waxay sheegeen in dib u dhaca uu yahay "wax aan la fahmin oo ceeb ah".

María Esther Mogollón, oo ah afhayeen u hadashay AMPAEF, ayaa BBC-da u sheegtay in daahitaanka uu yahay "mid aan sharaxaad loo hayn oo laga xishoodo ama ceeb ah".

"Waa 25 sano, tan iyo markii uu bilaawday xasuuqa. Kiiska wuxuu 16 sano ku qaatay xafiiska dacwad oogaha, waana la keydiyay oo dib loo ma furin. Waa dambi ka dhan ah aadanaha", ayay tiri.

Dhalmo iska xiridda qasabka ah waxaa loo arkaa dambi ka dhan ah aadanaha sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Sannadkii la soo dhaafey, AMPAEF waxay dacwad ka dhan ah Peru u gudbiyeen guddiga UN-ka ee ciribtirka dhamaan noocyada heybsooca ka dhanka ah haweenka (CEDAW), iyagoo ka dalbanaya in wadanka baaritaan lagu sameeyo isla markaana la siiyo magdhaw dhibbanayaasha lagu qasbay in minka ama ilmo-galeenka laga xiro.

Haweenkan mag dhaw ma heli doonaan?

Hadda sheekooyinka haweenkan waxaa laga dhegeysan doonaa maxkamadda sidaa darteed garsoore ayaa go'aan ka gaari kara in dacwadda ay sii socon karto iyo in kale.

Gaabiska nidaamka garsoorka Peru waxay la macno tahay rajo yar oo ay ka qabaan inay cadaalad helaan waqti dhow, iskaba daa magdhaw maaliyadeed.

Victims of forced sterilisations in Anta, Cusco department

Xigashada Sawirka, AMPAEF

Qoraalka sawirka, The women have been seeking justice and compensation for 25 years

Sannadkii 2004, guddiga xaqiiqa raadinta iyo dib-u-heshiisiinta ee Peru wuxuu daabacay warbixintii ugu dambaysay ee dambiyadii la galay intii uu socday isku dhacii gudaha ee waddanka ee ay ku lug lahaayeen jabhaddii Maoist 1980 illaa 1990-maadkii.

Dhibbanayaal badan ayaa ka soo jeeday bulshada dakhligoodu hooseeyo, ee ku hadla Quechua ee ku nool buuraha Andean - laakiin haweenka dhalamada laga xiray si buuxda looma aqoonsan, sidaa darteedna xaq uma laha magdhow.

Horraantii sanadkan, Congress-ka Peru wuxuu badalay sharciga ku saabsan magdhawga si loogu daro dhibbanayaasha dambiyada galmada, taas oo rajo gelisay kuwa sida qasabka ah looga xiray dhalmada.

Laakiin Ms Mogollón waxay sheegaysaa in suurtagalnimada hadda ay caqabad ku tahay wasaaradda caddaaladda, taas oo ku doodaysa in barnaamijka dhalmo xiridda uusan dhicin xilligii xaaladda khilaafaadka gudaha dalkaas.