Maxamuud Sayid Aadan: Xarunta degmada iyo saldhigga Beled Xaawo waxaa jooga ciidanka Jubaland

Jubaland

Wararka ka imaanaya degmada Beled Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ka socdo, kaas oo u dhaxeeya ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) iyo ciiidamada dowladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, maamulka Jubaland ayaa dagaalka guulo ka sheegtay, iyadoo madaxweyne ku xigeenka mamaulkaas Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay uu sheegay in ciidamadooda ay hadda ku sugan yihiin Beled Xaawo, gaar ahaanna saldhigga magaalada welina uu dagaalku socdo.

"Saraakiisha hadda i soo wacday waxay ii sheegeen sida janaraal Cabaas oo kale inuu isaga isteeshinka joogo, iyo xarunta degmada, laakiin hadde magaaladu waa magaalo weyn oo daafaheedu ay weli xabbadaha ka dhacayaan,"

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen ciidamadooda bilooyinkii ugu dambeeyay fadhiyay magaalada dusheeda.

"Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa waxay inoo sheegeen in iyaga la soo weeraray, saddexdii maalmood ee ugu dambeysayna ay garanayeen oo ay difaac ku jireen, magaalada dusheeda ayay fadhiyeen, marka dagaal labo dhinac ah ayaa naloo qorsheeyay ayay yiraahdeen, dhinaca Shabaabka iyo dhinaca ciidankii Xamar laga keenay ee aan Jabhadda ku tilmaannay oo nabad sugidda Soomalaiya ay meesha ku soo gurtay, marka dagaalka waa lagu soo qaaday, xabbaddii halkaas ka bilaabatayna waxay sababtay in ciidanka ay magaalada isla galaan,"

Wuxuu intaas ku daray in dagaalka uu ka dhashay khasaare, balse aanan haatan la ogeyn, isagoo mas'uuliyadda khasaarahana sheegay inay qaadan doonto dowladda federaalka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay warsaxaafadeedkii dowladda Soomaaliya ee ay ku sheegtay in

"Waa wax la yaab leh, ciidankaas waa ciidankii 11 sano Gedo difaaceeda ku jiray, dowladihii ku meel gaarka ahaa xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf laga soo bilaabo, dowladdii Sheekh Shariif oo aniga oo xildhibaan ah aan dhisnay, xeryo ciidamo ka soo baxay dowlado caalami ah naga kaalmeeyeen, ciidan qaran ah, marka hadde jabhadda ma kuwo indhaha loo soo duubay oo Shabaabka la aruuriyay oo nabad sugidda Xamar laga soo raray baa mise waa ciidankii dalka xoreeyay ee Soomaaliya u dhimanayay? Taas iyaga ayaa la weydiinayaa, Ilaahay ayayna ka furteen kuwa saa u hadlaya."

Madaxweyne ku xigeenka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in weli uu dagaalku ka socdo magaalada, isagoo sidoo kalena beeniyay in isgaarsiinta ay ka go'an tahay magaalada.

Somalia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jabhad fallaago ah isla markaana dowladda Kenya ay hubeysay ay u soo tallowday xuduudka Soomaaliya ayna weerar ku qaadday gobolka Gedo. War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerarkaas oo ay ku tilmaanta dowladdu mid sharci darro ah .

Hadallkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili wali uu khilaaf diblumaasiyadeed oo meel sare gaaray uu dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.