Hillary Clinton oo rabta in la daawado muuqaal ku saabsan dilkii Jamaal Khaashuqji

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Hillary Clinton ayaa u ololeyneysa in la daawado muuqaal dukumintari ah oo laga sameeyay dilkii bishii October ee sanadkii 2018-kii loo geystay Jamaal Khaashuqji, oo ahaa wariye maqaallada ku qori jiray wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka.

Mrs Clinton ayaa qof walba ugu baaqday in uu fiirsado filimkaas oo lagu magacaabay "The Dissident" kaasoo ay ku tilmaantay mid layaab leh.

Erayga "Dissident" oo naaneys ahaan looga dhigay Jamaal ayaa micnihiisa afsoomaaliga ah wuxuu ka dhigan yahay tilmaanta qof kasoo horjeeda maamul dhisan.

"Haddii aadan horay u daawanin The Dissident, waxaan rajeynayaa in aad hadda daawan doontid," ayey Hillary barteeda Twitter-ka kuwoo qortay maalintii Talaadada.

Haweeneydan horay u ahaan jirtay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, marna u tartantay doorashada xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa qoraalkeeda intaas kusii dartay: "Dukumintarigan ay awooddiisu aadka u sarreyso wuxuu ku saabsan yahay dilkii gacmaha dowladda Sacuudiga loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, waana diyaar oo waa la daawan karaa hadda."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Muuqaalka "The Dissident", oo uu hagay filim soo saaraha caanka ah ee lagu magacaabo Bryan Fogel, wuxuu sharraxaad dheer ka bixinayaa wax lagu tilmaamay "xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka dambeeya dilka" Khaashuqji oo lagu fuliyay gudaha Qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul, sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Muuqaalkan waxaa laga heli karaa Apple TV, waxaana lagu tilmaamay mid bannaanka soo dhigaya xogta dahsoon ee ku saabsan dambigii argagaxa galiyay caalamka.

Waxay Wakaaladda Anadolu sheegtay in filimkan ay ku jiraan xaqiiqooyin aan horay waxba looga sheegin, muqaallo ay duubeen kaamirooyinka kormeerka iyo macluumaad kale.

Jamaal Khaashuqji, oo ahaa 59 jir ahaa waxaa la dilay 2-dii bishii October ee sanadkii 2018-kii, howlgalkii lagu dilayna waxaa fuliyay rag xilligaas uun tagay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, Turkiga.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Jamaal Khaashuqji

Hayada iyo shakhsiyaadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dilkaas uu ahaa mid qorsheysan oo uu amar kusoo bixiyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, in kastoo amiirka iyo xukuumadda Riyaad ay eedeymahaas beeniyeen.

Dambi baareyaal u dhashay Turkiga iyo dacwad oogeyaal ayaa ku holan baaritaanka falkaas, halka hoggaamiyeyaal badan ay ku baaqeen in dadkii dilkaas geystay caddaalad la mariyo.