Doorashadii Mareykanka 2020: Mike Pence ma diidi karaa guushii Joe Biden?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenkiisa, Mike Pence, uu awood u leeyahay inuu diido xaqiijinta rasmiga ah ee Joe Biden inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.
Balse arrintu saas maaha. Madaxweyne ku xigeenka xaq uma laha inuu ku dhawaaqo in guushii Mr Biden ay tahay wax aan jriin.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Muxuu doonayaa Madaxweyne Trump?
Gudaha Mareykanka, dadka wax doorta - marka la eego natiijada gobol kasta - ayaa si rasmi ah u go'aansada cidda noqoneysa madaxweynaha xiga.
Kongareeska ayaa kulan ka yeelanaya xisaabinta codadka doorashada waxayna xaqiijin doonaan magacaabiddii madaxweynaha la doortay ee Biden.
Hannaankan wuxuu caadi ahaan u dhacaa iyadoo aan lagu kala qeybsamin, balse madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa sii wada ka hor imaanshaha natiijada doorashada, iyagoo sameynaya sheegashooyin been abuur ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Marka la xisaabiyo natiijada doorashada, waxay u taallaa Mr Pence inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in Mr Biden uu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.
Mr Trump ayaa ka doonaya madaxweyne ku xigeenka inuu garab siiyo uuna diido natiijada doorashada, kuna dhawaaqo in lagu shubtay.
Waa maxay doorka Mr Pence?
Doorka madaxweyne ku xigeenka ayaa inta badan ku qotoma dhanka hannaanka, isaga oo ah madaxweynaha Aqalka Sare.
Isbeddelkii 12-aad ee Dastuurka Mareykanka lagu sameeyay ayaa waxaa ku xusanThe 12th Amendment of the US Constitution says: "Madaxweynaha Senate-ka [waxaa hadda ah, Mike Pence] waa in, iyadoo ay joogaan dhammaan xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, uu furaa dhammaan waraaqa codadkana waa in kaddib la tiriyaa."
Mr Pence oo warsaxaafadeed soos aaray kulanka kahor ayaa sheegay inuusan awood u lahayd beddelidda natiijada, doorkiisana uu yahay inuu kulanka uu u maamulo sidii loogu talo galay.
Sidaas darteed waxaa looga baahnaan doonaa inuu ku dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada marka ay ansixiyaan Kongareeska.
Dastuurka ayaa Kongareeska awood u siinaya inay dib u eegis ku sameeyaan natiijada, ee uma siinayo madaxweyne ku xigeenka.
Xubnaha Konagreeska ayaa ka keeni kara dood. Haddii xubin ka tirsan Kongareeska ay doodda ku taageeraan labada aqal, waxaa kaddib furan in tirinta dib loo dhigo oo laga doodo.
Inkastoo uu xoogaa taageero ah ka heysto xubnaha Jamhuuriga ee Kongareeska, haddana lama filayo in madaxweynaha uu taageero ku filan u heysto laalidda natiijada.
Waxay tan u baahnaan doontaa aqlabiyadda labada aqal ee Kongareeska si loo laalo natiijada lagu muransan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Pence ayaa sheegay inuu "soo dhoweynayo" qorshaha xildhibaannada Jamhuuriga ay kaga soo horjeesanayaan natiijada.
Bulse marka laga doodo ee muranka la xalliyo, waxay howsha u taallaa Mr Pence inuu ku dhawaaqo xaqiijintii ugu dambeysay ee ah in Mr Biden uu ku guuleystay doorashadii 2020.
Tani waa isla sidii uu Mr Biden sameeyay si uu u xaqiijiyo in Mr Trump uu ku guuleystay doorashadii 2016.
Madaxweyne ku xigeen ma awoodaa inuusan kulanka soo xaadirn?
Tan waa ikhtiyaar u furan madaxweyne ku xigeen cago jiidaya, amaba inuu qolka ka baxo kahor ku dhawaaqitaanka natiijada kama dambeysta ah.
Hore ayay arrintan u dhacday. Madaxweyne ku xigeenkii hore Hubert Humphrey ayaa diiday inuu hoggaamiyo xisaabinta codadka doorashadii sanadkii 1969, kaddib markii uu ka guuleystay Richard Nixon.
Haddii ay tan dhacdo, waxaa howsha sii wadaya xubinta ugu sarreysa Aqalka Sare ee Mareykanka, waana Chuck Grassley oo Jamhuuriga ka tirsan.










