Muhaajiriinta Hindiya: Musiibada ku dhacday darawal ka qaxay Covid

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Markii Rajan Yadav uu maqlay in Ra`iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo ku dhawaaqay xayiraad guud 24-kii March si wax looga qabto faafitaanka Covid-19, waxba kama uusan ogeyn in noloshiisa ay gebi ahaanba is beddeli doonto.
Wuxuu ku sugnaa magaalada dhaqaalaha ee Mumbai, Hindiya, halkaas oo ay maalin walba kumannaan qof uga yimaadaan qeybaha kala duwan ee dunida.
Sheekadiisu ma aha mid ka duwan kuwaas.
Rajan iyo xaaskiisa Sanju waxay Mumbai tageen in ka badan toban sano kahor. Wuxuu ka shaqeynayay warshad halka ay iyadana daryeeleysay wiilkooda 11 sano jirka ah, Nitin, iyo gabadhooda 6 jirka ahayd, Nandini.
Go`aan bareer ah ayay qaateen sanadkii 2017 markii ay mooto bajaaj ku iibsadeen deyn ay banki ka qaateen. Bajaajta ayaa lacag badan u soo xareysay lammaanahan iyagoo awooday inay carruurtooda geeyaan iskuul manhajka Ingiriiska ku baxa, oo ay waaliddiin badan u arkaan inuu muhiim u yahay mustaqbal ifaya oo ay carruurtooda helaan.
Balse labo sano uun kaddib, Rajan ayaa indhaha ku gubayay bajaajtaas oo ay dhinac yaallaan meydadka xaaskiisa iyo gabadhiisa.

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Rajan ayaa musiibadaas u aaneeyay go`aanka uu magaalada uga tagay bishii May. Balse ma uusan heysan ikhtiyaar kale.
Qoyska ayaa bilihii March iyo April inta badan lacagta ay keydsadeen u isticmaalay inay isaga bixiyaan kirada, dib u bixinta deynta iyo inay ku iibsadaan raashiin. Waxay rajeynayeen in magaalada dib loo furi doono bishii May, balse waxaa la dheereeyay muddada xayiraadda.
Iyagoo aan lacag heysan wax ikhtiyaar ahna aan lahayn, ayay go`aansadeen inay dib ugu laabtaan tuuladooda ku taalla degmada Jaunpur ee gobolka Uttar Pradesh. Waxay codsadeen tikidhada tareennada gaarka ah ee loogu talo galay muhaajiriinta balse nasiib uma helin.
Iyago niyad jabsan oo daallan, ayay go`aansadeen inay bajaajtooda ku galaan safar masaafadiisu tahay 1,500-km. Qoyska oo afar ka koobnaa ayaa ka tegay Mumbai 9-kii May.
Saddex maalmood kaddib, markii ay keliya socdeen 300km (124 meyl) kahor inta aysan tuuladooda gaarin, gaari xamuul ah ayaa ku dhacay bajaajta, waxaana isla goobta ku geeriyooday Sanju iyo Nandini.

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Sheekada Rajan ma aha mid cusub - shaqaale muhaajiriin ah oo badan ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka qaxaan magaalada ay gacan ka geysteen dhismaheeda, xilli ay Hindiya soo rogtay xayiraad.
Shaqaalaha muhaajiirinta ah ayaan heysan ikhtiyaar badan kaddib markii ay xayiraaddu saameysay dakhligooda waxayna cuneen lacagtii ay meel dhigteen. Gaadiidka oo aan jirin darteed ayay rag, haween iyo carruurba waxay ku qasbanaadeen inay galaan safar halis ah oo ay dib ugu noqonayaan tuulooyinkooda - iyagoo lugeynaya, baaskiil wata ama raacaya bajaaj, gawaarida xamuulka, kuwa biyaha qaada amaba gawaarida caanaha.
Iyadoo ay dhaqaatiirtu kula dagaallamayeen Covid-19 gudaha isbitaallada, dagaal kale oo badbaado ah ayaa ka socday waddooyinka Hindiya.
Waxaa adag in la illaabo sawirrada qoysaska, oo qaarkood ay carruur la socdaan iyo haween uur leh oo isku dayaya inay ka qaxaan magaalada, xilli uu jiray kuleyl aad u daran.

Go`aanka Rajan uu uga tegay Mumbai waxaa sidoo kale sal u ahayd cabsi uu ka qabay in qoyskiisu uu gaajoodo. Waxay qaateen cunto ku filan markii ay ka tageen Mumbai. Wuxuu xusuustaa in xaaskiisa ay u sheegtay carruurta inay galayaan safar dhulka ah.
Wuxuu bajaajta kaxeynayay 05:00 ilaa 11:00. Kaddib wuu nasan jiray maalintii, haddana abbaarihii 18:00 qoysku wuxuu cagta saarayay waddada ilaa 23:00. Wuxuu ahaa safar adag balse rajada ay ka qabeen inay nabad ku garaaan tuuladooda ayaa ku dhiirrigelisay safarka.
Balse keliya Rajan iyo wiilkiisa, Nitin, ayaa gaaray tuulada. Maalmihii xigay waxay u ahaayeen kuwo mugdi ah.
"Waxaan ku fekerayay in waxan oo dhan ay yihiin riyo xun," ayuu yiri, isago intaas ku daray in wiilkiisa uu soo xusuusinayay xaqiiqda.
Nitin kama daaleynin inuu weydiiyo walaashiis iyo hooyadiis balse Rajan ma heynin jawaabo. Uma uusan sheegi karin wiilkiisa in noloshii ay ka sameysteen Mumbai ay soo gabagabowday.
Rajan ayaa bilaabay inuu noloshiisa ku qaato beeraha - mararka qaar wuxuu caawinayay walaalihiis, balse inta badan wuxuu hoos fadhin jiray geed isagoo indhaha ku gubaya cirka.
Inta badan cidna lama uusan hadli jirin, xitaa wiilkiisa Nitin, oo ay xannaaneyn jireen awoowgiis iyo ayeeyadiis.
"Waxaa igu soo laalaaban jiray su`aalo aan iska weydiin jiray go`aankii aan uga qaxnay magaalada. Maku degdegay? Si adag ma isugu dayay inaan lacag sameeyo intii ay xayiraaddu socotay? Maskaxdeyda waxaa ka buuxay su`aalo badan balse uma heynin jawaabo," ayuu yiri.
Saddex bilood baa ka soo wareegatay waaliddiintiisa ayaana bilaabay inay ka walwalaan caafimaadkiisa maskaxda. Kaddib su`aal lama filaan ah oo ka timid Nitin ayaa sii murjisay xaalkiisa.
"Aabbe, hooyo waxay dooneysay inaan noqdo dhaqtar, ma u maleyneysaa inay suurtogal tahay. Ma waxaad dooneysaa inaad iiga tagto tuulada?" ayuu Nitin su`aalay aabbihiis.

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Wuxuu Rajan soo xusuustay ballantii uu Sanju ka qaaday ee ahayd in waxbarashada carruurtooda ay mar walba noqon doonto muhiimadda koowaad.
Wuxuu si kama` ah u xaqiiqsaday inuusan dareenkiisa siineynin Nitin. Wuxuu bilaabay inuu ka fekero mustaqbalka wiilkiisa balse ku laabashada Mumbai weli kuma so dhicin maskaxdiisa.
"Suurtogal maaha," ayuu yiri.
Ma uusan dooneyn inuu magaalada ku laabto isaga oo aysan la socon Sanju. "Sideen horta ugu fekeri karaa taas? qeyb weyn ayay ka ahayd guusheyda. Mumbai iyada darteed ayay hoygeyga u noqotay. Wax nolol ah kama jirin Mumbai ayada la`aanteed," ayuu yiri.
Waxaa sidoo kale jiray arrimo kale oo ay tahay in xisaabta lagu darsado. Bajaajta, oo ahayd dakhliga ugu weyn ee qoyska, si xun ayay u burburtay, mana uusan heysan lacag uu ku dayactiro.
Balse waxaa ka go`neyd inuu fuliyo ballanta uu ka qaaday Sanju. Wuxuu caawinaad ka doontay siyaasiyiinta gudaha iyo saraakiil, balse cidna ma caawin.

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Waalidiintiisa ayaa kaddib kula taliyay inuu iibiyo dahabkii Sanju. Balse fekerkaas wuu ka soo horjeeday. Dahabka wuxuu xusuusinayay Sanju iyo xilliyadii farxadda lahaa ee ay isla soo qaateen.
"Waxay iiga dhigneyd sida iibinta farxaddii ugu dambeysay ee aan heystay. Waxaan dareemay in la ii sheegay inaan iibiyo xusuustii ugu dambeysay ee Sanju."
Balse Rajan wuu ogaa in Sanju ay jeclaan lahayd inuu sameeyo wax walba oo suurtogal ah si uu Nitin u helo waxbarasho fiican. "Waa sida ay ahayd - ma aysan dooneyn in carruurteennu ay maraan marxaaldihii adkaa ee aan soo marnay."
Ugu dambeyn wuu oggolaaday bajaajtiina waa la dayactiray. Balse lacagtu kuma aysan filneyn in lagu qaado gaari xamuul oo loo diro Mumbai.
Sida ugu fudud waxay ahayd inuu u kaxeeyo Mumbai balse xusuusta ku laabashada waddada ayaa ku beertay dareen adag. Dhawaqii cuslaa ee gaariga xamuulka markii uu ku dhacayay bajaajta ayaa weli ka guuxaya maskaxdiisa.
"Wuxuu ahaa dagaal ka dhex oogan maskaxdeyda. Waxaan dhex fadhiisan jiray bajaajta aniga oo iska dhigaya inaan si kalsooni leh u kaxeynayo."


Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Kaddib toddobaadyo uu ka fekerayay, wuxuu go`aansaday inuu tuulada ka tago horraantii November isaga oo uu la socdo Nitin.
"Waan ka fogaaday waddadii uu shilku ka dhacay. Balse iskama indho tiri karin maqnaanshaha Sanju iyo Nandini."
Wuxuu xaqiiqsaday in Nitin uu muujinayay xilkasnimo ka da` weyn. "Wuxuu i weydiinayay xaalkeyga wuxuuna ii sheegayay in wax walba ay hagaagi doonaan. Sanju waxay ahayd adduunkiisa balse hadda aniga un buu i heystaa," ayuu yiri Rajan.
"Anigana waxaa hadda iga go`an inaan hubiyo inuu helo wax walba oo ay hooyadiis dooneysay inuu helo."
Aabbaha iyo wiilkiisa ayaa gaaray Mumbai afar maalmood kaddib. Shaqadii ugu horreysay ee u taallay waxay ahayd inay helaan meel ay degaan.
Saaxiibkiis ayaa meel ka siiyay qol uu kiro ugu degganaa. Mumbai aad ayay ciriiri u tahay, sidaas darteed xita inaad hesho qol yar oo kiro ah waa dhib.
Maalmihii ugu horreeyay way adkaayeen. Murugada ayaa ku sii siyaadday Rajan isagoo la daalaa dhacayay inuu sawirto mustaqbal ay Sanju ka maqan tahay oo uu ku sameysto Mumbai.
Wuxuu kaddib kireystay qol balse kuma uusan qanacsaneyn. Wuxuu bilaabay inuu inta badan isku soo xiro qolka - inkastoo sababta ay qeyb ka ahayd murugada uu dareemayay haddana coronavirus ayaafara kulul ku hayay magaalada.

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Balse lacagtii uu keydsaday way ka dhammaatay, wuxuuna bilaabay inuu bajaajtiisa waddada saaro. Kaasi waa ikhtiyaarka ay maalin walba ku dhaqaaqaan malaayiin qof oo Hindiya ku nool.
Waa dagaal joogto ah oo u dhaxeeya gaajo iyo khatarta fayraska. Balse waxaa guuleysaneysa cabsida gaajada. In guriga la iska joogo waxay shaqaalaha muhaajiriinta ah u arkaan raaxo aysan awoodin.
Maalmihii ugu horreeyay way adkaayeen markii uu waddada cagta saaray maaddaama aysan dad badan dooneynin inay raacaan gawaarida dadweynaha, dakhligiisuna wuu yaraa.
Inta badan ma awoodin inuu bixiyo waxbarashadii uu Nitin ka dhiganayay online-ka. Sidoo kale waxaa laga doonayay inuu guriga maamulo oo uu xannaaneeyo Nitin. "Sanju ayaa wax walba qaban jirtay. Waxaan uun kaxeyn jiray bajaajta lacagna waan sameyn jiray."
Balse hadda Rajan wuxuu soo kacaa abbaarihii 6am si uu cunto ugu kariyo naftiisa iyo Nitin, kaddib wuxuu wiilkiisa ka caawiyaa shaqada iskuulka looga soo diro kahor inta aysan u bilaaban waxbarashada 9am.
Guriga ayuu ka baxaa wuxuuna ku soo laabtaa duhurkii si uu qado u kariyo, haddana fiidkii ayuu baxaa isagoo soo laabta saqdhexe.

Xigashada Sawirka, Ritesh Uttamchandani
Deriska ayaa ka warqaba Nitin marka uu isagu maqan yahay.
"Inta badan waqtigeyga waxaan ku qaataa waddada aniga oo sugaya rakaab. Maalmaha qaar way fiican yihiin balse waxaa jira maalmo aan keliya qaado labo ilaa saddex qof."
Wuxuu doonayaa inay dunidu mar kale caadi ku soo laabato si uu ganacsigiisa ugu hagaago. Waxaa rajo gelisay tallaalka cusub ee Covid-19 balse su`aal ayuu ka qabaa.
"Dadka saboolka ah sideyda oo kale ma heli doonaan taallaalka? Maalin walba nolosheyda ayaan khatar geliyaa. Waxaan ka walwalsanahay waxa ku dhici doona wiilkeyga hadduu igu dhaco Covid. Ma hubo in cid ay ka fekereyso dadka saboolka ah sideyda oo kale. Nagama aysan fekerin kahor inta aysan ku dhawaaqin xayiraadda," ayuu yiri.
"Haddii ay ka fekeri lahaayeen, Sanju-deyda iyo Nandini way sii noolaan lahaayeen."










