Maxay yihiin saraakiisha beenta u sheegay FBI ee uu Trump cafiska u fidiyay?

George Papadopoulos,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Donald Trump ayaa cafis u fidiyay 15 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo lagu helay inay been u sheegeen FBI-da intii lagu guda jiray baaritaanka ololaha madaxweynaha Mareykanka.

Kaaliyihii hore ololaha Trump, George Papadopoulos iyo garyaqaan Alex van der Zwaan ayaa ka mid ah dadka helay cafiska madaxweynaha.

Mr Trump wuxuu sidoo kale cafis u fidiyay laba xubnood oo horay uga tirsanaa golaha wakiilada iyo afar askari oo ku lug lahaa xasuuq ka dhacay Ciraaq sanadkii 2007-kii.

Waxaana la filayaa inuu cafis u fidiyo dad badan oo kale ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bisha soo socota.

Waa wax iska caadi ah in madaxweynayaasha xilka ka degaya ay adeegsadaan xuquuqdooda cafinta, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saareyso xukunnada lagu riday dadka cafiska loo fidinayo.

George Papadopoulos iyo Alex van der Zwaan labaduba waxay so mareen xukun xabsiyeed kooban.

Papadopoulos ayaa sanadkii 2017 qirtay dambiga ah inuu been u sheegay FBI-da taasi oo la xiriirtay xilliga la sheegay iney kulmeen saraakiisha Ruushka intii lagu gudajiray doorashadii 2016.

Wuxuu ahaa kaaliyahii ugu horreeyay ee hore ee Trump ee loo xiro baaritaanka xirirkii Ruushka iyo Trump, kaasi oo uu hogaaminayay Robert Mueller oo ahaa guddomiyaha gole gaar ah oo loo xilsaaray baaritaannadaasi.

Barta Twitter-ka ayuu ugu mahadceliyay madaxweyne Trump wuxuuna sheegay in cafiska uu ula mid yahay "adduunyo isaga iyo qoyskiisuba".

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

spacer

Dhanka kale Van der Zwaan ayaa sidoo kale qirtay inuu warbixin been ah sheegay intii lagu gidajiray baaritaankii Mueller.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan ku celceliyay in baaritaanka Mueller u yahay mid been abuur ah.

Qoraalka Muuqaalka, Are presidential pardons Trump's secret weapon?

Waxa uu sidoo kale cafiyay xubnihi hore ee Aqalka Wakiilada, kana mid ahaa xisbiga Republican-ka, waa Chris Collins iyo Duncan Hunter.

Chris Collins ayaa 2019-kii qirtay dabigii loo haystay ee ahaa inuu sameeyay ganacsi sharci darro ah, inkastoo matrkii hore uu gaashaanka u daruuray edeymahaasi. Waxa uy haatan marayay ciqaabta 26 bilood oo xabsi ah.

Bilowgii sannadkana Duncan Hunter ayaa waxaa lagu xukumay 11 bilood oo xabsi ka dib markii lagu soo eeseyay inuu si khaldan u isticmaalay g $250,000 oo doolar oo loogu talagalay ololaha doorashada inkastoo uu isagana markii hore diiday inuu geystay dambiga loo haysto.

Trump ayaa sidoo kale cafis u fidiyay afar askari oo hore, oo lagu kala magacaabo Nicholas Slatten, Paul Slough, Evan Liberty iyo Dustin Heard. Waxaa lix sannadood ka hor lagu xukumay inay agaaraha Baqdaad ku dileen 14 Ciraaqiyiin ah sanndkii 2007-kii.

Toogashada Ciraaq ayaa waxaa ka carooday dunida oo dhan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Toogashada Ciraaq ayaa waxaa ka carooday dunida oo dhan

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii madaxweyne uu cafis u fidiyay la taliyihii hore ee dhanka amniga Michael Flynn oo isna qirtay dambiga ah inuu been u sheegay FBI-da.