Toban guurada kacdoonkii Carabta: Ma dhalay dheeftii la filayey?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeysyada Carbeed ayaa toban guurada kacdoonkii Carabta ee ka bilaabmay Woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ee lagu riday madaxdii dalalkaas qaarkood wax ka qoray.
Kacdoonkaasi wuxuu ka dhashay wiil wadhato ahaa oo la odhan jiray Maxamed Buucasiisi oo isku gubay 17 Diisember 2010 dalka Tuunis waxaana mudaharaadadii ka dhashay arintaasi ay ku fideen dalalka Masar, Liibiya, Yemen iyo Suuriya.
"Karaamo iyo Dimuqraadiyad"
Al-mucdi Munjib oo maqaal ku qoray wargeysa Al-Carabi ee ka soo baxa London ayaa yidhi "toban sano ka hor waxa Tuunis ka bilaabmay bannaan baxyo shacabku wadeen oo lagu doonayey karaamo iyo dimuqraadiyad markii uu is gubay wiilkii wadhatada ahaa. Waxaanay arintaa dhalinyaradii Tuunis u arkeen in ay ahayd baaq u socda damiirkooda oo uu ugu gacan haadiyey muwaadin uu duudsiyey nidaam digtaatoor ahi. Shacabkiina baaqaa dhegahay u fureen oo waxay dood iyo dagaal kala hortageen booliskii oo waxay todobaaddo dhiig daatay u babac dhigayeen booliska. Waxaanay mucaaradiintii cilmaaniyiinta ahaa kuwii Islaamiyiinta ahaa ay iyaga oo garbaha is haysata afka u rideen dulmigii iyo keli talisnimadii."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hadaba su'aashu waxay tahay ma jiraan dhibaatooyin ka dhashay kacdoonkaa loo wada han weynaaa ee shacabka Carbeed wadeen?
Waxa su'aashaa ka jawaabaya Dr Axmed-tiir Sheekh Maxamed oo siyaasadda dunida Muslimka ka faalooda.
"Run ahaantii wixii ka dhashay ma noqon wax ay shacabku xukumeen oo gacantooda ku jiray iyaga. Dadkii way kaceen laakiin si wanaagsan looma maamulin. Waxaa ka dhashay kow horta Bin Cali inuu dhaco, sagaal maalmood ka dibna inay sawro Masar ka dhacdo oo Mubaarak la tuuro bil ka dibna in Qadaafi la tuuro, Saalax na in laga tuuro Yemen ilaa ay soo socotay tobanka sano waxa ugu dambeeyey Cumar Al-Bashiir oo sannadkii hore la tuuray. Waxay sii dhaxashay oo natiijada ah dagaalkii sokeeye ee Suuriya inuu ilaa haatan socdo, dagaalka sokeeye ee Yemen inuu hadda socdo dagaalka sokeeye ee Liibiya ee ilaa hadda socda. Waxa kale oo ugu weyn ee khatarta ah oo dunida Muslinka uu u geystay waxaa waaye soo bixitaankii Daacish iyo inay qabsatay nus Ciraaq ah waxaa laga dhaxlay ka dibna waa xarbi ahli ah oo ilaa hadda socda" ayuu yidhi Dr Axmed-tiir.
Waxa aragtidaa mid la mid ah qaba Sufyan Rajab oo wargeyksa Al-Sabaax ee Tuunis ka soo baxa maqaal uu ku qoray ku yidhi "toban sano ka dib kacdoonkii, ma la gaadhay ujeedooyinkii dadku u gadoodeen, ma hagaatay noloshii shacabku oo dadku ma heleen waxay doonayeen ee ah karaamo iyo horumar?".
Isaga ayaa isku jawaabaya oo waxa uu leeyahay "xaqiiqda jirtaa sidaa way ka duwan tahay oo xaaladdu sidii ay markii hore ahayd way ka sii xumaatay. Dhaqaalihii ayaa dhulka galay, horumarkiina wuu joogsaday waxaana aad u korodhay shaqo la'aanta oo waxay gaadhay 18% halka ay kacdoonkii ka horna ahayd 12%, sidoo kale waxa kordhay daynta dalka lagu leeyahay 95% waxaana joogsaday maalgashigii dalku heli jiray."
Fashilka Islaamiyiinta
Kacdoonkaa shacabka waxa hormuud u ahaa dhanka siyaasadda xisbiyadii mucaaradka ahaa ee Islaamiyiinta ahaa. Kuwaas oo markii hore dalalkaa badankooda mamnuuc ka ahaa. Dadka rayidka ah oo u arkayey in ay ahaayeen siyaasiyiin shacabka la dareen ah oo ay dhib wada muteen, ayaa markiiba u xagliyey iyaga oo doorashooyinkii dalalkaa qaarkood ka dhacay cod aqlabiyad ah ku taageeray.
Rajada shacabku waxay ahayd in ay Islaamiyiintu isbedel siyaasadeed iyo mid bulsho oo caafimaad qaba dalalkaa ka hir gelin doonaa. Iyo sidoo kale in ay abuuri doonaan madal xor ah oo dadka kala aragtiyaha ahi ay ku doodi karaan oo qof waliba xorriyad siyaasi ah heli doono.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase yeeshee arimahaas oo dhami ma dhicin, mana ay suurto gelin in ay dhismaan xukuumado lagu tilmaami karo kuwo guulaystay. Hadaba maxaa ugu wacan in ay fashilmaan siyaasiyiinta Islaamiyiinta ahi oo ay hanan kari waayaan shacabkii iyo xukunkiiba?
Dr Axmed-Tiir oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa waxa uu leeyahay
"Tajribo kasta horta waa tajribo bini aadan inkastoo ay magac Islaam wadato, arintu waxa waaye waa fikir bashar maskaxdiisa oo la falgalay waxyigii Ilaahay soo dejiyey. Markaa in ay si xun u maareeyeen xisbiyadii Islaamiga ahaa shaki kuma jiro, in wixii laga filaayey ee shacabku ugu banaan baxeen aanay ka helin waxay ka rabeen waa sax, in jalaafatooyin badan loo dhigay oo laga xeel badiyey waa sax. In hadda Islaamka siyaasiga ah guud ahaan ba aduunka laga dhigaayo inuu la mid yahay aragagixiso waa mid kale waa jirtaa, waxaas oo dhan waa wax dhacay waana sunanka in kor iyo hoos la aado laakiin waxaan shaki ku jirin in maarayntay maaraynayeen rabiica Carabiga ah Islaamka siyaasiga ah in uunan qaabkii loo rabay aanay u maaraynin oo u maamulin oo hada natiijada tahay natiijo aan aad u fiicnayn"










