Somaliland iyo Kenya: Muusa Biixi oo la kulmi doona Uhuru kenyatta

Muusa Biixi waxaa soo dhoweeyay xubin sare oo ka tirsan maamulka kenya, Ababu Namwamba.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya

Qoraalka sawirka, Muusa Biixi waxaa soo dhoweeyay xubin sare oo ka tirsan maamulka kenya, Ababu Namwamba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Nairobiu oo ay oga billaabatay booqasho rasmi ah.

Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, madaxweyne Biixi ayaa Isniinta la kulmi doono madaxweynaha Kenya, Uhuru kenyatta.

Ababu Namwamba oo ah xubin sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi wuxuu yiri: "Mudane Muusa Cabdi wuxuu Isniinta wadahadal la yeelan doonaa Mudane madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxay ka wadahadli doonaan danaha ay wadaagaan", ayaa lagu qoray barta Twitter-ka.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Masuuliyiinta kale ee soo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ahaa wasiirro uu ku jiro midka wasaaradda ganacsiga Kenya.

Booqashada Muusa Biixi waxay ku soo aadeysaa xilli uu aad u sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

29-kii bishii la soo dhaafay ee november, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

"Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go'aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland," ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in faragelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr goor ka kulman xallinta khilaafka soo noqdnoqday.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr goor ka kulman xallinta khilaafka soo noqdnoqday.

War qoraal ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay ayaa lagu sheegan in dowladdooda aysan weli helin warqad rasmi ah oo cabashada Soomaaliya ku saabsan.

"Kenya lama soo gaarsiin xiriir hadal ama qoraal rasmi ah oo kaga yimid dowladda Soomaaliya, taas oo lagu codsanayo in safiirka Kenya ee Jamhuuriyadda Somaaliya uu ka baxo dalka si uu la tashiyo u soo sameeyo".

Kenya ayaa sheegtay in hadalka ay ka maqashay warbaahinta oo keli ah. "Kenya waxay muujineysaa sida ay uga xuntahay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya".