Maalinta Caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa: 'Wax caddeyn ah looma hayo in dowladda Soomaaliya ay musuqmaasuq sameyso'

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyn la sameeyay. Ammaan darrada ayaa ah caqabad weyn oo heysata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xasilooni darradu sidoo kale wiiqeyso dhaqaalaha dalka.
Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa la sheegay inay u dulqaataan howlo sharci darro ah iyaga oo qaadanaya laaluush. Hay`adaha dowladda oo aan qaarkood shaqeyneyn ayaa sidoo kale loo aaneynayaa musuqmaasuqa la haray dalka.
Maanta oo kale sanad walba waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa. Sanadkan wuxuu xuska maalintan ku soo aadayaa xilli ay dalka Soomaaliya ku soo fool leedahay doorasho, waxaana jira walaac laga muujinayo in musuqmaasuq uu hareyn doono doorashada.
Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa BBC-da u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay la timaaddo hannaan lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.
"Waxaa la diyaariyay istaraatiijiyad, waxaa la diyaariyay shuruucdii lagula diriri lahaa, waxay xeer ilaalinta iyo maxkamada iyo hanti dhowraha ka shaqeeyeen kiisas badan oo musuq lagu helay oo ilaa iyo hadda ay maxkamaddoodu socoto, dowladdu la dirirka musuqmaasuqa tallaabooyin badan ayay u qaadday welina way waddaa," ayuu yidhi wasiirka.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa dhanka kale gaashaanka u daruuray eedeymaha ku aaddan in hay'adaha dowladda Soomaaliya gudahooda uu ka jiro musuqmaasuq.
"Dowladdu waxay la dagaallameysaa nooc walba oo musuq ah, ama gudaheeda haka jiro ama bannaanka haka jiro. Arrimaha dowladda lagu eedeynayo wax caddeyn ah looma hayo, waa eray ay inta badan siyaasiyiin adeegsadaan."
Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA
Golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii September meel mariyay guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya, kaas oo loogu talogalay in lagula dagaallamo musuqmaasuqa; lagu xoojiyo sumcadda hay`adaha dowladda; adeegyada rayidka; lagu hubiyo hufnaanta maamulka dhaqaalaha bulshada ; isla markaana lagu dhiirrigeliyo isla xisaabtanka.
Qaramada Midoobay oo taageerta dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay guddigaas.
"Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay dowladda Soomaaliya uga go'antahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, suurta gelinta in si caddaalad ku dhisan looga wada faa'iideysto kheyraadka iyo fursadaha, iyo in la dhiso kalsoonida lagu qabo hay'adaha dowladda." Ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Dalka ugu musuqa badan dunida

Tan iyo sanadkii 2006, Soomaaliya waxaa si is daba joog ah loogu darayay liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.
Qiimeyntii musuqmaasuqa dalalka ee sanadkii 2019 ay hay`adda Transparency International ku sameysay 180 dal ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay mar kale tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.
Waxay sagaal dhibcood ka keentay dhibcaha 100-ka ah ee ku saabsan dowladnimada, isla xisaabtanka iyo hufnaanta.
Waxaa qiimeynta lagu ogaaday in dalalka meesha hoose ka galay liiska ay wax yar oo aan ku filneyn sameeyaan amaba aysan wax dadaal ah ku bixin la dagaallanka musuqmaasuqa.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diidday qiimeynta oo ay ku sheegtay inay tahay "mid aan lagu kalsoonaan karin", iyadoo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu horay u sheegay inay dacweyn doonaan hay`adda Transparency International.
Musuqmaasuqa la xiriira coronavirus
Qaramada Midoobay ayaa walaaca ugu weyn ka qabta sida uu musuqmaasuqa u sii ragaadinayo xaaladihii cakirnaa ee horay dunida uga jiray xilli uu hadda dhibaato weyn dunida ka abuuray fayraska safmarka.
"Musuqmaasuqu waa dembi, wax aan la aqbali karin, waana heerkii ugu sarreeyay ee meel ka dhaca aaminaadda bulshada. Xitaa dhib intaas ka badan ayay geysan kartaa xilliga xasaradaha - iyadoo dunidu ay haatan wajahayso saameynta ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Wax ka qabashada fayraska wuxuu fursado cusub u abuurayaa hubanti la`aan, iyadoo lacagaha loogu talo galay dadka laga weecinayo xilligan oo ay baahida ugu badan u qabaan." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, oo ka hadlayay musuqmaasuqa iyo COVID-19.
Dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu dhaliilaa musuqmaasuqa la xiriira lacagihii loogu talo galay la dagaallanka xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Bishii August Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun xabsi ah ku ridday afar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyay musuqmaasuq la xiriira lacagtii loogu talo galay in wax looga qabto fayraska corona.
Maxkamadda oo qaadda dembiyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareereysan ayaa dembi ku heshay afartaas shaqaale, kaddib markii arrinta ku saabsan si xun u isticmaalidda lacaga dadweynaha ay muran badan dhalisay.
Kiiskan ayaa soo baxay bishii April, markaas oo ahayd hal bil kaddib markii ay Soomaaliya shaacisay kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19.
Xilligaas, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tiro saraakiil ah lagu hayo baaritaan la xiriira inay dano kale u isticmaaleen lacagaha dadweynaha.
Soomaaliya waxaa haatan laga soo sheegay kiisas ka badan 4,500 oo fayraska corona ah.
Dowladda ayaa malaayiin dollar u qorsheysay la dagaallanka Covid 19, waxayse deeq bixiyeyaasha ka codsatay dhaqaale dheeraad ah.











