Doorashada Mareykanka 2020: Sababta ilaa iyo hadda loo ogaan la'yahay natiijada doorashada Mareykanka
Waxaa laga yaaba inay macquul tahay in hadda wax uun oo macluumaad ah aad ka heysato natiijada doorashada ee Mareykanka ee 2020-ka.

Marka, yay tahay cidda noqoneyso madaxweynaha xiga?
Ma garan karno cidda madaxweyne noqoneysa maadama aan si rasmi ah loo dhameystirin tirinta codadka doorashada Mareykanka si loo shaaciyo cidda guusha gaartay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mar uu ka qeybgalayay isu soo bax ka dhacay gobolka Delaware, Joe Biden, wuxuu yiri: "Waxaan ognahay in natiijada ay wakhti dheer qaadan doonto balse waxaa dhici karta in la shaaciyo beri subaxdii ama wakhti intaas ka fog ayay qaadan kartaa".
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ku faraxsanahay halkan aan taagannahay, waxaan caawa idiin sheegayaa in aan rumeysanahay in aan saarannahay dhabihii guusha".
Donald Trump wuxuu ku anddacooday xilli ku sugnaa Aqalka Cad in doorashada uu ku guuleystay iyadoo aan maalaayin codad ah weli la tirinin.
"Haddii aan si daacad ah u hadlo, waan ku guuleysanay doorashadan", ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray isaga oo aan wax caddeyn ah heyn in doorashada "lagu shubtay".
"Tani waa arrin ceeb ku ah dalkeena", ayuu yiri Trump.
Sidoo kale wuxuu sheegay in uu qorsheynayo in uu aado maxkamadda Sare si uu dacwad uga gudbiyo natiijada doorashada.
Arrinta dhabta ah waxay tahay, in wakhti badan ay qaadan karto in la tiriyo codadka dhiman oo gaaraya malaayiin kuwaas oo lagu dhiibtay boostada, maadaama doorashadan uu saameeyay cudurka safmarka. Maalmo ayay qaadan kartaa in la shaaciyo natiijada kama dambeysta ah.
Waa haddii maxkamad la geeyo natiijada, xitaa waxay qaadan doontaa toddobaadyo in go'aan rasmi ah laga soo saaro.
Wax fikrad ah maka heysanaa cidda guuleysan doonto?
In aad madaxweyne ka noqoto Mareykanka, uma u baahnid codadka ugu badan, balse musharraxa guuleysta waa in codadka ugu ka helaa ergada gobollada. Gobol kastana wuxuu leeyahay tiro gaar ah oo ku saabsan codadka loo yaqaano electoral college.
Marka haddii aad guul ka gaarto tirada codadka lagaaga baahan yahay ee gobollada, markaa waad guuleystay. Tirada codadka ergada gobollada waxay gaarayaan 538 cod, cidda madaxweyne noqotana waxaa looga baahan yahay inay hesho 270 cod.
- Trump iyo Biden waxaa lagu wadaa in ay guuleystaan.
- Tartanka ugu adag wuxuu ka dhacayaa gobollada muhiimka ah
- Gobolladan ay isku hayaan codadkooda aad ayey isugu dhow yihiin, weli saraakiisha ma aysan tirin codadkii lagu dhiibtay boostada, taas ayaa laga yaabaa inay wax iska baddalaan.
Haddii aan eegno qaar ka mid ah gobolladaas
Florida: Waxay saadaashu tahay in Trump uu guul ka gaari doono, dad badan waxay farta ku fiiqayaan dadka Cuban-ka ah ee u dhashay Mareykanka ee ku nool Miami-Dade in uu taageero ka heli doono.

Xigashada Sawirka, Reuters
Arizona: Gobolkan weligii uma uusan codeyn Jamhuuriga, tan iyo sanadkii 1966-dii, waxayna u muuqataa in Biden uu guul ka gaaro. Biden ayaa taageero u raadsaday dadka Laatiinka ah ee ku nool gobolkan.
Pennsylvania: Gobol weli waxaa ka socoto tirinta codadkii laga dhiibtay, waxay qaadan kartaa tirinta codadkooda maalmo.
Wisconsin: Waxaa la saadaalinayaa in Wisconsin uu Biden ku guuleysto.
Sheekada ku saabsan natiijada oo hal dhinac martay?
Donald Trump, meel wanaagsan ayay wax u marayaan marka la eego sidii loo maleynayay, halka Joe Biden uu ku guuldareystay in uu ku guuleysto gobollada muhiimka ah ee uu loolanka adag ka jiray kuwaas oo durbadiiba laga tiriyay codadka, waxay taas ka dhigan tahay in lagu jahwareersan yahay wax ay noqon doonto natiijada gobollada yar ee haray.
- Sanatar Lindsey Graham oo ay saaxibo dhaw yihiin Trump ayaa la saadaalinayaa in uu ka guuleysto musharraxa dimuqraadiga Jaime Harrison, doorashada gobolka South Carolina.
- Loolanka loogu jiro kuraasta Aqalka Sanetka, xisbiga dimuqraadiga waxay ku guuldareysteen gobolka Alabama balse waxay ku guuleysteen gobolka Colorado.
Ilaa iyo hadda maxaan ognahay?
Waxyaabaha aanan la ogaan karin ilaa iyo hadda: Arrimaha ugu weyn ee la hadal hayo doorashadan waa dhacdada ku saabsan codadka lagu dhiibtay boostada ee aan weli la tirin, sida gobollada ay ka mid yihiin Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania.
Lama ogaan karo maalmaha ay qaadan doonto: Waa arrin dhici karta in maalmo ay qaadato, maadaama dagaalka uu u wareegi doono codadkii boostada lagu soo diray ee aan weli la tirin.
Qareenno ayaa kaalin ku yeelan kara: Donald Trump wuxuuba horey ugu hanjabay in uu dacwad geyn doono Maxakamadda Sare. Taas waxay dhallin kartaa in natiijada ay qaadato isbuucyo.
Hubaal la'aanta ma keeni kartaa qalalaase?: Waxay u badan tahay in xaalad hubaal la'aan ah ay dhacdo, balse, inkastoo dadka Mareykanka ay ka hadleen walaaca ay qabaan, haddana xilligan lagama sii hadli karo in ay jiraan arrimo sababi kara qalalaase.














