Trump goolf ayuu ciyaarayay markii natiijada ay soo baxday
Madaxweyne Donald Trump ayaa ka tagayaqalka cadsaaka isagoo qabtay gobolka Virginia si uu soo ciyaara golofka. Isagoo
halkaasi ku sugan ayaa lagu dhawaaqay natiijadaah inuu Bidenku guuleystay
doorashada.
waxaa baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya Trump
oo ciyaaraya. Madaxweynaha aad ayuu u jeclyahay ciyaarta goolfka.
BBC-da waxay fahansan tahay in madaxweynaha uu haatan ka tagay
Virginia.
Xigashada Sawirka, Reuters
Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson oo u hambalyeeyay Biden
Ra’iisal wasaaraha UK Boris
Johnson ayaa codkiisa ku biiriyay hoggaamiyayaasha caalamka ee u hambalyeeyay Joe
Biden iyo Kamla Haris.
Wuxuu sheegay inuu
rajeynaya inuu wadashaqeyn la yeesho maamulka cusub ee Biden.
Johnson iyo xoghayihiisa
arrimaha dibedda Dominic Raab ayaa cambaareyn la kulmay isbuucan ka dib markii
ay iska diideen inay dhalleeceyaan sheegashada aan hubaasha lahayn ee Trump ee
ahayd in doorashada lagu shubtay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Donald Trump oo soo hadlay: ‘weli tani ma dhamaanin’
Waxaan helnay warbixin uu soo saaray Donald Trump oo la sheegay
in uu ciyaaraha golf ku dheelayo xaruntiisa Virginia, xilligii uu soo baxay warka
ah in Biden uu ku guuleysanayo doorashada madaxtinimada Mareykanka.
“Dhammaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu ordayo in uu
si been ah isaga dhigo qofka guuleystay, iyo sababta warbaahinta isaga
saaxiibbada la ah ay ugu dadaalayaan in ay si adag u caawiyaan: ma doonayaan in
runta la soo bandhigo,” ayaa lagu billaabay qoraalka Trump ka soo baxay.
"Xaqiiqada la ogyahay waxay tahay in doorashadan aysan
dhamaasho u dhoweyn," ayaa qoraalka lagu xusay.
Taasi wuxuu ula jeedaa in tirinta codadka aysan weli dhammaanin,
aysanna ansixinin saraakiisha doorashada, wararka ay warbaahinta shaacinayaan.
Si kastaba, warbaahinta waxay sheegaan qofka guuleysta marka ay
soo baxdo in codadka ugu badan ee ergada uu helay mid ka mid ah musharrixiinta
kaas oo dhaafay 270.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump, isagoo aan caddeyn u haynin ayuu sheegay in kooxda ololaha Biden ay “doonayaan in codadka la tiriyo xitaa iyadoo wax is dabamarin ay jirto ama codad been ah ama in ay codeyeen dad dhintay iyo kuwa aan u qalmin.”
“Haddaba muxuu Biden qarinayaa? Ma nasan doono illaa shacabka Mareykanka ay ka ogaanayaan tirinta codadka oo daacad ah, taa na waa midda Dimuquraadiayadda ah”.
Kor joogtada doorashada ee kor meeraya codeynta waxay si joogto ah ugu celceliyeen in aysan jirin wax isdabamarin baahsan taas oo lagu arkay hanaankii doorashada.
Sawirro: Dadweynaha Mareykanka iyo sida uga jawaab celiyeen guusha Biden
Waxaa soo baxaya sawirrada taageerayaasha Biden oo si weyn ugu dabbaaldagaya warka sheegaya inuu Biden ku guuleystay natiijada doorashada Mareykanka.
Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada taageerayaasha Biden
Xigashada Sawirka, Reuters
Madax ka falceliysay guusha Biden
Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa billaabay in ay u hambalyeeyaan
Joe Biden oo ku guuleysanaya doorashada madaxtinimada Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, wuxuu yiri: “Waxaan
rajeynayaan” in aan la shaqeeyo Biden iyo ku xigeenkiisa ee la doortay Kamala
Harris, maadaama uu muujiyay xiriirka dhow ee labada dal ka dhexeeya.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 1
Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Mucaaradka ah ee UK, Keir
Starmer, ayaa sheegay in Biden uu ololihiisa ku muujiyay “qiyamka aan inaga ee
UK ah aaminsan nahay, sharafta, iyo jaceylka iyo awoodda”.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 2
Ra’iisul Wasaaraha Slovenian, Janez Janša, kaas oo maalin ka hor
u hambalyeeyay Donald Trump oo sheeganayay in uu doorashada ku guuleystay iyo
in looga shibtay,- ayaa weli aamusan, wax war ahna lagama hayo weli.
War deg deg ah, Biden waxaa lagu wadaa inuu khudbad jeediyo saacadaha soo socdo
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu
wadaa inuu caawa khudbad u jeediyo
dadweynaha Mareykanka.
" Sharaf ayay ii tahay in dadweynaha Mareykanka ay aaminaad noo muujiyeen aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay Kamla Harris", ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ololaha Biden
Halkuu Trump ku sugan yahay hadda?
Markii uu soo baxayay warka ah in Biden uu ku guuleysanayo
doorashada xilka madaxweynaha, Donald Trump wuxuu ku sugnaa xaruntiisa lagu
dheelo ciyaaraha Golf ee Virginia.
Waxaana la filayaa in warbixintiisa ku aadan natiijada
doorashada uu ka soo saari doono halkaas.
Guusha Biden ayaa timid ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada tirada codadka gobolka sida weyn loogu loolamayay ee Pennsylvania.
Joe Biden oo ku guuleystay doorashada
Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.
BBC-da ayaa odoroskeedu yahay in Biden ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad.
Xigashada Sawirka, bbc
Biden oo ku horreeya Georgia, muxuu gobolkaas muhiim u yahay?
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Tirinta ayaa weli ka socota Georgia
Joe Biden ayaa qarka u saaran in gobolka Georgia uu kaga
guuleysto Donald Trump, iyadoo ay keliya harsan yihiin tirinta kumannaan codad
ah.
Haddii uu Biden gobolkaas ku guuleysto, waxay taasi u dhoweyneysaa
codadka 270-ka ah ee laga doonayo si uu ugu guuleysto madaxtinnimada.
Waxay sidoo kale taasi ka hor istaagi doontaa Donald Trump inuu
guuleysto. Xitaa haddii uu ku guuleysto dhammaan gobollada harsan - taas oo aan
muuqan inay dhacayso.
In Biden uu ku guuleysto Georgia waa isbeddel weyn. Tan iyo
sanadkii 1964 gobolkan quruxda badan keliya afar jeer ayuu u codeeyay musharrax
Dimuqraaddiga ka tirsan, markii ugu dambeysay wuxuu u codeeyay Bill Clinton sanadkii
1992. Haddii sanadkan uu gobolkaas u codeeyo Biden, Georgia waxay noqon doontaa
jasiirad buluug ah oo bad guduud ah uga taalla khariiradda doorashada, oo ay ku
hareereysan yihiin gobollada Jamhuuriga.
Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa isbeddelkan weyn u
aaneynaya Stacey Abrams oo ka tirsan Dimuqraaddiiga, taas oo barasaabka gobolka
u tartantay sanadkii 2018, markii ay weysayna, waxay labo sano u ololeyneysay
xisbigeeda.
Wiilasha Trump oo Jamhuuriga ku eedeeyay inay ka gaabiyeen taageerada aabbahood
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Donald Trump Jr oo taageerayaasha Jamhuuriga kula hadlayay Atlanta, Georgia
Labada wiil ee waaweyn ee uu dhalayDonald Trump ayaa ku eedeeyay xubnaha Xisbiga Jamhuuriga inay ku
guul darreysteen inay taageeraan madaxweynaha, xilli uu dadaal ugu jiro in dib
loo doorto.
Wiilka ugu weyn wiilasha Trump, Don Jr, ayaa xisbiga ku eedeeyay
inuu yahay "daciif". Walaalkiis Eric ayaa ka digay: "Codbixiyeyaasheenna
weligood idinma hilmaami doonaan haddii aad tihiin [xigasho] ido!"
Xubno sare oo Jamhuuriga ka tirsan sida sanatarka Utah, Mitt
Romney iyo Barasaabka Maryland, Larry Hogan ayaa kooxda ololaha Trump uga digay
inay wiiqaan hannaanka dimuqraaddiyadda.
Don Jr ayaa barta Twitter-ka ku qoray qoraal uu ku muujinayo
carada uu u hayo kuwa u hanqal taagaya doorashada madaxtinnimada sanadka 2024.
"Ficil la`aanta dhammaan kuwa u hanqal taagaya ' doorashada
2024 [Jamhuuriga] ' waa wax la yaab leh," ayuu ku yiri qoraalkiisa.
"Waxay muujiyeen inay doonayaan ayna awoodaan inay
dagaallamaan balse waxay ka door bideen inay ka dhuuntaan warbaahinta. Ha welwelin
@realDonaldTrump wuu dagaallami doonaa ayagana way daawan doonaan sida caadada
u ah!"
Walaalkiis ayaa goor dambe taageerayaasha Trump hadal uu ugu
jeediyay Atlanta, Georgia – oo ka mid ah gobollada hardanka loogu jiro,
tirintuna ay socoto, in aabbihiis uu ku saxsanaa inuu dacwad ka gudbiyo hannaanka
tirinta codadka.
"Waxaan u maleynayaa waxa ugu horreeya ee uu Donald Trump sameyn
karo inay tahay inuu si adag uga dagaallamo mid kasta oo ka mid ah gobolladaas,"
ayuu yiri.
Qoraalka sawirka, Biden ayaa heysta fursado badan oo uu ku guuleysan karo
Doorashada Madaxtinnimada Mareykanka waxay ahady Talaadadii,
balse weli waxaa laga dhursugayaa musharraxa ka soo gudba khadka codadka 270.
Hadda la joogo, Joe Biden ayaa u dhow iyadoo tirinta codadkuna ay weli socoto:
Gobolka Georgia, labada
musharrax ayaa weli qoorta iskula jira, iyadoo hoggaanka uu gobolkaas u hayay
Trump ay hoos ugu dhacday ilaa 600 oo codad ah. Guddiga doorashada ayaa sheegay
inay sii wadi doonaan tirinta ayna ku rajo weyn yihiin in natiijada ay maanta
soo baxdo
Biden ayaa 11,000 codad ah ku
hoggaaminaya Nevada,
kaddib markii 89% codadka gobolkaas la tiriyay
Hoggaanka uu Trump u hayay Pennsylvania ayaa
hoos ugu dhacay 20,000 oo codad ah, iyadoo codadka boostada lagu soo diray iyo
kuwa dadka maqanba la xisaabiyay, waxaase weli harsan boqollaal kun oo codad ah
Balse codadka uu Biden ka helay Arizona ayaa yaraaday,
iyadoo uu ku hoggaaminayo haatan 7,000 oo codad ah
Gobollada Alaska iyo North Carolina weli
tirinta codadka ayaa socota, Trump ayaana ku horreeya labada gobol. Balse
haddii uusan ku guuleysan qaar ka mid ah afartaas gobol, Trump wax fursad ah
uma heysto in dib loo doorto. Biden ayaa heysta fursado badan oo uu ku
guuleysan karo.
Warbaahinta Ruushka oo hadalka u dabciyay Joe Biden
Doorashadan Mareykanka, filashada Ruushka way hooseysaa. Aad
ayay u hooseysaa. “Ruushka inuu kala doorto Trump iyo Biden waxay uga dhigan
tahay sida in uu kala doorto labo nooc oo saliidda castor-ka ah,” sidaas waxaa
maanta qoray wargeyska Moskovsky Komsomolets.
Shaki kuma jiro laakiin, in xukuumadda Ruushka ay daneyneyso Trump.
Sababtoo ah, Donald Trump weligiis ma cambaareyn Vladimir Putin wuxuuna ku
baaqaa xiriir dhow oo lala yeesho Moscow; Joe Biden-se dhowr jeer ayuu
canaantay hoggaamiyaha Aqalka Kremlin. Waxaa jira walaac ah in madaxtinnimada Biden
ay Ruushka uga dhigan tahay cunaqabateyno dheeraad ah.
Moscow ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay labada dhinac.
Balse warbaahinta dowladda Ruushka ayaa aad u ammaaneysay Donald Trump marka
loo eego Joe Biden.
Taasi ma wax baa iska beddelay? Wargeyska dowladda
Ruushka ayaa maanta amaman u jeediyay musharraxa Dimuqraaddiga.
“Si ka duwan sida dagaalka ka muuqdo ee Trump,
Biden wuu is dejiyay wuxuuna matalay doorka nabad-dhaliyaha qaranka.”
Doorashada Mareykanka: Sidee musharraxa laga adkaado uu u qiranayaa guul-darrada?
Xigashada Sawirka, GETTY/EPA
"Sanatar Jones ayaa hadda igu
wargeliyay in natiijada ay muujineyso in adiga lagu doortay, waxaana si degdeg
ah kuugu soo gudbinayaa hambalyo. Waxaan arrinta ku wareejinnay dadka Mareykanka hankooduna waa
sharciga."
Musharraxii madaxtinnimada Mareykanka, William Jennings Bryan ayaa
farriintaas gaaban aaladda telegram-ka ugu diray ninkii ay isla tartamayeen
William McKinley sanadkii 1896, labo maalmood kaddib markii uu ku guul-darreystay
doorashadii sanadkaas.
Waxay noqotay farriin qirasho guul-darro ah oo aad looga helay.
Tan iyo wixii intaas ka dambeeyayna waxay ahayd mid ay adeegsadaan
musharraxiinta laga guuleysto, iyadoo aan loo eegeyn cadaawadda ka dhalatay
tartanka doorashada ee la isku hayay, waxaana musharraxa laga guuleyso uu
farriintaas ku diri jiray saacado gudahood.
Balse ma jirto sharci ku qasbaya in musharraxa uu qirto
guul-darro. Haddii uu musharraxu qiran waayo in laga adkaaday, waxay taasi
albaabka u fureysaa dacwad maxkamad iyo jahwareer.
Sanadkii 2000, musharraxii
madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraaddiga, Al Gore ayaa qirtay in George W Bush uu
ka adkaaday, balse qirashadaas wuu ka laabtay wuxuuna dacwad u gudbiyay
Maxkamadda Sare, maxkamadda ayaa arrinta xallisay iyada oo garta siisay Bush.
Dadka ayaa baraha bulshada ku soo wadaagayay farriimaha
musharraxiinta madaxtinnimada ee laga guuleystay, iyagoo la barbardhigaya
doorashada sanadkan 2020.
Amol Rajan oo BBC-da ka tirsan ayaa barta Twitter-ka soo dhigay
khudbadda John McCain uu ku qiranayo in Barack Obama uu kaga guukeystay
doorashada, sanadkii 2008.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Inkastoo ay dhowdahay xilliga lagu dhawaaqayo natiijada, kooxda ololaha Trump ayaa caddeeyay in madaxweynuhu uusan si degdeg ah u qiran doonin haddii Joe Biden uu doorashada kaga guuleysto.
Ammaanka Joe Biden 'oo la adkeynayo' iyadoo la filayo inuu khudbad jeediyo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waaxda ammaanka Mareykanka ayaa adkeyneysa ammaanka Joe Biden laga
bilaabo maanta, iyadoo loo maleynayo inuu goor dhow ku dhawaaqi doono inuu
doorashada ku guuleystay, sida uu qorayo wargeyska Washington Post.
Ammaanka ayaa la sugi doonaa, kaddib markii kooxdiisa ololaha ay
ku wargeliyeen waaxda inuu khudbad jeedin doono gelinka hore ee maanta
(xilliga Mareykanka).
Haweeney u hadashay waaxdaasi, Catherine Milhoan ayaa diidday
inay ka hadasho arrintaas, iyadoo sheegtay inaysan waaxdu wax ammaanka quseeyo
kala hadlin saraakiil sare. Kalkaaliyeyaasha Biden sidoo kale kama aysan hadlin
arrintaas.
Biden iyo kooxdiisa ololaha waxay ku sugan yihiin xaru ku taalla
Wilmington, Delaware.
Trump oo laga diiday in la joojiyo tirinta codadka Pennsylvania
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Philadelphia iyo magaalooyin kaleba, taageerayaasha Trump ayaa isugu soo baxay waddooyinka
Madaxweyne Donald Trump ayaa dacwad u gudbiyay maxkamadda isaga
oo codsanaya in la joojiyo tirinta codadka gobollada lagu hardamayo, oo ay sii
yaraanayaan codadka uu ka helayo.
Gobolka Pennsylvania, xaakim heer federal ah ayaa diiday codsiga
kooxda ololaha doorashada ee Trump ay ku doonayaan in la joojiyo tirinta
codadka.
Xaakim Paul Diamond oo sidoo kale ka ajwaabayay cabashada kooxda
ololaha Trump ee ah in loo diiday inay ergo u diraan goobta lagu tirinayo
codadka ayaa sheegay in haatan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga loo
oggol yahay inay diraan 60 wakiillo ah.
Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in Jamhuuriyiinta aan loo
diidin inay korjoogto ka noqdaan tirinta codadka, balse keliya hal wakiil loo
diiday sababtuna ay tahay inuu u hoggaansami waayay shuruucda kala fogaanshaha bulshada.
Doorashada Mareykanka: Maxaa ka harsan ku dhawaaqista natiijada?
Xigashada Sawirka, GETTY/EPA
Tirinta codadka shalay oo Khamiis ahayd wax weyn kama beddelin
halka haatan la kala marayo, weli gobollada harsan looma saadaalin karo Donald
Trump ama Joe Biden. Balse Dimuqraaddiyiinta ayaa u muuqda kuwo dhanka guusha u
dhow.
Isagoo u muuqda qof murugeysan, isla markaana diiday in
su`aalo la weydiiyo, ayaa Madaxweyne Donald Trump wuxuu mar kale sheegay in
lagu shubtay doorashada balse wax caddeymo ah ma bixin.
Waxaa diiradda la saarayaa afar gobol oo lagu hardamayo:
Georgia: Trump ayaa weli ku horreeya, balse tirada ayaa hoos u dhacday
90% -18,000 oo gelinkii hore ee shalay
uu ka heystay, haatan wuxuu ka heystaa 1,800.
Pennsylvania: Trump ayaa shalay gelinkii hore ka helay 160,000 codad ah.
Balse markii la tiriyay codadka boostada la soo dhigay, waxayse hoos ugu dhacay
25,000, iyadoo 220,000 oo codad ah ay weli harsan yihiin.
Arizona waa halka keliya ee uu rajada fiican ka qabo Trump. Hoggaanka
Biden ee gobolkaas ayaa hoos u dhacday shalay, wuxuu haatan ka heystaa 46,000
oo codad ah. In ka badan 220,000 oo codad ah ayaa weli dhiman in la tiriyo.
Sidee ayay warbaahinta dunida u tebineysaa doorashada Mareykanka?
Suurtogalnimada ah rabshado ka dhaca Mareykanka, sababo la
xiriira doorashada aan weli kala caddeyn, ayaa saldhig u ah tebinta warbaahinta
dhowr dal. Meelaha qaar, waxaa arrintan looga gol leeyahay in lagu wiiqo
Mareykanka.
Raadiyaha dowladda ee Iiraan ayaa soo tebiyay rabshado ka dhacay
Los Angeles, Seattle iyo Minneapolis, waxayna hadalka u dhigeen in
dibadbaxayaashu "ay hubeysan yihiin oo aysan ka baqeyn booliiska".
"Rabshado, hub. Waa wax aalaaba lagu yaqaanno
doorashooyinka dalalka soo koraya," ayuu yiri qof faallo ku qoray wargeyska
Global Times ee dalka Shiinaha. "Wax ka dhacaya doorashada Mareykanka waa
wax aynaan marnaba sawiran inay ka dhici doonaan dalkan 'Astaana u ah
Xorriyadda'."
Gudaha Ruushka, telefishinnada dalkaas ayaa sidoo kale soo
bandhigaya sawirrada iyo muuqaallada isku dhaca dibadbaxayaasha iyo booliiska
ee magaalada New York iyo magaalooyin kale.
Dad badan oo wax falanqeeya ayaa qaba in natiijada ka soo baxda
doorashada ay sii kala qeybin doonto Mareykanka.
Waxaa sidoo kale jira aragti ah sida rabshado dhaca iyo arrimo
kaleba ay u wiiqi karaan dimquraaddiyadda Mareykanka.
"Ceebta
Ameerika" waa cinwaanka wargeyska Standard ee dalka Kenya ka soo baxa, waxaana
sawir looga dhigay ciidamada Mareykanka oo qoryo ku dhex wata waddooyinka.
Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale tebinteeda ku dartay “rabshado”
xilli ay socoto tirinta codadka.
Sawir-gacmeed lagu daabacay barta Daily Maverick ee dalka Koofur
Afrika wuxuu tusinayaa Donald Trump oo toorrey ku haya taallada xornimada oo ay
la socoto hanjabaad.
Waxaa sidoo kale jira warbaahinta qaar oo tebinaya in Joe Biden uu
ku horreeyo codadka, iyo waxa ay taas ka dhigan tahay.
Gudaha Afghanistan, wargeyska Rah-e Madaneyat ayaa is weydiinaya
su`aasha ah: "Guusha Trump ma waxay ka dhigan tahay guusha Taliban? Guusha
Biden-se ma waxay ka dhigan tahay sii socoshada jamhuuriyadnimada Afghanistan?"
Nin faallo ku qoray barta telefishinka Al-Mayadeen ee dowladda
Iiraan taageera ayaa sheegay in dalalka Gacanka ay isha ku hayaa in “bisha malabka ee
Trump” ay sii socon doonto iyo in kale.
Trump oo maxkamad ka dalbaday in dib loo tiriyo codadka qaar
Xigashada Sawirka, GETTY/EPA
Xafiiska ololaha doorashada ee Madaxweyne Donald Trump ayaa labo dacwadood ka gudbiyay natiijada gobollada Michigan iyo Pennsylvania oo labaduba uu ku guuleystay Joe Biden.
Dacwadahan ayay kooxda Trump ku sheegeen inay tahay mid ay uga ashtakoonayaan in wakiiladoodii doorashada aanan fursad loo siinin inay gudaha u galaan halka lagu tirinayo codadka.
Dacwad taas la mid ah ayay kooxda Trump ka gudbiyeen Wisconsin, halkaas oo Biden uu ku guuleystay, waxaana ay dalbanayaan in dib loo tiriyo codadka.
Qareenka gaarka ah ee Madaxweyne Trump ayaa shalay tegay gobolka Philadelphia, waxaana uu ku dhawaaqay in uu dacwad ka gudbinayo gobolka Pennsylvania, dacwadaas oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo tirinta codadka, maaddaama sida uu sheegay khaladaad badan ay jiraan.
Haseyeeshee eedeymahaas oo dhan looma hayo wax caddeyn ah.
Qareenka Trump: Sidee ayay ku dhacday dad dhintay in ay codeeyaan?
Qareenka Madaxweyne Donald Trump, Rudy Giuliani oo ka hadlayay magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin habka tirinta codadka doorashada gobollada qaar oo ay ka mid yihiin Wisconsin iyo Pennsylvania, ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka.
Qareen Giuliani ayaa sidoo kale ku andacooday in dad dhintay ay codeeyeen, ayna ogaan doonaan tirada reer aakhiraadka ah ee codeysay.
Madaxweyne Trump ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashada ee meelaha qaar, waxaana ay ku andoocdeen in musuqmaasuq uu hareeyay, inkastoo aanan caddeyn rasmi ah loo heynin.
"Way dhammaatay.. Waan ku guuleysaneynaa doorashadan, runtii waan ku guuleysannay, waa in keliya si caddaalad ah loo xisaabiyaa codadka," Giuliani ayaa sidaas u sheegay warbaahinta, isagoo ku sugan magaalada Philadelphia, ee gobolka Pennsylvania.