Saadaasha baaderiga iyo ololaha doorashada Mareykanka

Doorashada Mareykanka waxaa ka hartay 15 maalmood oo qura, halkan waxaa idiin kuugu soo gudbineynaa waxyaabaha haatan ka socda halkaas xilli dimuqraadiga iyo jamhuuriga uu ka dhex taagan yahay loolan doorasho.

Dad badan oo isugu soo baxay ololaha doorashooyinka ayaa iska dhaga tiray talooyinka caafimaadka ee ka hortagga cudurka xilli tageerayaasha Trump la arkayay iyagoo buux dhaafiyay goobaha lagu qabanayo ololaha doorashada halka shirkadda TikTok ay meesha ay ka saartay muuqaallo maadeysi ah oo caro muujinayo.

2px presentational grey line

Warka oo kooban

Fanaaniin heeso ka qaaday isu soo baxyo siyaasadeed oo uu Trump ku qabsanayay gobolka Michigan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fanaaniin heeso ka qaaday isu soo baxyo siyaasadeed oo uu Trump ku qabsanayay gobolka Michigan

1. Donald Trump wuxuu muddo labo maalmood ah uu booqasho ku tegay afar gobol, Isniintiina wuxuu soo maray labo goobood oo ku yaalla gobolka Arizona, waana gobol uu doonayo in uu guul kasoo hoyiyo doorashada.

2. Joe Biden isaga iyo gabadha uu awoowga u yahay Finnegan waxay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay gaareen gobolka North Carolina, waana gobolka uu sida weyn u doonayo in ku guuleysto codadka doorashada ee laga dhiibta halkaas.

3. Shirkadda TikTok waxay meesha ka saartay muuqaallo caro leh oo maadeysi oo ka dhan ah madaxweyne Trump kaddib markii baaritaan ay sameysay BBC-da lagu ogaaday in dadkii muuqaalladan soo dhigay bartaas ay lacago siisay shirkad qaabilsan xayeysiinta.

Saameynta TikTok ee doorashadan

Xigashada Sawirka, TikTok

Qoraalka sawirka, Saameynta TikTok ee doorashadan
2px presentational grey line

Maxay tahay muhiimadda ku jirto in dad badan ay ka qeybgalaan isu soo baxyada?

Trump weli waxaa looga horreeyay ra'yi uruurinta la sameeyay balse wuxuu isagana heystaa dad fara badan oo xamaasadeysan oo ka qeybgalaya ololahiisa doorashada, sawirkan hoose ee idiin muuqda wuxuu muujinayaa saameynta iyo sida laisugu soo baxay ololaha doorashada.

Isticmaalka dadka badan si ay muran u geliyaan ra'yi uruurinta: Muuqaal muujinaya taageerayaasha Trump oo loo qeybiyay koofiyadda cas ee astaanta u ah ololahiisa doorashada si ay uu muujiyaan kalsoonida ah in laga hortaggo natiijada ra'iyi uruuriinta ee Trump ee looga horreeyo.

Trump wiilkiisa Eric ayaa barta Twitter-ka soo dhigay sawirrada isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Georgia kaas oo uu ku sheegayo "Natiijada kasoo baxday sahanka waa khalad"

Trump oo barta Twitter-ka soo dhigay isu soo baxyo ballaaran oo uu ku qabtay gobolka Michigan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump oo barta Twitter-ka soo dhigay isu soo baxyo ballaaran oo uu ku qabtay gobolka Michigan

Waa kuwo xamaasadeysan: Trump iyo taageerayaashiisaba waa kuwo qiireysan oo si weyn usoo bandhigayo hal ku dhigyo marka ay ku sugan yihiin goobaha lagu qabanayo isu soo baxyada siyaasadeed inkasta oo ay u muuqdaan kuwa iska dhaga tirayo baaqyada ah inay kala fogaadaan marka ay ku sugan yihiin goobahaas, cabsi laga qabo cudurka dartiis.

Codbixiyeyaasha Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Codbixiyeyaasha Mareykanka
Rally at Janesville Wisconsin

Xigashada Sawirka, Reuters

2px presentational grey line

Saadaasha baaderiga

Donald Trump oo ku sugnaa kaniisad ku taalla Las Vegas

Xigashada Sawirka, MANDEL NGAN

Qoraalka sawirka, Donald Trump oo ku sugnaa kaniisad ku taalla Las Vegas

Kaniisad ku taalla gobolka Las Vegas ayaa waxaa kasoo baxay hadal uu muqdo inay dan ugu jirto Trump.

Baaderi la yiraahdo Denise Goulet ayaa Trump ku tiri "Abbaare 4.30, Ilaahey wuxuu ii sheegay 'Waxaan madaxweynaha guddoonsiin doonaa dabeyl labaad' oo ay ugala jeeddo cudurka Koroonaa oo dhawaan ku dhacay Trump, waxay sheegtay in madaxweynaha dib loo dooran doono.

Trump wuxuu taageero xooggan ka heystaa Dadyowga aaminsan Kirishtanka Evangelical, sida ay muujineyso daraasad dhawaan la sameeyay, maadama uu ka shaqeeyay arrimo badan oo dan u ah dadyowgan.