Doorashada Mareykanka 2020: Wiil da’ yar oo Soomaali ah oo loo doortay Senate-ka Minnesota

Cumar Maxamuud Axmed Faatax oo waalidiin ay Soomaaliya ka haajireen, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo loo doortay inuu ka mid noqdo Senate-ka gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka.
Cumar ayaa ku guulaystay doorashadii la qabtay isagoo u tartamayay kursiga xaafadda 62-aad, halkaas oo ay guushii ku raacday.
Cumar Faatax ayaa markii uu guulaystay kaddib waxa uu la hadlay BBC Somali, wuxuuna sheegay sheegay "inuu diiradda saari doono saddex arrimood oo uu doonayo inuu ka soo dhalaalo muddada uu xilka hayn doono".
"Waxbarashada ayaan rabaa in wax ka qabto, oo waxaan rabaa in waxbarashada sare illaa heerka jaamacadda ay noqoto mid ardaydu lacag la'aan ay ku dhigtaan," ayuu yiri.
"Dhinaca guryaha ayey dad badan dhibaato ka haysataa. Waxaan rabaa inaan kordhiyo guryaha, dadkana laga caawiyo kirada. Dhinaca caafimaadkana, waxaan rabaa in qof kasta uu helo kaar caafimaad oo bilaash ah."
Cumar waxa uu sheegay in guushan uusan kaligii soo hooyin ee ay jiraan dad badan oo kala shaqeeyay sidii heerkan uu ku soo gaari lahaa.
"Dedaal badan ayaan doorashada ku bixinay oo koox aad u wanaagsan ayaa ila shaqeynayay. La'aantood ma aysan ii suurtageli lahayn guushan. Wadajir iyo wada shaqeyn ayaa meel lagu gaaraa. Sababtaa awgeed ayaan ku guulaystay," ayuu u sheegay BBC Somali oo qadka telefoonka uu kula hadlay.

Xigashada Sawirka, OMAR FATEH FACEBOOK
Cumar waxa uu BBC-da u sheegay in waalidiintii ay aad ula soo dedaaleen oo ay ku soo "ababiyeen howlkarnimo iyo daacadnimo".
Cumar aabihii ayaa Mareykanka tegay sannadkii 1963-kii, si cilmiga ingineeriyadda dhismaha rayidka uu halkaas uga soo barto, wuxuuna xilligaa deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda Montana State.
Hooyadii ayaa iyana markii dambe dalkaas tagtay, waxayna ka qaadatay shaahadada jaamacadda ee heerka labaad.
Taariikh kooban oo ku saabsan Cumar Faatax
Cumar Faatax wuxuu ku dhashay waddanka Mareykanka, halkaas ayuuna waxbarashadiisa ku qaatay. Ka dib Cumar wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo ardayda aan caddaanka ahayn kuwaas oo uu fursado waxbarasho u raadin jiray.
Faatax markii dambe waxa uu golaha Minneapolis u noqday qofka u qaabilsan arrimaha bulshada, wuxuuna ka shaqeynayay horumarinta xiriirka ka dhaxeeya bulshooyinka ka soo jeeda Bariga Afrika ee halkaas ku wada nool.

Xigashada Sawirka, OMAR FATEH FACEBOOK
Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu ka soo shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka Minnesota.
2018-kii, Faatax waxa uu u tartamay Aqalka Wakiillada ee gobolka Minnesota, ololihiisa oo kaliya kama uusan shaqeyn ee, wuxuu sidoo kale xoogga saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ay dadka Koonfurta Minneapolis wajahayaan.

Xigashada Sawirka, OMAR FATEH FACEBOOK
Ololahaas markii uu galay ayuuna garwaaqsaday in loo baahan yahay inuu sameeyo isbahaysi ay ku mideysan yihiin dadka shaqeeya ee Minneapolis, gaar ahaan dadka ku jira guryaha kirada ah iyo dadka da'yarta ah ee qowmiyadaha kala gadisan ka soo jeeda.
Cumar Faatax waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay "hay'adaha maxalliga ah iyo hindisayaal ay dadka deegaanka ka faa'iideen".











