Ma waxaa dib usoo xoogeystay khilaafkii Muqdisho iyo Kismaayo?

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in doorashada Gobolka Gedo aysan qabsoomi doonin ilaa maamulkiisa uu gacanta ku dhigo deegaanka. Hase yeeshee arrintaas ayaa u muuqata mid kasoo horjeedda heshiiskii kasoo baxay wadahadalladii Muqdisho ku dhex maray madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka Soomaaliya.
Qodobbadii kasoo baxay kulankii Muqdisho waxaa ka mid ahaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada 27 ka mid ah kuraasta Baarlamaanka ee loo qoondeeyay Jubbaland, halka 16 ka mid ahna ay doorashadooda ka dhici doonto magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
"Annaga ayaa xaq u leh inaan doorashada qabanno, dowladda federaalka ahna waxa ay xaq u leedahay waxay ku qoran yihiin warqadaha aan soo saarnay, meesha aan ku qaban karno ayeyna ku qabsoomi doontaa, inta ka horreysana waxaan filayaa in deegaannada ay gacanta maamulka dib ugu soo noqon doonaan," ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
"Wadahadallada aannu galeynay, in intaan arrinta gobolka Gedo isku qabanno oo arrinta Soomaaliya ay meeshaa ku baaba'do, oo tii guud la sixi waayo waxay noqotay caqabad kale. Taasaa waxay keentay marka inaan midda guud ka shaqeyno. Maalintii la i doortay ilaa maanta, hal sano ayaa kasoo wareegtay. Wali dowlad ma aanan dhisin, waxaan raadinayay inaan xal siyaasadeed gaarno, in dadka gobolkan la isku wado, inaan dowladda dhexe heshiis siyaasadeed la gaarno, in waxay tabanayaan aan ka wadahadalno, laakiin way socon weyday. Waxaan idiin sheegayaa wixii maanta ka dambeeya maamulkana waa la dhisayaa, horayna waan u soconeynaa, wax dambe oo aan u istaageynana ma jiro," ayuu yiri.
Hadalladan ayuu madaxweynaha Jubbaland ka sheegay munaasabaddii furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland, oo Talaadadii ka dhacday magaalada Kismaayo.

Xigashada Sawirka, Jubaland State House
Dhanka kale, maamulka hadda gacanta ku haya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jubaland ee ah inaanay doorasho ka dhici Karin Gedo sababo la xiriira in maamulkii uu u magacaabay aanay tagi karin isla markaana aan wali laga saarin gobolka ciidankii dawladda federaalku geysay.
Wasiirka Kuxigeenka Arimaha Gudaha Jubaland Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen oo kamid ah saraakiisha ka biyo diidsan hab maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in doorashadu ka dhici doonto Garbahaarey oo aanay jirin cid dood galin karta arintaasi oo uu tilmaamay inay ku heshiiyeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
"Hannaanka doorasho oo lagu heshiiyay, oo ay ku heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed Axmed wuxuu ka ahaa xubin, asagoo runtii matalaadda uu meeshaas ku fadhiyo aysan ku qanacsaneyn inta badan dadka reer Jubbaland haddana wax baa lagu heshiiyay si kastaba ha u adkaadaane waa lasoo dhaweeyay, hadduu ka baxo wixii lagu heshiiyay waa arrin isaga gaar u ah. Gedo Axmed kama hadli karo, isagu gacanta kuma hayo, doorashaduna way ka dhaceysaa Gedo." Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka in muddo ahba u dhaxeeyay maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas'uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas'uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal federaalka ka amar qaata.
Degmada Baladxaawo oo ay horay ugu dagaallameen ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland ayaa weli ka mid ah meelaha ay Jubbaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.
Degmooyinka Gobolka Gedo - marka laga reebo degmada Ceelwaaq - dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.










