Atariishooyin caan ah oo loo heysto arrin ku saabsan dhimashada atoore

Xigashada Sawirka, Deepika/Sara/Shradhha/Rakul
Waaxda Xakameynta Maandooriyaha ee dalka Hidniya ayaa maanta oo Arbaco ah soo saartay warqad ay ugu yeereyso afarta atariisho ee kala ah Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Shradhha Kapoor iyo Rakul Preet Singh, kuwaasoo dhammaantood loo heysto kiis daroogo ah oo la xidhiidha geerida jilaagii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput.
Saraakiisha ka howl gala waaxdan ayaa galinkii hore ee maanta su'aalo ku saabsan isla kiiskaas weydiiyay ninka filim soo saaraha ah ee la yidhaahdo Madhu Mantena.
Mantena wuxuu qeyb ka ahaa soo saarista filimkii Bollywood-ka ee 'Udta Punjab', oo soo baxay sanadkii 2016-kii, kaasoo ku saabsanaa arrimaha isticmaalka daroogada.
Magaciisa ayaa kiiskan lagu soo daray kaddib markii sida la sheegay ay booliska la dagaallanka maandooriyeyaasha su'aalo weydiiyeen maamulihii dhinaca xirfadda ee Sushant Singh Rajput, oo lagu magacaabo Jaya Saha.
Haweeneydan waxaa arrimahaas xarunta waaxda xakameynta maandooriyaha looga wareysanayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Maalintii Talaadada ahayd ayaa loo yeedhay Karishma Prakash oo ah maamulaha Padukone iyo shakhsiyaad kale oo horay ula soo shaqeeyay atariishada.

Xigashada Sawirka, Deepika Padukone/FB
Farriimo la iskula wadaagay WhatsApp-ka oo la qoray sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday eedeymo ku saabsan Padukone, waxaana la sheegay in maamulaheeda ay soo iibisay maandooriyeyaal ay mamnuuc tahay in la isticmaalo.
Padukone ayaa laga sugayaa inay xarunta baadhitaanka iska xaadiriso 25-ka bishan September. Shraddha Kapoor iyo Sara Ali Khan ayaa iyagana saraakiisha waaxda xakameynta maandooriyaha kasoo hor muuqan doona maalinta xigta ee ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan, sida ay shaacisay warbaahinta ANI.
Waaxdan waxay baadhitaan iyo dabagal ku heysaa kiis daroogo ah oo lala xidhiidhiyay geerida Rajput.
Horaantii bishan, waxaa xabsiga loo taxaabay lix ruux oo ka soo kala jeeda Mumbai iyo Goa, kuwaasoo dhammaantood loo heysto kiiskan.
Markii ugu horreysay waxaa la qabtay nin 23 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Karam Jeet Singh Anand ama KJ, waxaana gurgiisa laga helay xashiish iyo maandooriyeyaal kale.

Xigashada Sawirka, Shraddha Kapoor
Sida ay mas'uuliyiinta sheegeen, Karam Jeet wuxuu qeyb ka ahaa dadka daroogadaas ku lugta lahaa ee uu saameeyay baadhitaanka socda.
Ilaa hadda waaxda la dagaallanka maandooriyeyaasha waxay xirtay 16 eedeysane oo ay ka mid yihiin atariishada caanka ah ee Bollywood-ka, Rhea Chakraborty, walaalkeed Showik Chakraborty, maamulihii guriga Sushant Singh Rajput Samuel Miranda, shaqaalihii guriga Dipesh Sawant, iyo ganacsato iibisa daroogada oo lagu sheegay magacyadooda Zaid Vilatra, Abdel Basit Parihar; Kaizan Ebrahim, Karna Arora, Abbas Lakhani iyo Anuj Keshwani.
Doodaha la xidhiidha dhinaca daroogada ayaa muddooyinkii dmabe kusoo batay jilayaasha shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, waxaana eedeymo ku saabsan isticmaalka maandooriyeyaasha loo jeediyay dad magac weyn ku leh jilista filimada.
Afarta atariisho waxaa la weydiin doonaa su'aalo ku qotoma wararka ku saabsan in ay daroogo isticmaaleen.
Haddaba su'aasha la isweydiinayo waxay tahay: Ma laga yaabaa in eedeymaha isticmaalka daroogada ay burburiyaan mustaqbalka xirfadaha ee atariishooyinkan?










