Arrimaha fasiraadda u baahan ee ku xeeran heshiiska Dhuusamareeb

Madaxdii heshiiska Dhuusamareeb saxixday

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxdii heshiiska Dhuusamareeb saxixday

Waxaa las oo gabagabeeyay shirkii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka uga socday magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo maalmihii l asoo dhaafay ay ku shirsanaayeen.

Shirkan oo qoddobada looga hadlay ay kasoo shaqeeyeen guddi farsamo oo ka kala socday maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ayaa waxaa durbaba soo baxaya su'aalo ku saabsan heshiiska.

Waxaan shirkaasi ka qeybgalin Jubaland iyo Puntland oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay jebisay qodobadii lagu heshiiyay shirkii kan ka horreeyay ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen doorasho dadban.

Haddaba heshiiskani waxaa ka mid ah qodobo dhowr ah oo fasiraad u baahan qaabka loo dhaqan galin karo.

Baarlamaanka waxa lagu heshiiyay ma badali karaan?

Xubnaha aqalka baarlamaanka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Xubnaha aqalka baarlamaanka

Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo shirka Duusamareeb ka hor la hadlay golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in qodobada shirka ka soo baxa uu baarlamaanka dib ugu soo celin doono.

" Waxaan mar kale idiin caddaynaayaa bacdamaa aad tihiin codka shacabka oo aad matashaan ummadda Soomaaliyeed ayna tahay inaan baranno golahanni wuxuu wakiil u yahay dawlad goboleedyada wuxuu wakiil u ahay shacabka Soomaaliyeed go'aankaa gaartaanna waaa in dalka oo dhan laga aqbalo, waa sida caalamku ku shaqeeyo waxaan idiin cadaynayaa in aan halkan ku soo celin doono heshiis walba oo aan la gaarno madaxda dawlad goboleedyada si aad kaalintiina dastuuriga ah uga qaadataan haduu Ilaahay yiraahdo."ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.

Heshiiskan ay imika wada gaareen dhinacyadii ku shirayay Dhuusamareeb ayaa la horgeyn doonaa aqalka baarlamaanka, balse su'aashu waxay tahay isbadal ma ku samayn karaan?

_______________________________________________________________________________________________

SHARRAXAAD KOOBAN: NOOCA DOORASHO EE LA SOO JEEDIYAY

  • Doorasho deegaan walba waxaa ka codeyn doonto 301 qof
  • Maamul goboleed kasta wuxuu yeelan doonaa ugu yaraan afar deegaan doorasho
  • Hal maalin ayaa goobahaasi oo dhan laga codeyn doonaa
  • Xubnaha baarlamaanka maamul goboleedayda ayaa u codeyn doono xubnaha aqalka sare
  • 30% kuraasta dumar ayaa loo qoondeeyay

_____________________________________________________________________________________________

Abukaate Zakariye Yuusuf oo ah sharci yaqaan ayaa waxaa uu sheegay inay qasab tahay in baalamaanka loo gudbiyo qodobadan lagu heshiiyay si ay uga doodaan.

"Baarlamaanka waa in la horgeeyaa oo baarlamaanka uu qaraar ka soo saaraa oo ay ku sharciyeeyaan," ayuu yiri.

Abukaate Zakariye ayaa siodo kale sheegay in baarlamaanka ay xaq u leeyihiin in ay isbada ku sameeyaan qodobada lagu heshiiyay.

"Haa marba haddii ay qaraar ka soo saarayaan wax way ka badali karaan (Baarlamanka) waxna way diidi karaan,isaga oo dhan ayay diidi karaan ama wax bay ka badali karaan ama way aqbali karaan," ayuu yiri Abukate.

Waxaan kala cadeyn sida ay dhinacayda kale ee maamuul goboleedyada saxiixay heshiiskan u qaadan doonaan hadii tusaale ahaan baarlamaanka ay isbadel ku sameeyaan heshiiska.

Abukaate Zakariye

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Abukaate Zakariye

Qodobada heshiiska ee sharciyadii hore ka hor imanaya

Qaar ka mid ah qodobada ku jira heshiiska ayaa ka hor imanaya sharciyo horey loo ansixiyay oo ku aadan doorashooyinka oo ay baarlamaanku meelmariyeen madaxweynuhuna saxiixay.

Qodobada ku jira heshiiska waxaa ka mid ah in la qabto doorasho dadban.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxay horey u ansixyeen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Abukaate Zakariye ayaa qaba in qodobka ku saabsan qabashada doorasho dadban u yahay mid ka hor imanaya dastuurka dalka iyo shuruuc ay horey baarlamanka ay u soo sareen.

Waxa uu intaa ku daray in dastuurka iyo shuruucda doorashada labadaba ay ku qoran tahay in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

"Khudbaddii ugu dambeysay ee madaxwaynaha, ballamihii baarlamaanka, dastuurka, sharciga doorashada wuxuu wada tilmaamayaa in la aado doorasho ay shacabka ka wada qeyb qaadanayaan," ayuu yiri abukate Zakariye

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay Abukaate Zakariye in caqabadahaasi sharciga laga gudbi karo oo ay baarlamanka isbadal ay ku sameyn karaan.

"Xaga sharciga dhib wayn kama iman karo oo baarlamaanka isagaa sharciyeeye ah, isaga ayaa la hor dhigayaa, haddii ay siyaasiyan u aqbalaana isbada ayaa lagu samynayaa," ayuu yiri abukaate Zakariye.

Kaalinta xisbiyada siyaasadda

Qodobada heshiiska ku jira waxaa ka mid ah in dorashada lagu galo qaab xisbiyo siyaasadeed. Balse waxa sidoo kale xusid mudan in heshiiska la gaaray aysan qeyb ka ahayn axsaabta ilaa iyo imika dhisan.

Abukaate Zakariye Yuusuf ayaa rumaysan in caqabada ugu wayn ay halkaasi ka iman doonto.

"Heshiiskan qabyada ah waxay ahayd in ay ka qeyb galaan dhammaan saamileyda ay quseyn doonto," ayuu yiri Abukate Zakariye.

Waxaa uu intaa ku daray in xisbiyada siyaasadda aan lagala tashan heshiiskan, balse hesiiska uu qeyb ka yahay qodob quseeya.

"Heshiiskan waxaa ku jira qodob dhahaya axsaabta inay qeyb ku yeelan doonaan, xisbiyadiina lagalama tashan mana ka qeyb qaadan," ayu yiri Abukaate Zakariye.

Siduu u dhaqangeli karaa iyadoo Jubaland iyo Puntland ay maqan yihiin

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka Dhuusmareeb, iyagoo dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku tumatay qodobadii horay loogu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb. Haddaba sidee ayay deegannadooda uga dhici kartaa doorashadan

"labaduba inay yimaadaan ayaaa wanaagsanayd. Gogol Soomaaliyeed ayaa taalay. Laakiin hadda iyaga looma joojinaya oo go'aankan ayay ku qalin yihiin", ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Cabdisamed oo ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika.

" Sida ku cad heshiiska qab qabiil ayaa wax loo qeybsan doonaa. Haddii madaxda Jubaland iyo Puntland ay diideen in deegannadooda doorasho ay ka dhacda, waxay u badan tahay in kuraastaasi qabiillada deegaankaasi la geeya meela kale sida Muqdisho", ayuu ku daray Dr Cabdiwahaab.

Ma cadda waxa ay arrintani ka yeeli doonaan madaxda Jubbaland iyo Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in "gacan walaaltinnimo uu wali u fidinaynaa walaalaha naga maqnaa intii aan howshan ku jirnay"

bbc

Seddax bilood malagu soo afjari karaa dhammaan arrimaha ku xusan heshiiska?

Heshiiska ayaa ku baaqay in doorashada ay ku dhacda wakhtigeeda, waxayna dad abdan su'aal iska weydiinayaan suuragalnimada in muddada seddaxda bilood ee ka dhiman muddo xileedka baarlamaanka lagu qabanqaabin kara nooca doorasho ee uu ku qoran heshiiska Dhuusamareeb.

Balse Dr Cabdiwahaab ayaa qaba inay u badan tahay inay suuragal ahayn loona baahan doono farsamo ahaan in muddo kordhin cayiman loo sameeyo xukumadda iyo baarlamaanka.

" Guddiga doorashada ayay u taallaa inay sheegeen wakhtiga ay dhici doonto doorashada. Waxaana laga yabaa in baarlamaanka ay u codeeyaan muddo kordhin si loo helo wakhti ku filan oo lagu diyaariyo doorashada", ayuu Dr Cabdiwahaab.