Mareykanka: Ma jiri doonto muddo kororsi

Yamamoto

Xigashada Sawirka, Twitter

Mareykanka ayaa sheegay in si weyn uu uga dhuur sugayo shirka Dhuusamareeb 3 si go'aano wax ku ool ah looga soo saaro shirkaas, sida lagu sheegay qoraal safaaradda ee Soomaaliya ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Mareykanka wuxuu sheegay in arrimaha doorashada ay ka wada tashadaan Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka si loo qabto doorasho waqtigeedu ku dhacday isla markaana aysan jiri doonin muddo kororsi.

Guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyinka ka hor Shirka Dhuusmareeb 3 ayaa la kulmay madaxweynahayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Balse kulamadan qayb kama ahayn xubnihii meteli lahaa Maamul goboleeddada Puntland iyo Jubbaland.

Sii-hayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayey kulamada ay guddidaasi yeesheen ayaa sheegay in wajiga saddexada ee wadahadalada ay qabsoomi doonaan waqtigii loogu talagalay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Wasiirka oo BBC u waramay ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii uu shirkaasi waqtigiisii ugu qabsoomi lahaa.

"Ku talagalku waa sidaa, sidaa ayaan anagu farsama ahaan ku talajirnaa bisha 15 inuu shirka ka furmo magaalada Dhuusamareeb, ," ayuu yiri Mr Jaamac.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac

Siihayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa intaa ku daray in ay wadaan qorsha ku aadan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada kala aragtida duwan,

"Waxaan wadnaa sidii aragtiyaha kala duwan la isugu keeni lahaa, sidii la isugu keeni lahaa doodaha siyaasadeed ee wadar-ogolka ah iyo kuwa dastuuriga ah ee jira sidii la isugu keeni lahaa, loona heli lahaa hanaan doorasho oo la wada ogol yahay, ," ayuu intaa ku daray Mr Jaamac.

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, GALMUDUG

Qoraalka sawirka, Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Wasiirka ayaa sidoo kale qiray in shirka guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyiinka ee Muqdisho ka dhacay ayasan ka qeyb galin xubnihii matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.

" Waa run way naga maqan yihiin labadii xubnood ee Jubbaland iyo Puntland, balse waxaan ku raja weenahay inay Dhuusamareeb noogu iman doonaan, marka waa dadaal aan sii bilaawnay ,", ayuu yiri wasiirka.

Shirkaas ayaa daba socda shirkii hore uga dhacay Dhuusamareeb oo ay ku kulmeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleeddada.

Wajiga saddexaad ee kulanka ayaa waxaa lagu ballamay in uu qabsoomo 15 bishan oo ay imika inaga xigto laba cisho.

Dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyay qasoomidda wajiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

Waxyaabaha isbadalay ka dib shirkii Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah in uu meesha ka baxay rai'sul wasaare Xasan Cali Kheyr oo shirkaasi qeyb ka ahaa.

Shirkan ayaa si weyn indhaha loogu hayaa iyada oo loo arko, kulan jaangooyn doona halka ay u jihaysan doonto xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya.