Waa sidee xaaladda Sanjay Dutt oo isbuucan laga helay cudurka kansarka?

Xigashada Sawirka, Sanjay Dutt/Facebook
Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hollywoodka iyo dalka Hindiya, Sanjay Dutt, ayaa isbuucan laga helay kansarka ku dhaca sambabbada, kaasoo gaaray heerka afaraad.
Sanjay ayaa Sabtidii loola cararay isbitaalka Lilavati kaddib markii uu ka cawday inay neefsashada dhibeyso, waxaana laga soo saaray labo maalmood kaddib.
Ilo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya - oo ay ka mid yihiin wargeysyada India Times iyo Hindustan Times - ayaa sheegay in heerka neefsashada gudaha ee Sanjay Dutt uu u dhaxeeyay 90-92%, markii isbitaalka la dhigayay.
Waxaa laga baadhay cudurka Covid-19, laakiin natiijadii soo baxday waxay sheegtay inuusan qabin fayraska. Markii dambena waxaa lasoo tabiyay in jilaaga uu culeys gudaha ah ka dareemay xabadka.
Maadaama laga waayay coronavirus, dhakhaatiirta ayaa ka baaray cudurka kansarka, kaasoo ugu dambeyntiina laga helay, sida ay warbaahinta shaaciyeen.
Hase yeeshee, dhaktarka daweynaya atooraha, oo lagu magacaabo Dr Jalil Parker, ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo warkaas, isagoo cuskanaya arrimaha la xiriira qarinta sirta bukaanka.
Ciyaartoyga Cricket-ka, Yuvraj Singh, oo horay ugu guuleystay dagaalka uu la galay kansarka sambabbada dhowr sano ka hor, ayaa farriin rajo ah u diray Sanjay Dutt.
"Waxaad tahay, siina ahaan doontaa dagaalyahan @duttsanjay. Waan garanayaa xanuunka uu cudurkan leeyahay laakiin waxaan sidoo kale garanayaa inaad tahay qof awood badan oo wajihi kara xaaladaha adag. Waxaan kuugu duceynayaa, kuuna rajeynayaa inaad deg deg u caafimaaddid," ayuu Yuvraj kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Maalintii Talaadada, Sanjay wuxuu ku dhawaaqay inuu 'nasiino gaaban' gaaban ka qaadanayo shaqooyinkiisa, si 'loo daweeyo', wuxuuna taageerayaashiisa ka codsaday inaysan wararkiisa ka dhigin ku tidhi ku teen la isla dhexmaro meel kasta.
Bogga uu Twitter-ka ku leeyahay ayuu soo dhigay warqad uu ku shaaciyay tallaabada uu qaaday markii cudurka laga helay kaddib.
"Haye Saaxiibayaal, waxaan nasiibo gaaban ka qaadanayaa shaqada si aan dawooyin u qaato. Qoyskeyga iyo saaxiibbadey ayaa i garab taagan, waxaana dadka samaha ila jecel ku boorrinayaa inaysan walwalin ama aysan isla dhex marin warar aan loo baahneyn. Jaceylkiinna iyo wanaagga aad ii rajeyneysaan awgood, durba waan soo laaban doonaa!"

Xigashada Sawirka, Sanjay Dutt/Facebook
Sanjay wuxuu marka xiga kasoo muuqan doonaa Sadak 2, kaasoo sida la qorsheeyay toos looga sii deyn doono dhinaca Internet-ka, gaar ahaan bogga Disney+ Hotstar, marka ay taariikhdu tahay 28-ka bishan August.
Xilligaas kaddibna, wuxuu jili doonaa filimka Bhuj: The Pride of India, kaasoo isagana sidoo kale laga sii deyn doono bogga online-ka ah ee Disney+ Hotstar.










