Trump oo qabsaday ololihiisa doorashada ee ugu dadka yaraa

Qoraalka Muuqaalka, Madaxweyne Trump oo taageerayaashiisa la hadlayo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qabsaday ololahiisa doorashada ee uu horreeyey tani iyo marka uu dalka mareykanka ka dhaqan galay xayiraadaha ka dhashay coronavirus, dadka ololaha ka qayb galay oo aad uga yaraa inti la filayey iney ka soo qayb galaan.

Mr Trump ololahiisa doorashada uu ku qabanayey Tulsa, ee gobolka Okolohama waxaa horraanti toddobaadkan tikidhada goostay dad ka badan malyan si ay uga soo qayb galaaan isu soo baxaasi olalaha doorashada.

Balse goobta oloaha doorashada Trump inuu ku qabsado loo diyaariyey oo qaaddo 19,000 oo qof ayaa u muuqatay mid inteeda badan madhan.

Iyada oo tirada dadka aadka u yar ee ka soo qayb galay loo sababeeyey xaaladda cudurka safmarka, iyada oo dadka qaarna ay walaac ka muujiyeen xilli uu cudurku taagan yahay in dad badan hal goob la isugu keeno.

Dadka ka soo qayb galay ololaha Trump ayaa la filayey iney saxeexaan nidaam ay kaga hortagayaan faafitaanka cudurka. Saacada ka hor inta uu iisu imaatinka ololaha doorashada qabsoomin lix ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya ololaha Trump oo la baaray in Covid-19 laga helay.

Madaxweyne Trump oo ku dhawaad laba saacadood taageerayaashiisa la hadlayey ayaa dadka iisu soo baxa ka qayb galay ku tilmaamay "dagaalyahanno", iyaga oo aan dhag jalaq u siinin waxa ay sheegayaan warbaahinta iyo mudaharaadyada socda toona.

Goobta ololaha uu ka dhacayeyna waxaa ka dhacay xoogaha rabshada ah balse ma ahayn mid sidaa u weyn sida ay wararku ku soo warramayaan.

Ololaha dorashada Trump ee ka dhacay Tulsa, Oklahoma

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Trump waxay goobta soo gaareen saacad iyo bar ka hor inta uu madaxweynaha goobta soo gaarin

Ololaha doorashada Trump uu ku doonayo in markale xilka loo doorto ayaa noqoday iisu imaatinka ugu weynaa ee dahaca tani iyo marki la soo rogay xayiraadihi ka dhashay faayraska corona.

Mr Trump ayaa khudabadda uu taageerayaashiisa u jeediyey ku weeraray musharraxa la loollamaya Joe Biden, isaga oo ku eedeeyey inuu ku lug lahaa rabshadaha waddooyinka ka dhacay ee lagu dalbanayey caddaaladda cunsuriyadda.

Sida ay tibaaxeyso xogta ka soo baxday jaamacadda Johns Hopkins dalka Mareykanka waxaa laga helay in ka badan 2.2 malyan oo kiis oo faayraska Corona halka ay 119,000 ay cudurka u dhinteen.

Trump Muxuu yiri?

Mr Trump Khudabaddiisa wuxuu ku billaabay "Dad xun iney dibadda wax xun ka sameynayaan" balse ma carrabaabin dadkaasi waxa ay yihiin.

Mar uu ka hadlayey jawaab ka bixinta coronavirus wuxuu sheegay inuu dhiirragelinayo madaxda dalka iney yareeyaan tirada dadka cudurka laga baarayo maadaamaa ay keeni karto tira badan in cudurka laga diiwaangeliyo.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

"Markasta oo aad baaritaan aad u badan sameeysaan dad badan ayaad cudurka ka heleysaan, iyo kiisas cususb ee cudurka," ayuu yiri maruu Trump la hadlayey taageerayashiisa.

Waxyar kaddibna qaar ka mid ah mas'uuliyiinta aqalka cad waxay sheegeen "dhab ahaan inuu iska kaftamayo".

Mr Trump oo ka hadlayey musharraxa ay ishayaan ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden wuxuu ku tilmaamay "Boombalo garab ka waayey xagjirka siyaasaddoodu tahay bidixda".

Presentational grey line
Analysis box by Anthony Zurcher, North America reporter

Falanqeyn

Anthony Zurcher

Wariyaha ka soo warrama waqooyiga Mareykanka

Ololaha doorashada madaxweyne Trump ee ka dhacday Tulsa waxay u muuqatay sawir la mid ah ololahiisa horay looga bartay ,

Waxa keli ee ololahan ka dhinnaa ayaa waxay tahay tirada dadka ka soo qayb galay oo aad u yaraa kuraasta goobta ololaha lagu qabtay badankoodna ay ahaayeen kuwa maran xilliga madaxweynaha taageerayaashiisa la hadlayey.

Dadki ololaha ka soo qayb galay waxaa la baarayey heer kulka jirkooda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadki ololaha ka soo qayb galay waxaa la baarayey heer kulka jirkooda

Eedda ugu horreysa waxaa iska leh Coronavirus oo sababay dad badan iney ka joogaan ka soo qayb galay ololahaasi. Eedda labaadna waxaa iska leh mudaharaadyada socda oo sababay iney dad badan oo ololaha ka soo qayb geli lahaa ay waddooyinka ka xiraan.

Midda kale ee keentay iney tirada dadka ka soo qayb galay ololaha doorashada Trump waxaa weeye dad aad u badan oo tikidhada ololaha ay kaga soo qayb geli lahaayeen ay soo dalbadeen balse badankood ay ahaayeen codsiyo been ah.

Booliska Tulsa oo mudaharaadayaal qabqabanayo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Booliska Tulsa oo mudaharaadayaal qabqabanayo

Maayar GT Bynum wuxuu Khamiisti ku dhawaaqay bandow laga hirgelinayo goobta ololaha doorashada lagu qabanayo si looga hortago xasilooni darro halkaasi ka dhalata. Balse Mr Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in bandowga la qaaday si ay mudaharaadayaasha u helaan fursad ay ololaha doorashada kaga soo qayb galaan.

Madaxweyne Trump ayaa qorsheynayey inuu ololahiisa doorashada uu qabto maalinta Jimcaha balse maalin ayaa dib loo dhigay maadaamaa ay isku soo beegmeen xuska xilliga addoonsiga dalkaasi Mareykanka oo soo gabagaboobay ee loo yaqaanno Juneyeenth.

Tulsa sanadki 1921-kii waxaa ka dhacay xasuuq ay dad caddaan u geysteen dad madow ah oo lagu dilay dad lagu qayaasay 300 oo qof oo madow ah.

Iisu soo baxa xuska Jenteenth oo Jimcihi ka dhacay Tusla, Al Sharpton oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xuquuda dadka rayadka ah oo halkaasi ka hadalay wuxuu sheegay dadka xuquuqda u ololeeya "iney Mareykanka markale ka dhigayaan dal fac weyn."