Toddobaadkan waa mid ka mid ah toddobaadyadii ugu adkaa ee Trump soo mara

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa uu toddobaadkan ahaa mid ku adag madaxwayne Donald Trump oo ay dhibaatooyiin uga soo furmen dhowr jiho islamarkana dadka ay siyaasada isku hayaan ay u muuqdeen kuwa guula gaaraya.
Iyada oo dibadbaxyada ballaaran iyo isku dhacyada rabshadaha wata ee ka socday Mareykanka ay ahaayeen kuwa sawir bixinaya ayaa hadana waxaa soo baxaya arrimo madax-xanun ku keenay Trump.
Waxaa soo baxay arrimo lama filaan ah iyo kuwa iyagu iska abuurmay toddobaadkan.
Kiisaska Covid-19 oo sare u sii kacaya
Wareysi uu bixiyay Arbacadii, ayuu Donald Trump ku sheegay in feyriska Corona"uu imika hoos u sii dhacayo",.
Waxay arrintan dad badan dib u xusuusisay hadal uu horraantii sanadkan sheegay Trump ka hor inta aysan dhiman dadka gaaraya 100,000 -in cudurka Corona la waayni doono "sida mucjiso oo kale".
Balse caddeymaha la hayo ayaa muujinaya in feyriska uusan ahayn mid halis caafimaad oo kali ah ku haya Mareykanka, balse waa mid soo laba kacleynaya oo uu sare u sii kacaya.
Toddobaadkan 10 gobol oo Mareykanka ka tirsan waxaa laga diiwaangaliyay tiro aad u badan oo ah cudurka Covid-19.
Gobolo badan sida, Texas, Florida iyo Arizona,waxay ka mid ahaayeen goboladii khafiifiyay xayiraadaha taasi oo ay horey uga digeen khubarada caafimaadka in ay tahay mid waqtigeedi laga soo hormariyay.
Gobolada waa kuwa si wayn loogu hardami doono doorashada soo socota taasi oo xaaladda ku xumayn karta madaxwayne Trump.
Qoraal lagu daabacay wargayska Wall Street Journal Talaadadii, madaxwayna ku xigeenka Mike Pence -oo isagu sidoo kale ah gudoomiyaha golaha la dagaalanka feyriska Corona ayaa beeniyay walaac arrintan isaga oo oo shegay "in ay tahay cabsi ay warbaahinta buunbuuniyeen ".
Balse qaar ka mid ah gobolada iyo saraakiil ayaa waxay ku baaqeen in dib loo soo rogo tallaabooyiinkii xayiraadaha ka hor inta waaxda caafimaadka aysan ka qaalib noqon tirada dadka uu cudurka soo ridanayo.
Hubanti la'aantan ayaa waxay sidoo kale bilawday khasaaro la soo gudboonaada dhaqaalaha Mareykanka islamarkana waxaa toddobaadkan hoos u dhacay suuqyada saamiyada.
Waa war xun oo uusan Trump doonayn in uu maqlo iyada oo uu ku baaqayo in dhaqaalaha dib loo furo, waxa uuna isu diyaarinayaa in ololaha doorashada uu dib u bilaabo .

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dib u dhac kala soo gudboonaaday maxkamada ugu sareysa
Mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu waynaa ee uu so jeediyay madaxwayne Trump xilligii ololaha doorashadii 2016 ayaa ahaa in maxkamada ugu sareysa Mareykanka uu u magacaabi doono was that he would appoint conservatives to the federal courts.
Sidaasi daraadeed waa arrin niyad jab ku ah madaxwaynaha in isbadalkii uu ku sameeyay garsoorka uu maanta arko iyada oo maxakamada ugu sareysa dalka ay gudoomisay toddobaadkan labo kiis oo isaga liddi ku ah.
Marka kowaad, maxkamada ayaa sheegtay inay tahay mid aan loo baahnayn dooda maamulka Trump ee ku aadanaa in sharcigii xuquuqda rayidka ee la ansixiyay 1964 uu ahaa mid aan difaacayn midib-takoorka lagu hayo shaqaalaha dadka isku jinsiga ah ee isguursada.
Go'aanka labaad ee maxkamada sare ee Mareykanka ay toddobaadkan gaartay ayaa ahaa markii ay sharci daro ku tilmaamtay isku dayga aqalka Cad ee ahaa in laga laabto barnaamijkii Obama ee ahaa in xuquuq la siiyo muhaajiriinta sharci darada ku so galay Mareykanka iyaga o ay da'dooda yar tahay.
Go'aanka maxkamada wax ka carooday madaxwayne Donold Trump .
Dhowr qoraal oo uu soo dhigay barta tweet-ka Khamiistii , ayaa waxaa uu ku tilmaamay go'aanka maxkamadda "qori wajiga uga qarxay jamhuuriyiinta.
Waxa uu xitaa u arkay go'aanka mid shaqsiyadeed Waxa uu xitaa u arkay go'aanka mid shaqsiyadeed isaga oo sheegay in "maxkamada sare aysan isaga jecleyn "

Xigashada Sawirka, Reuters
Buugga laga qoray Trump
Toddobaadkan waxaa la shaaciyay oo la soo saaray buug si aad ah loo wada sugayay oo la taliyihii hore ee ammaanka qaranka Mareykanka John Bolton uu ka qoray madaxwayne Trump.
Madaxwaynaha waxa uu u muuqdaa in uusan daneynayn macluumaadka hogaanka islamarkana uusan waxba ka qoon arrimaha gundhiga u ah siyaasadda dibadda, waxa sidaasi buugiisa ku qoray, Bolton, isaga oo xusay dhacdoyiin uu la kulmay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa kale oo uu sheegay Bolton in madaxwayne Trump uu ku cadaadiyay madaxwaynaha Xi Jinping in Shiinaha ay iibsadaan dalagyada ka soo go'a beeraha Mareykanka si taasi ay sare ugu qaado fursaddiisa dib u soo doorashada.
Bolton ayaa sidoo kale buugiisa ku xaqiijiyay eedeeyntii Dimuqraadiyiinta ee ahayd in madaxwaynaha uu doonayay in uu hakiyo kaalmada militari ee Ukraine isaga oo dalbanayay in la shaaciyo macluumaad dhaawacaya musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.
Arrimahani dhammaan ma aha kuwa cusub dabcan, oo waxaa jiray warbixinno ay warbaahinta qorayeen oo soo jeedinayay eedeeymo kuwan la mid ah.
Hasa yeeshee, Bolton waa sargaalkii ugu sareeyay oo arrintan shaaciya xilli waliba ay doorashada ay ka harsan tahay wax ka yar 5 bilood.
Ra'yi uruurinada muujinaya Hoos u dhaca taageerada Trump
Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa kooxda Trump u qabilsan ololaha doorashada waxay warqad u qoreen telefishinka CNN, iyaga oo ka dalbaday inay raaligalin ka bixiyaan islamarkana ay ka noqdaa ra'yi uruurin la sameeyay oo muujinaysay in madaxwaynaha uu 14 dhibcood ka hooseeyo musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden taasi oo ah, 55% halka uu Trump helay 41%.
Kooxda ololaha Trump ayaa ra'yi uruurinta ku tilmaamay mid dhinac u xaglinaysa islamarkana aan si wanaagsan loo qaban.
Tan iyo xilligaasi waxaa soo baxayay ra'yi uruurino kale oo muujinayay in uu Biden hogaaminayo.
Haddii madaxwayne Trump uu doonayo in uu dhammaan dhinacyadan la dagaalamo , waxaa mashquul noqonaya qareenadiisa.
Arrintan waa mid walaac ku haysa madaxwayne Trump iyo tartanka uu ugu jiro in mar kale xilka madaxwaynanimada loo doorto.
Sida laga soo xigtay xarunta RealClearPolitics, tirada uu ka sareeyo Biden oo ahayd dabayaaqadii bishii May 5.3% ayaa toddobaadkan gaartay 8.5%.
Sidoo kale ra'yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa in 67% dadka Mareykanka ay rumaysan yihiin in dalka uu u socdo"jiho qaldan.
Ma jiraan tirooyiin iyo ifa-faalo dhiirigalinaya oo u wanaagsan madaxwayne doonaya in mar kale xilka loo doorto xilli ay doorashada ka harsan tahay wax ka yar 5 bilood.
Dhibaatada Feyriska Corona, dibadbaxyadii ka dhashay geeridii George Floyd iyo qabakii uu arrimaha uga jawaabay maamulka Trump ayaa u muuqda in ay yihiin kuwa dhaawacaya mustaqbalka siyaasadda ee Trump.










