Awoodda jacaylka: Kal-kaaliso iyo dhakhtar arooskoodu ka dhacay isbitaalkii ay ka shaqeynayeen

Jann Tipping iyo Annalan Navaratnam, waa lammaanaha is guursaday

Xigashada Sawirka, Rebecca Carpenter Photography

Qoraalka sawirka, Jann Tipping iyo Annalan Navaratnam, waa lammaanaha is guursaday

Kal-kaaliso iyo dhakhtar oo xafladooda arooska u joojin lahaa sababo la xiriira fayraska corona ayaa isku dhex guursaday isbitaalkii ay ka hawlgelayeen.

Jann Tipping, oo 34 sano jir ah iyo Annalan Navaratnam, 30 jir ah ayaa isku guursaday isbitaalka St Thomas' Hospital ee magaalada London.

Marti sharafta arooska ayay u suuragashay iney maalintaan qaaska ah ku dabbaal-degaan meel gaar ah, iyagoo xafladda kala socday tebinta tooska ah ee Facebook kaddib markii qof ka mid ah marqaatiyaasha nikaaxa uu Facebook si toos ah uga tabiyay.

Lammaanaha ayaa sheegay iney go'aansadeen iney aqal-galaan inta uu weli qofwalba caafimaad qabo.

Ms Tipping iyo Mr Navaratnam ayaa joojiyay qorsha-hoodii arooska ee ku aadanaa bisha Ogosto ee sannadkan, sababtoo waxay ka cabsadeen in qoysaskooda kala jooga waqooyiga Ireland iyo Sri Lanka ay u suuragali weyso iney ka soo qeyb galaan arooska.

Sidaa darteed lammaanaha ayaa go'aansaday iney soo hormariyaan taariikhda arooska, waxaana loo ogolaadaay iney xaflad qaas ah ku sameystaan gudaha isbitaalka.

Jann Tipping iyo Annalan Navaratnam

Xigashada Sawirka, Rebecca Carpenter Photography

Qoraalka sawirka, Jann Tipping iyo Annalan Navaratnam

Ms Tipping, oo ah kal-kaaliso si gaar ah uga shaqeysa qeybta gar-gaarka deg-degga ah ee ambalaaska ayaa sheegtay '' iney doonayeen iney xaqiijiyaan in xafladda arooskooda dhacdo, xitaa haddii ay noqoto in qoyskooda ay shaashadda kala socdaan''.

Caruusadda ayaa arooska ku tilmaantay mid farxad iyo jacayl ku saleysnaa, balse waxay sheegtay inuu ahaa mid la yaab leh, sababtoo ah wuxuu arooskooda ka dhacay goobtii ay ka shaqeynayeen.

Mr Navaratnam, oo ah sarkaal caafimaad oo ka hawlgalayay isbitaalka St Thomas muddo sannad ah ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin iney isku hawlaan sidii ay si wadajir ugu noolaan-lahaayen.

Kaddib markii uu Xog-hayaha Caafimaadka Matt Hancock maqlay arooskan ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray '' Waa aroos aad u qurux-badan.''

bb
bb