Korona Fayras: Kenya oo xirtay xadka ay la wadaagta Soomaaliya iyo Tanzania

Getty

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay xiri doonto xadka ay Kenya la wadaagta dalalka Soomaaliya iyo Tanzania laga billaaba caawa siqda dhexe.

Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeediyay shacabkiisa maanta oo Sabti ah ayaa sidoo kale muddo seddax isbuuc ah ku kordhiyay bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay afar magaalo oo ay Nairobi ku jirta.

Xiritaanka xaduudaha ayaa haseyeeshee aan saameyn ku yeelan doonin gawaarida xamuulka ah iyadoo wadayaasha loo oggolaan doono inay xadka dhinaca Kenya u gudbaan " marka la xaqiijiyo inaysan qabin xanuunka coronavirus"

" Isbuucii la soo dhaafay 78 darawallada gawaarida xamuulka ah ayaan ka helnay xannuunka coronavirus markii aan baarnay, xadka ayaana ka cellinay oo waxa ay dib ugu laabteem dalalkii ay ka yimideen", ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa rasmi ahaan horay u xirnaa tan iyo sannadii 2007.

Get

Xigashada Sawirka, BRIAN ONGORO

Qoraalka sawirka, Masuliyiinta caafimaadka Kenya ee magaalada xadka e Busia oo coronovirus ka baaraya mid ka mid ah darawallada gawaarida xamulka ah

Dowladda Kenya ayaa maanta diwaangelisay 49 xaaladood oo Covid19 ah taasoo ka dhigeysa tirada guud ee ilaa iyo hadda la soo weriyay 830 xaaladood.

Kenyatta waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda dowladda Kenya ay xaqijiisay inay 50 qof u dhinteen xanuunkan.

Dolwadda Kenya ayaa mar sii horreysay xayiraad guud ku soo rogay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qayb ka mid ah magaalada Mombasa. Labadaas goobood ayaa laga helay kiisas badan oo cudurka Coronavirus ah.

Qoraalka Codka, "Islii keligeed ma ahan suuqyada dadka ku badan yihiin ee maxaa Islii keligeed loo saaray"