Coronavirus: Sida uu Covid-19 u saameeyay xafladaha aroosyada, dhalashada iyo duugta

Yassin Hussein Moyos relatives cry prior to Yassins burial at Kariokor Muslim Cemetery in Nairobi, Kenya on March 31, 2020.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qoys ayaa u barooranaya ka dib markii wiil 13 sano jir ahaa uu u dhintay xabad ay booliska Kenya rideen xilli ay dhaqan gelinayeen bandowga.

Sida ku suxan warqadda ka timid saxafiyiinta Afrika, Joseph Warungu oo ka mid ah wuxuu eegayaa sida coronavirus uu wax uga badalay nolosha dad badan, laga soo billaabo xafladaha dhalashada illaa duugta.

Short presentational grey line

Warbxinnada taxanaha ee aan ku eegnay wararka ay qoraan weriyeyaasha Afrikaanka ah, waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa warbixin uu weriye Joseph Warungu ka diyaariyay saameynta ka dhalatay Coronavirus haddii ay noqon laheyd xafladaha dhalashada iyo duugtaba.

Sheila Atieno waxay heegan ugu jirtaa sidii ay u caawin laheyd haweeney uur leh oo isbitaalka loo keenay inay ku umusho, waxay haweeneyd ku sugan tahay isbitaal dowladda ay maamusho oo ku yaalla magaalada Nairobi kaddib markii laga helay Coronavirus.

Sheila Atieno oo aqoon durugsan u leh cudurrada ku dhaca haweenka waxay ka mid tahay koox dhakhaatiir ah oo loo xilsaaray inay daweyaan haweenka uurka leh ee lagu arkay calaamadaha feyraska Corona.

Kenyan health workers wear protective suits during a demonstration for preparations for any potential cases of the new coronavirus dubbed COVID-19, at the Mbgathi District hospital in Nairobi on March 6, 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin dadka halista ugu jira in ay qaadaan fayraska corona.

"Wey adagtahay in aan la qabsado xaaladdan, gaar ahaan marka ay timaaddo in si gaar ah aan u daweeyo haweenka uurka leh ee uu ku dhacay xannuunka Covid-19," ayay tiri Sheila.

"Marka aan ku suganahay qeybta isbitaalka ay haweenka ku umulaan, waxaan inta badan la taacalayaa dheecaan, inkasta oo aan shaqadan qabto aniga oo ku labisan dhar qafilan, waxaan dareemaa kuleyl iyo ciriiri".

Waxay sheegtay in marka ay gurigeeda tagto in aysan la kulmi karin carruurteeda illaa ay jirkeeda ka nadiifineyso.

"Waa shaqo adag oo dareen igu reebta, marka ma lihi dooq kale, waxaan ka aheyn shaqadeyda oo ii horseedi karta nolol cusub haddii uu jiro cudur safmar ah ama in kaleba," ayay tri Dr Atieno.

Short presentational grey line

Lamaanaha dhawaan aqal galay

Francis and Veronica Gitonga

Xigashada Sawirka, Francis Gitonga

Qoraalka sawirka, Francis iyo Veronica Gitonga waxay qarash gareeyeen lix meelood hal meel oo ka mid ah lacagtii ay u diyaariyeen xafladda arooska

Francis iyo Veronica Gitonga waa lamaane aqal galay waxay bisha arooska ku qaadanayaan gurigooda oo ku yaalla degaanka Nyahururu oo 200 kiiloomitar u jirta magaalada Nairobi.

Waxaa uu arooskoodu dhacay 5-tii bishan, waxay xafladda arooska ku martiqaadeen 500 qof balse 6 qof oo kaliya ah ayaa loo ogolaaday kaniisaddii uu arooska ka dhacayay. Asxaabta iyo qaraabada kama aysan qeybgalin.

Xayiraadaha looga hortaggayo cudurka corona ayaa sababay in boqolaal qof ay u suurogeli waaydo inay ka qeybgalaan arooskooda, waxaana xafaladdi lagu soo dhaweynayay arooskoodu ka qeybgashay 12 qof ugu badnaan.

Joseph Warungu
Joseph Warungu
Sheekada dhabta ah ee jaceylka Francis iyo Veronica waxay imaaneysaa xilli bartamaha looga jiro xaalad cudur safmar ah"
Joseph Warungu
Saxafi
Presentational white space

Gitonga wuxuu sheegay in arrintani ay u horseeday inay ka faai'deystaan.

"Sida uu qorshaha arooskeenu ahaa waxaa ku bixi lahaa qarash gaaraya Ksh300,000 oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $2,800 doollar…ugu dambeyntii waxaa nagu baxday Ksh50,000 oo lacagta Kenya ah ($500)."

Wuxuu sheegay in haatan ay dad badan soo wacayaan oo ay ku leeyihiin inay qabsadeen aroos qiimo jaban.

Francis iyo Veronica Gitonga waxay wadaageen jecel xilli lagu gudo jiro saameynta ka dhalatay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Short presentational grey line

Dilkii Yaasiin

Markii Kenya ay ku dhawaaqday bandow soconayo habeenkii si looga hortaggo faafitaanka fayrsaka Corona, waxay booliska toogteen wiil yar oo 13 jir ah oo lagu magacaabo Yaasin Xuseen Moyo.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Presentational white space

Yaasin keliya ah ma ahan cidda ay booliska dhibaateeyeen balse waxaa jiraa dad kale oo dhibaato kasoo gaartay gacanta booliskii la doonayay "inay u adeegaan dhammaan shacabka."

Xayiraadda Coronavirus waxay horseeday tacadiyadda ay geysato dowladda.

A friend of Yassin Hussein Moyo prays with a face mask on during Yassins burial at Kariokor Muslim Cemetery in Nairobi, Kenya on March 31, 2020

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Asxaabta iyo qaraabada Yasin oo qabrigiisa ku dul sugan oo u duceynaya

Aabaha dhalay wiilka dhintay, Xuseen Moyo wuxuu hadal qiiro leh ka jeediyay goobtii lagu aasay wiilkiisa, wuxuuna yiri: "Maalinkii waxaa wajaheynaa halista fayraska, habeenkiina waxaan la daalaa dhaceynaa argagax gelinta booliska".

Short presentational grey line

Siyaasigii lagu jeesjeesay

James Orengo waa siyaasi caan ah, waana sanatar ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn Kenya. Kalfadhigii baarlamaanka ee sannadkii 2017-kii, wuxuu Orengo baarlamaaka ka hadli jiray khatarta ay shacabka u horseedi karto meel marinta sharciyada xun.

Lead counsel in the defence team of embattled Deputy Chief Justice Philomena Mwilu, James Orengo (R), reacts on May 31, 2019, in Nairobi, following a determination by the court not to prosecute Mwilu over corruption charges

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, James Orengo is a popular politician and lawyer in opposition circles

Wuxuu ku eedeyn jiray dowladda inay gacan ku adag ku heyso shacabkeeda.

"Mararka kacdoonnada waxay dhibaateeyeen shacabkooda... dowladdu waxay dhibaateysaa dadkeeda, dowladdan way idiin ciqaabi doontaa si ka daran ciqaabtii ay inaga ina marsiiyeen, waxaan idiin sheegayaa, "in sannad kale aad kusoo ooyi doontaan xafiskeyga si aan idiin matalo".

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Presentational white space

Waxay shacabka Kenya hadal hayeen qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay oo ah; "waxaan kaxeystay baabuurkeyga si aan u aado baarlamaanka oo aan isaga soo baari lahaa cudurka Covid-19 aniga oo u hoggaansan tallaabooyinka adag ee looga hortaggayo cudurka safmarka ah".

Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa dhaleeceeyay hadalka ah 'inuu si iskiis ah u kaxeysanayo baabuurkiisa. "Siyaasiyiinta ma waxay u maleynayaan in baabuur kaxeynta ay tahay arrin weyn, maxaa ka khaldan dalkan?"

Short presentational grey line

Maxbuuskii nasiibka badnaa

Xayiradda Covid-19 waxay horseeday in waaxda gaarsoorka ee Kenya ay ku shaqeyso nidhaamka Online-ka. Dadka ka faa'deystay arrintani waxaa ka mid ahaa nin lagu soo eedeeyay inuu suuq lagu dukaameysto ka xaday Kitaabka masiixiyiinta ee Bible-ka."

Kenya. Nairobi. Kamiti Village. Prisoner Going To Work

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dowladaha caalamka waxay ka walwalsan yihiin in maxaabiista uu ku dhaco coronavirus

Kaddib dhageysiga dacwaddiisa oo ka socotay shaashad toos ah xilli ay booliska gacanta ku hayeen, waxaa sii deyntiisa ku dhawaaqay garsoore dhageysanayay kiiskiisa.

Tallaaabadan waxay dowladda uga golleedahay in ay yareyso ciriiriga ka jiro xabsiyada si looga hortaggo faafitaanka Corona, waxaa sii deyntaas ka faa'ideystay maxaabiis loo heystay dambiyada fudud.

*Magaca saxda ah ee dhakhtaradda ma aanan adeegsan sababtoo ah looma ogolo inay la hadasho warbaahinta.

Presentational white space
bb
bb