Amnesty International: Cidna looma raaco shacabka badan ee ku dhinta duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SSgt Brian Ferguson
Waxa sii kordhaysa tirada dadka shacabka ah ee ku waxyeellooba weerarrada xaga cirka ah ee sida qarsoodiga ah milatariga Maraykanku uga qayb galo dagaalka Soomaaliya, iyada oo aanay caddaalad helin dadkaasi, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Hay'adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International.
Amnesty waxay sheegtay duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay horseedaan ku tumashada sharciga caalamiga ah ee bani'aadannimada, iyadoo si faahfaahsan uga hadashay labo weerar oo kale oo dad ku le'den oo sannadkan gudihiisa dhacay.
Taliska ciidamada Maraykanka ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo AFRICOM ayaa qaaday boqollaal weerar oo cirka ah oo uu ku beegsanayo ururka hubaysan ee Al-Shabaab ee tobaneeyada sano uu dagaalka ku hayo. Laakiin waxa uu qiray in dad rayid ah weerar Keli ah lagu dilay, kaas oo la qaaday laba sano ka hor maanta oo kale. Qiraalkaa dhacdada keli ah waxa ka keenay baadhitaan ay samaysay hay'adda Amnesty International ee xuquuqda aadanaha u doodda.
"Caddayntani waa mid isa soo taraysa oo eed dhamaystiran ah. Arintu ma aha oo keliya in AFRICOM ku fashilantay waajibkeeda ah in ay ka warbixiso khasaaraha gaadha rayidka Soomaaliya laakiin waxay sidoo kale u egtahay in aanay wax dan ah ba ka lahayn qoyskaska badan ee ay kala qaartay mustaqbalkooda" ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Amnesty International.
"Waxaanu haynaa cadaymaha dhacdooyinka duqaynta Maraykanka ee sii kordhaysa Soomaaliya oo ay AFRICOM u haysato in ay is fudud ugu shaambadayn karto rayidka 'argagixiso' oo aan wax ba la iska waydiin. Waa wax aan la qaadan karin, milatariga Maraykankuna waa inuu bedelaa sidan uu wax u wado oo uu xaqiiqada iyo la xisaabtanka [ciddii falalkaa masuuliyaddooda leh] bilaabaa isaga oo u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee aadamenimada (gaar ahaan kawa dagaalka)" ayuu intaa ku dairy Deprose.
Bishii February oo qudha waxa dhacay labadii weerar ee u dambeeyey

Xigashada Sawirka, Amnesty International
Amnesty International waxay dibadda soo dhigtay caddaymo muujinaya in AFRICOM dishay laba qof oo rayid ah, sidoo kale na saddex kale ku dhaawacday laba weerar oo dhacay February, 2020.
Labada weerar markii la qaaday ka dib, AFRICOM waxay soo saartay war saxaafadeedyo ku andacoonaya in ay dishay 'aragagixiso' Al-Shabaab ah, iyada oo aan haba yaraatee wax caddayn ah oo rayidkaa lagula xidhiidhin karo ururkaa hubaysan soo bandhigin.
Hase yeeshee, Amnesty International may helin wax caddayn ah oo muujinaysa in shakhsiyaadkaa la dilay ama la dhaawacay ay xubno ka ahaayeen Al-Shabaab, ama ba ay si toos ah dagaal ugu jireen. Hay'addu waxay waraysatay ehelada dadkaa dhintay iyo kuwa wax yeelloobay, dad kale oo deegaanka ku nool iyo asxaabootii.
Waxay sidoo kale lafa gurtay sawirrada dayax gacmeedku qaaday, sawirro iyo muuqaallo iyo caddaymo kale oo laga soo qaaday gootba duqayntu ka dhacday, waxaanay sidoo kale ogaatay saanadda Maraykanku adeegsaday nooceeda.

Xigashada Sawirka, Amnesty International
2-dii February, abbaaro 8 fiidnimo, ayaa qoys shan qof ka kooban oo ku cashaynaya [gurigooda] magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya waxa ku dhacay garnayl cirka kaga soo dhacay - oo ay aad suurto gal u tahay in uu ahaa nooca Maraykanka ee la yidhaa US GBU-69/B, oo ah gantaalaha fudud oo miisaankiisu yahay 16 kiiloo.
Nuurto Kuusow Cumar Abuukar oo ahayd gabadh 18 jar ah waxa madaxa kaga dhacay firidh weyn oo bir ah oo Isla bartii bay ku dhimatay. Weerarkaa waxa kale oo ku dhaawacmay laba hablood oo walaalaheed ah oo ka yaraa, Faadumo iyo Caddey oo 12 iyo 7 jir ahaa iyo sidoo kale ayeydood Khadiija Maxamed Geeddoow oo qiyaastii 70 jir ah.
Hablaha aabahood Kuusow Cumar Abuukar oo 50 jir beerwale ah oo markii gantaalku ku dhacay guriga la joogay oo weerarkaa u sifaynaya Amnesty International ayaa yidhi: "Weligay ismaan lahayn waxanaa idin ku dhici. Waxaan maqlay uun qarax weyn oo waxaan mooday in gurigayagii dumay….. qiiq iyo ciid baa indhaha iga buuxsamay."
Goor galab ah 24 February, 2020, ayaa gantaal kale oo masiibo ah oo Maraykanku soo ganay cirka kaga soo dhacay beer ku taal Masalanja oo u dhow tuulada Kumbareer oo 10 km dhanka woqooyi ka xigta Jilib. Waxa ku dainty Maxamuud Salaad Maxamuud oo ahaa 53 jir. Wuxuu ahaa beerwale muuska beerta sidoo kalena waxa uu maamule ka ahaa xafiiska shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud Telecom ee Jilib. Wuxuu ka tagay afo iyo sideed carruur ah.

Xigashada Sawirka, Amnesty International
Sarkaal sare oo ka tirsan Hormuud ayaa sheegay in ay rumaysan waayeen in Maxamuud Salaad Maxamuud weerarkaa lagu beegsaday sababta oo ah wuxuu u shaqayn jiray hay'adaha gargaarka caalamiga ah, Al-Shabaab na dhowr goor bay xidheen.
"Markaan maqlay geeridiisa, waxaa igu soo dhacday malaha Al-Shabaab baa dilay. Mar na ismaan lahayn waxa dili doona Maraykanka ama dawladda Soomaaliya. Fajac bay arintaasi noqotay. Si aan u sababeeyo garan maayo", ayuu yidhi.
Labadaa duqaymood waxay ka mid yihiin 20 weerar oo aar gudasho ah oo ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen Soomaaliya ka dib weerarkii ay Al-Shabaab ku ekaysay saldhiga ciidamada cirka Maraykanku ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee Kenya horaantii bishii January.
Taliyaha AFRICOM, Jen Stephen Townsend, ayaa wacad ku maray in uu si "hagar li' ah u daba geli doono ciddii" geysatay weerarkaas oo lagu dilay askari Maraykan ah iyo laba kale oo shaqaale ah sidoo kalena lagu subay shan diyaaradood oo ay ku jireen laba dhif ah oo kuwa ugu qiimaha badan basaasidda ah.
"Wax marmarsiiyo ah looma heli karo ku tumashada sharciyada dagaalka. Weerar kasta oo Maraykanka ama dawladda Soomaaliya kaga falcelinayso weerarrada Al-Shabaab waa in ay u kala soocan yihiin dagaalyahannada iyo rayidku oo ay qaadaan tallaabo kasta oo ay kaga hortagi karaan dhibaato rayidka gaadha", ayuu yidhi Cabdillaahi Hassan oo ah cilmi baadhaha Amnesty International u qaabilsan Soomaaliya.
Qoyskii reer Ceel Buur mag dhaw lama siin

Xigashada Sawirka, Amnesty International
Qoyska dhawaan dadkooda ku waayey gobolka Jubbada Dhexe waxay ka mid yihiin uun Soomaalida badan ee rayidka ah ee eheladooda ku waayey duqaymaha Maraykanka, laakiin ilaa haatan may helin mag dhow iyo cid dhibtooda loo raacay toona ilaa maantadan.
Tusaale muhiim ah aan soo qaadno, 1 April, 2018 waxa Maraykanku uu duqeeyey baabuur marayey Ceel Buur oo woqooyi ka xigta Muqdisho.
Qiyaastii sannad uun ka dib dhacdadaa ayaa AFRICOM si cad u qiratay in weerarkaa lagu dilay haweenay iyo ilmo yar, waxaanu ahaa qiraalka keliya ee ay ku qiratay rayid ku waxyeelloobay weerarrada ay Soomaaliya ku qaadaan oo socday toban sano iyo dheeraad.
In kasta oo ehelka dadkaa ku dhintay weerarkaa ay la xidhiidheen safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya bishii April ee sannadkii hore, hadana ilaa maalintii warbixintani soo baxaysay diblomaasiyiinta Maraykanka iyo AFRICOM midkoodna eheladaa lama xidhiidhin oo wax mag dhaw ah uma sheegin.
Maraykanku wuu sii kordhiyey duqaymaha cirka

Xigashada Sawirka, Amnesty International
Saddexdii bilood ee ugu horaysay 2020-ka oo keliya, ciidamada Maraykanku waxay Soomaaliya ka fuliyeen 32 duqaymood, sidaana waxa sheegay ururka duqaymaha daba gala ee la yidhaa AIRWARS. Taasi waxay muujinaysaa in isku dhawaanshaha weerarradu ka badanyahay sidii uu ahaa sannadkii 2019 oo weerarrada AFRICOM dalkaa ka fulisay tiradoodu ahayd 63.
Tan iyomarkii Amnesty International ay soo bandhigtay warbixinteedii xogta badan sidday ee ciwaankeedu ahaa Dagaalka Qarsoon ee Maraykanku ka Wado Soomaaliya, waxa ay hay'addu samaysay baadhitaanno qoto dheer oo ay ku darsaysay siddeed weerar oo Maraykanku qaaday oo lagu dilay dad rayid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Soomaaliya. Marka lagu darp dadkii lagu dilay Ceel Buur wadarta dadka rayidka ah ee la dilay waxa weeyi 21 iyo 11 qof oo la dhaawacay. Mar kastana AFRICOM way ka gaabsataa in ay la xidhiidho ehelada dadka dhinta.
"Milatariga Maraykanku waa in aanu aqbalin in la sii wado in rayidka la waxyeelleeyo oo lagu sii shaabadeeyo in ay yihiin 'argagixiso' iyaga oo marka hore ba qoysaskaa muruga la tiicaya aan dan ka lahayn. Waa in xil la iska saaraa sidii loo soo bandhigi lama runta oo cadaaladda na la horkeeno oo lala xisaabtamo weerarradaa Maraykanka ee Soomaalida badan ee rayidka ah lagu dilay oo qaarkood na noqon karaan ba in si badheedh ah loogu tumanayo sharciyada caalamiga ah ee aadamenimada" ayuu yidhi Cabdillaahi Xasan.
Milatariga Mareykanka oo sheegay inuu shaacin doono waxyeellada raydka
Taliska Milatariga Mareykanka ayaa ballan qaaday inuu inuu si shaacbaxsan uga warrami doono khasaaraha shacabka kasoo gaara weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya.
Amnesty ayaa tallaabadan ku qeexday mid waxtar leh.
Deprose Muchena, oo ah agaasimaha bariga iyo koonfurta Afrika, ayaa isagoo ka jawaabaya hadalka kasoo baxay milatariga Mareykanka waxa uu yiri: "Waan soo dhaweyneynaa tallaabadan, inkastoo muddo dheer la waayay arrintan sheegista runta ah iyo islaxisaabtanka ku aaddan waxyeellada la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ka dhalata weerarrada milatariga ee Soomaaliya, Liibiya iyo meelo kale oo ku yaalla Afrika. Waa wax naxdin leh in go'aankan ay hadda qaadatay AFRICOM uu iman waayay in ka badan 10 sano".
War-saxaafadeedka kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa yimid saacado yar ka dib markii ay Hay'adda Amnesty International shaacisay warbixintan.










