Coronavirus: Farriinta quruxda badan ee Bill Gates uusan soo dirin

Ha ahaato farriin uu baraha bulshada soo dhigay adeerkaa ama qof aad taqaano, ama sawir uu kuu soo diray saaxiibkaa, wararka beenta ah ee fayraska corona meel kasta ayey ka buuxaan.
Si aan kuu caawino, koox BBC ka tirsan waxay xaqiijinayaan wararkii ugu dambeeyay ee sida wayn la isula dhexmaray ee marin habaabinta ah.
Farriinta beenta ah ee Bill Gates
Farriin dheer oo la sheegay in uu qoray Bill Gates, taajirka iska leh shirkadda Microsoft, taas oo dadka ku baraarujineysa in wanaag ay muujiyaan xilliga lagu jiro dhibaatada fayraska corona, waxaa baraha bulshada iskula wadaagay kumannaan qof oo dalal kala duwan ku sugan.
Waxay gaartay xitaa bogag dad caan ah ay leeyihiin, Wargeysyo Qaran iyo xitaa bogga Instagram-ka ee Naomi Campbell, oo ah gabar xayeysiinta ku caanbaxday.

Balse waan ognahay in Bill Gates uusan shaqo ku lahayn farriintan.
Si kastaba, qof ayaa BBC la soo xiriiray oo sheeganaya inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee baahiyay. Maxamed Cali oo deggan London wuxuu sheegay in farriinta uu Facebook ku qoray 16-kii March, uusanna sheegay in Bill Gates ay ka timid.
Ma xaqiijin karno inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee baahiyay farriinta, sidoo kalena ma aynaan helin farriin ka sii horreysay oo Facebook la soo geliyay. Sidoo kale, qaabka ay ku noqotay mid Bill Gates ka timidna weli ma cadda.
Sida ka muuqata bogga taxliiliya bogagga bulshada ee Crowdtangle, markii ugu horreysay ee farriintan loo tiiriyay Bill Gates waa 22-kii March.
Muuqaal been ah oo la xiriira cunto la qeybiyay
Muuqaal ay daawadeen in ka badan 10 milyan oo qof, maalmo gudahood waxaa ka muuqda baakado cunto ah oo looga tagay jidadka si ay u cunaan dadka gaajeysan xilligan fayraska corona.

Dadka qaar ee baahiyay waxay sheegeen in Turkiga ay tahay, halka kuwa kale ay sheegeen in ay tahay Ciraaq ama Hindiya. Dad badan waxay ka dhigeen sida dalkooda uu u caawinayo dadka fuqarada ah.
Muuqaalka waa mid sax ah, balse waa laba bilood ka hor - haddana marin habaabin ayaa loo adeegsaday. Cuntada looma qeybin dad uu coronavirus saameeyay, balse waxaa la siiyay dad uu ku dhuftay dhul-gariir.
Si taa looga gungaaro, Khubarada xaqiijinta u qaabilsan BBC waxay si guul ah u garteen meesha muuqaalka laga duubay. Ka dib markii ay arkeen dukaan ama xayeysiin ah "Waa raqiis" oo af-Turki ku qoran.
Muuqaalka wuxuu ahaa mid toos loo baahiyay oo dheer oo laga qaaday magaalada Konya ee Turkiga, Facebook-na waxaa la geliyay 25-kii January.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Kuwan ma ahan booliska Taliyaaniga oo fulinaya amarka xannibaadda
Waxaa soo baxay muuqaal lagu sheegay inuu yahay booliska Taliyaaniga oo xiraya nin jebiyay xannibaadda adag ee dalka la saaray. Muuqaalkaas oo lagu faafiyay Twitter-ka India waxaa daawatay in ka badan 750,000.

Si kastaba, muuqaalka waxaa laga duubay magaalada Sao Paulo ee dalka Barazil, waana arrin la xiriirta coronavirus. Isla muuqaalkaas wuxuu ka soo muuqday wargeyska Globo oo xaqiijiyay xarigga ninkaas.


Sawirka Cisbitaal ku yaalla Spain iyo farriin cod ah
Cod af-Carabi ah oo dhalleeceynaya heerka cisbitaal caan ah oo ku yaalla magaalada Qudus ayaa la iskula wadaagay WhatsApp-ka, waxaana la dulsaaray sawirka cisbitaal ay ka muuqdaan bukaanno dhulka jiifa.
Dhowr wargeys oo af-ka Carabiga ku soo baxa ayaa sawirka adeegsaday iyagoo ka hadlayay sida cisbitaallada Israa'iil ay ula daalaa dhacayaan wax ka qabashada coronavirus.

Si kastaba, cisbitaalkaas wuu beeniyay wararkaas, iyagoo sheegay in sawirka uusan ahayn midda cisbitaalka.
BBC Trending ayaa si dhow u eegtay waxayna ogaatay in meesha dhabta ah ay tahay magaalada Madrid. Sida la sheegay waa bukaanno uu ku dhacay coronavirus, markii ugu horreysay waxaa baahiyay bar Twitter oo laga leeyahay Spain.
Sumadaha ku dheggan barkimaha iyo go'yaasha waa calaamadda cisbitaal ku yaalla Madrid.












