Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso 'xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanideeda'

.

Xigashada Sawirka, THE STAR KENYA

Qoraalka sawirka, Xiisadda Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinka dagganeyd
    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, Nairobi

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray BBC-da, ayaa lagu dalbaday in Kenya ay si deg deg ah u joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu yeeraysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal", ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay in muddo ah dulqaad muujineysay.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, ayaa waxaa ka go'an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda".

Dhanka kale, warkan ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay qaddarineyso AMISOM balse aysan ka oggolaaneynin inay howlahooda "dhan kale u weeciyaan".

.

"DFS waxa ay bogaadineysaa hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata in dalka laga xoreeyo argagixisada, balse waxa ay adkaynaysaa in aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, fara-gelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

War-saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusuusinaysa dhiggeeda dalka Kenya daris wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, inkastoo hab-dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya uu kasoo horjeedo qarannimada Soomaaliya, curfiga caalamiga, mabaadi'da Ururka Midoowga Afrika, heshiisyada labo geesoodka iyo nabadgalyada guud ee Gobolka".

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya, inkastoo warkan uu soo baxay goor aan sidaas usii fogeyn oo ah galinkii dambe ee maanta.

.

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Qoraalka sawirka, Cabdirashiid Janan

Afaafka hore ee magaalada Bledxaawo ayaa lagu soo warramay inay isku hor fadhiyaan ciidamo daacad u Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno Cabdirashiid Janan iyo ciidamo kale oo ay gobolkaas geysay dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaantii Bishan Kenya ka dalbatay inay usoo gacan galiso Cabdirashiid Janan, oo ay sheegtay inuu 28-kii January kasoo baxsay xabsi lagu hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Mareykanka oo ka hadlay xaaladda Gedo

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, US MISSION TO UN

Qoraalka sawirka, Rodney Hunter, Isuduwaha siyaasadda ee hawgalka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay

Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo kamid ah Gedo.

Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada ay geysay gobolka Gedo ay ugu tala gashay inay sugaan amniga xuduudaha.