Booliska El Salvador oo xog ku galay Baarlamaanka

Siyaasiinta mucaaradka ayaa ciddamada hubeysan ee barlamaanka soo galay ku timaamay tallaabo cabsi gelin ah oo aan horay loo arag.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Siyaasiinta mucaaradka ayaa ciddamada hubeysan ee barlamaanka soo galay ku timaamay tallaabo cabsi gelin ah oo aan horay loo arag.

Bilays aad u hubeysan iyo askarta dalka El Salvador ayaa xoog ku galay baarlamaanka , waxayna dalbanayaan in loo meel mariyo deyn gaaraysa $109m oo u dhiganta (£85m) si ay qalab wacan u helaan.

Waxay dhismahaasi gudaha u galeen xilli Madaxweyne Nayib Bukele, uu isu diyaarinayay in uu khudbad u jeediyo sharci dejiyeyaasha dalkaasi El-Salvador.

Maalinkii jimcaha waxaa uu siyay toddobo maalmood si ay gacan u siyaan qorshahaasi.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa ciddamada hubeysan ee baarlamaanka soo galay ku timaamay tallaabo cabsi gelin ah oo aan horay loo arag.

El Salvador waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee ugu sarreeya ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan.

Rabshadahaasi badankoodna waxaa geysta burcadda hubeysan ee ka hawl gala Bartamaha Mareykanka.

Burcadda waxaa asalkooda aasaasay dhallinyaro ka qaxay El Salvador oo 1980-maadkii ku sugnaa magaalada Los Angeles.

Dhallintaas waxay ka qexeen dagaal sokeeyo oo dalkaasi ka socday xilligaas.

Markuu dagaalka dhammaaday 1992-dii, badankooda waxay dib ugu noqdeen dalka, waxayna la tageen dhaqankii burcadnimo ee Mareykanka ay la joogeen.

Kooxaha Maras ama Pandillas waxay ku lug leeyihiin ka ganacsiga daroogada, iyo dhaca.

Madaxweyne Nayib Bukele oo tagerayashiisa kula hadlay afka hore ee Barlamaanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Nayib Bukele oo tagerayashiisa kula hadlay afka hore ee Barlamaanka

Madaxweyne Bukele, ayaa xilka madaxweynanimada qabtay bishi lixaad sanadkii 2019-ka, waxaa uuna doonayaa in deyntaasi uu u isticmaala qalabaynta booliska iyo ciiddamada qalabka sida dalkaasi si loola dagaallamo dambiyada.

Waxaa uuna wacad ku maray in uu cirib tiro rabshadaha burcada iyo musuqa hareeyay dalkan saboolka ah ee ku yaalla bartamaha Qaarada Ameerika.

Maalinkii Axadda, boqollaal qof ayaa isugu soo baxay bannaanka dhismaha baarlamaanka ee ku yaala cassimadda San Salvador, si ay tageero ugu muujiyaan qorshaha ammniga madaxweynaha.