Duufaanta Ciara oo u fududaysay diyaarad inay samayso rikoor duullimaad

British Airways Boeing 747-400 airplane, the large jumbo jet with the nickname Queen of the skies

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Duulimaad British Airways ah oo cagadhigatay 80 daqiiqadood ka hor waqtigii la filayay

Khubarada duullimaaddada ayaa hadal haya, duulimmaadkii British Airways, oo ahaa safarkii hawada ee ugu dhakhasaha badnaa ee looga tago New York laguna wajahan yahay London, iyadoo loo eegayo xawaaraha ay diyaaraduhu jaraan.

Diyaaradda Boeing ee nooceedu yahay 747-436, ayaa ku gaadhay xawaare 825 mph (1,327 km/h) maadddaama ay qayb ka ahayd riixidda duufaanta Ciara.

Afar saacadood iyo 56 daqiiqadood ayey ku gaadhey garoonka Heathrow Airport, taas oo 80 daqiiqadood ka soo hormartay xilligii la filayay oo aheyd subaxnimadii Axadda.

Sida laga soo xigtay Flightradar24, oo ah qalab online oo ka hadla safarrada duulimaadka ayaa sheegay inay garaacday rikoodhkii hore oo ahaa shan saacadood iyo 13 daqiiqadood, oo ay dhigtay diyaarad Norwiijiyaan ahi.

BBC awood uma ay helin in si madax bannaan u xaqiijiso guushan, maxaa yeelay ma jiro hab dhammaystiran oo sheegi kara duullimaadyada isla mar ahaantaana la heli karo.

Lataliye dhanka hawada iyo duuliye hore oo lagu magacaabo Alastair Rosenschein ayaa sheegay in diyaaraddani samaysay xawaare aad muhiim u ah.

'Mudnaanta dhanka badqabka'

Duufaanta ayaa la timid xawaare dhan 260 mph (418 km / saac) subaxnimadii Axadda, sida laga soo xigtay BBCda qeybta cimillada.

In kasta oo ay ku safrayeen xawaare aad u dheereeya, kaas oo sababi kariyey khatar, haddana waxay duufaantani ka kaabtay inay sidii ugu degdegga badnayd ku gaadho.

Markasta oo la eego dhinaca hawada, diyaaradda ayaa xawaaraheeda gaabinaysay 801 mph.

Diyaaradaha rakaabka casriga ah ayaa sida caadiga ah ku socda 85% xawaaraha hawada ah, sida uu sheegay Mr Rosenschein.

Diyaaradda British Airways, ayaa iyana dhankeeda sheegtay: "Inay marwalba muhiimadda siiyaan amniga rakaabkooda, halkii ay eegi rikoodhada dhanka xawaaraha.

Safarkii ugu degdegga badnaa ee lagaga gudbo badweynta Atlantic waxaa haysta diyaaradda Biritsh Airways, taas oo magaalooyinka New York iyo London u kala gooshtay laba saacadood, 52 daqiiqadood iyo 59 ilbidhiqsi, sannadku markuu ahaa 1996 markaas ay oo safarkaasi ku jartay 1350 mayl saacaddiiba.

Appleby-in-Westmoreland, Cumbria, after Storm Ciara

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Waddooyinka Appleby-in-Westmoreland, Cumbria, oo ay biyo qariyeen

Dhanka kale dabeylo xooggan iyo roob mahiigaan ah ayaa waxa ay ku dhufteen guud ahaan UK iyadoo musaafiriintana ay socdaalkoodii hakisay duufaanka Ciara.

Waxaa guud ahaan dalkaasi laga sheegay fatahaado iyo digniina culus - taas oo ka dhigan in halis ay naftu gali karto - ayaa waxaa loo soo saaray Pateley Bridge, waqooyiga Yorkshire.

Kumannaan qof ayaa koronto la'aan ku soo dhacay iyadoo dhanka kale la joojiyay ciyaaro maanta la dheeli lahaa cimilada awadeed.

Saltcoats in Ayrshire during Storm Ciara

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Deegaannada xeebaha, sida Saltcoats ee Ayrshire, waxaa waddooyinka ku soo rogmay mowjado biyo ah

Shirkadaha diyaaradaha ayaa waxa ay baajiyeen duulimaadyadooda, halka dhowr shirkadood oo tareennada ahna ay rakaabkooda ugu baaqeen in aanay safrin.

Dadka ku safra doonyaha ayaa sidoo kale waxaa wajahay dib u dhac iyo joojin safarradooda, halka darawaliinta laga doonayay inay naftooda ilaashadaan.

Halkan hoose ka daalaco sida roobka mahiigaanka ah iyo daadkuba ay u saameeyeen UK:

A lighthouse amid waves at Newhaven in East Susses during Storm Ciara

Xigashada Sawirka, PA Media

Flooded homes in Mytholmroyd, West Yorkshire, after Storm Ciara

Xigashada Sawirka, AFP

A tree on a line near Sittinbourne

Xigashada Sawirka, Network Rail

A trampoline blown onto the train line

Xigashada Sawirka, Getty Images

An overturned lorry on the M1

Xigashada Sawirka, Paul Lawlor

Roof collapse

Xigashada Sawirka, Stuart Cowper

Firefighters rescuing a person in Blackpool

Xigashada Sawirka, South Shore Fire Station