Jaajuusiinta, mintidiinta iyo dilalka lagu jahwareersan yahay

Sheikh Khalid Haqqani

Xigashada Sawirka, Screengrab

Toogashada laban nin loogu geystay bartamaha magalaada Kabul oo inta badan qalalaaso ka dhacaan ayaa waxay raggani ku sigteen in aanan la ogaan dilkooda.

Balse nimanka la dilay ayaa waxaa la sheegay iney iyaga doonayeen in aanan la ogaan heybtooda oo waxay wateen aqoonsiyo been abuur ah.

Waxa ay gudaha magaalada Kabul ka sameynayeen iyo cidda dishay ayaa ah arrin qarsoodi ah oo su'aal gelineysa xiriirkii murugsanaa ee kadhexeeyay adeegyada amniga iyo kooxaha xagjirka ah ee gobolka.

Balse waxaa caddaatay cidda ay ahaayeen labada nin ee la toogtay. Sida laga soo xigtay sirdoonka Pakistan labda nin waxay ahaayeen xubna muhiim ah oo ka tirsan Taliban-ka Pakistan, oo ah koox horay u dishay boqolaal qof oo reer Pakistan ah.

Mid ka mid ah raggaasi ayaa ahaa Sheikh Khalid Xaqqani, oo jaga muhiim ah ka hayay golaha hogaaminta Taliban-ka Pakistan. Waxa uu sidoo kale horay guddoomiye ku xigeen ugu ahaa kooxda.

Waxaa lagu soo eedeyay inuu ku lug lahaa dhawr weerar oo dhacday oo lagu qaaday siyaasiyiin caan ka ah dalkaasi Pakistan. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ugu khasaaraha badanaa ee 2014-kii ka dhacay iskuul ku yaalla magaalada Peshwar, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 150 qof oo ay carruur badan ku jireen.

Ninka labdaad ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Qari Saif Younis, waxa uuna ahaa taliyaha milatariga Kooxda. Khamiistii Taliban-ka Pakistan ayaa xaqiijiyay geerida iyo heybta labadaasi nin balse faah-faahin dheeraad ah ma aysan bixin.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka soo baxay ururka, nimanka ayaa waxay kulan qarsoodi ah ku yeelan rabeen Kabul iyagoo si toos ah amar uga haystay hogaanka kooxda, balse Ururka ayaanan sheegin cidda ay la kulmayeen.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meydadkooda waxaa laga helay meel u dhow hoteel caalami ah oo ku yaalla magaalada Kabul

Wararka laga soo xigtay sirdoonka ayaa tibaaxayay in meeydadkooda laga helay meel u dhow hoteel ku yaalla magaalada Kabul oo ay horay uga dheceen laba weerar oo khasaaro badan geystay. Inta badan lama arko xubnaha sarsare ee Taliban-ka Pakistan oo u safraya magaalada Kabul. Labada Taliban ee Afghanistan iyo Pakistan waa ay kala mabda' duwan yihiin.

Taliban-ka Afghanistan ayaa waxay in muddo ah dagaal kula jiraan dowladda Afghanistan oo ay taageeraan xoogagga uu Mareykanka hormuudka ka yahay, halka Taliban-ka Pakistan ay weerarradooda diiradda saaraan gudaha Pakistan.

Dowladda Pakistan ayaa in muddo ah waxaa lagu eedeeynayay iney tegeerto Taliban-ka Afghanistan. Dhanka kale waxaa lagu eedeeyay in Sirdoonka Afghanistan ay xiriir la yeesheen Taliban-ka Pakistan. Balse labada dalba way iska fogeeyeen iney xiriir la leeyihiin kooxaha Taliban.

Bishii December ee sanadkii 2018-kii waxaa Afghanistan lagu dilay hogaamiyihii gooni isu taagga ee Pakistan oo in muddo ahba ku noolaa dalka dibaddiisa.

Map

Sannadkii 2013-kii waxaa Islamabad lagu dilay hoggaan sare oo ka tirsanaa Taliban-ka Afghanistan.