Dilaayaasha New Jersey ‘waxay bartilmaameedsadeen suuqyare ay Yuhuud leeyihiin’

Xigashada Sawirka, AFP
Suuqyare ay leeyihiin Yuhuud oo ku yaal New Jersey ayuu ahaa bartilmaameedka weerrar ay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo laga shakisan yahay inay weerrarka soo qaadeen, saraakiisha ayaa sidaasi sheegtay.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin ujeedka weerrarka, hasayeeshe maayirka magaalada Jersey ayaa bartiisa twitterka waxa uu soo dhigay in "Yuhuud nacayb" aanay meelna magaaladaasi ku lahayn.
Muuqaallo lagula socdo ammaanka ayaa muujinaya dadka laga shakisan yahay oo xabadaynaya suuqa ka hor inta aanay gudaha u galin.
Dambi baarayaasha ayaa sheegay in weerrarka uu ka bilowday bakhaarka, warar hordhac ah ayaase sheegayay in weerrarku uu ka bilowday goob xabaal ah.
Booliska ayaa rumaysan in maydadka saddexda qof ee laga helay gudaha suuqyaraha lagu iibiyo cunnada Yuhuudda ay dileen dadka weerrarka soo qaaday, kuwaas oo iyaguna maydkooda laga helay gudaha dhismaha kaddib afar saacadood oo ay booliska Talaadadii la dagaalamayeen.

Xigashada Sawirka, AFP

Maayirka magaalada Jersey, Steven Fulop, ayaa waxa uu Arbacadii weriyayaasha u sheegay in kaamarooyinka ku xiran waddooyinka ay muujiyeen laba qof "oo si tartiib ah" gaari ugu wada dhinaca suuqa, kaddib "ay si deggan u fureen albaabka oo ay kala soo baxeen laba qori oo dhaadheer waxa ayna xabbadda ka bilaabeen wadada" gasha dukaanka.
Agaasimaha badqabka dadweynaha James Shea, ayaa sheegay in muuqaalka uu muujiyay in labada qof ay gaariga markii ay goobta dhigeenba "ay durbadiiba bilaabeen inay dukaanka xabadeeyaan".
Mar la waydiiyay sida ay booliska ku xaqiijin karaan in dukaanka uu bartilmaameedku ahaa, waxa uu sheegay in raggu ay iska garab mareen "dad marayay" wadada kaddibna ay weerrareen dukaanka.
Dadka weerrarka soo qaaday ayaanan weli la shaacin haybtooda, hasayeeshee warbaahinta New York ayaa waxa ay ku tilmaantay in la kala yiraahdo David Anderson iyo Francine Graham.
Wargeysyada New York Times iyo New York Post ayaa Arbacadii waxa ay daabaceen in mid ka mid ah dadka laga shakisan yahay uu weerrarka ka hor baraha bulshada soo dhigay hadallo nacayb ah oo ku wajahan Yuhuudda iyo booliska.

Xigashada Sawirka, AFP
Siduu weerrarku u dhacay?
Talaadadii boolisku waxa uu sheegay in qulqulatadu ay ka bilaabatay xabaale hal mayl u jira dukaanka.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in isku dhaca booliska ku dhexmaray laba qof oo laga shakisan yahay lala xiriiriyay baaritaan lagu hayay dil. Waxaa la dilay dambi baare Joseph Seals, oo ahaa 39-jir, kaas oo qeyb ka ahaa barnaamij hubka sharci-darrada ah lagu uruurinaayo. Dad laga shakisan yahay ayaa goobta uga baxsaday gaari kaddibna waxa ay tageen suuqyaraha.
Hasayeeshee mar uu warbaahinta la hadlaayay Arbacadii ayuu Mr Shea waxa uu yiri: "Markii aan fursad u helay muuqaalka xalay, waxaannu haatan ognahay in rasaastu aanay ka dhex bilaabin booliska iyo dadka weerrarka soo qaaday kaddibna ay dukaanka qabteen. Waxa ay ku bilaabatay weerrar lagu qaaday muwaadiniin ku jiray gudaha dukaanka."

Xigashada Sawirka, AFP
Dadka weerrarka soo qaaday ayaa rasaas oodda kaga qaaday dukaanka ka hor inta aanay gudaha galin, ayuu yiri, arrintaas oo heegan galisay laba askari oo goobta marayay kuwaas oo bilaabay xabbad ku bilaabay dadka laga shakisan yahay ilaa ay ku dhaawacmeen rasaaska dadka weerrarka soo qaaday.
Arbacadii maayirka ayaa sheegay in "haddii askartaasi aanay meesha joogi lahayn ama aanay raggaasi xabadayn lahayn, dad badan ayaa halkaas ku dhiman lahaa."
"Dagaalku waxa uu ahaa midkii ugu waynaa ee aan muddo arko," ayuu Willy McDonald, oo 67 jir ah, u sheegay New York Times. "Waxaan muddo joogay Vietnam".

Xigashada Sawirka, AFP
Weerrarka ayaa qiyaastii 30,000 oo arday ah waxa uu horseeday in albaabada loo laabo, oo saacado ayay fasallada ku xayirnaayeen kaddib markii ay xiisadahoodii dhammeysteen. Xilliga uu fasalka bilaabanayay Arbacada ayaa dib loo dhigay.
Maayirka magaalada New York Bill de Blasio ayaa weerrarka ugu yeeray "dambi nacayb ah" iyo "fal argagixiso" waxa uuna booliska ku amray inay heegan sare galaan, gaar ahaan deegaannada ay ku nool yihiin bulshooyinka Yuhuudda. Magaalada Jersey ayaa qeyb ka ah aagga magaalada New York.











