Beeraleeyda Toonta oo taageeray canshuurta madaxwayne Trump

Beerleyda Toonta ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Beerleyda Toonta ee Mareykanka

Beeraleyda Toonta ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegeen in ugu dambeyntii ay bilaabeen in ay ku guuleystaan dagaalkii ay 25 sano kula jireen dalagyada laga soo dhoofiyo Shiinaha.

Waxay u mahadceliyeen madaxwayne Donald Trump iyo canshuuraha cusub ee uu ku soo rogay badeecooyiinka laga soo dhoofiyo dalka Shiinaha.

Madaxwaynaha ayaa wareeg labaad oo canshuur kordhin ah la bartilmaameedsaday sanadkan Toonta laga keeno Shiinaha taasi oo sare u qaaday dalabka dalagyada ka so go'a Mareykanka.

"Run ma aha in aysan jirin cid ku guuleysatay dagaalka ganacsiga," ayuu yiri Ken Christopher,oo ah ku xigeenka madaxa beerta Christopher Ranch oo ku taalla gobolka California oo ah beer soo saarta Toonta.

"Markii uu madaxwayne Trump uu bilaabay canshuurta lagu soo rogayo Toonta ayaa waxa ay Toonta California ka soo go'da noqotay mid lagu tartamo."ayuu intaa ku daray.

Dadka beerta Toonta ee dalka Mareykanka ayaa tan iyo horraantii 1990 waxay ka caban jireen in Shiinaha uu ku soo faraqay suuqyada Mareykanka khudaar qiimahoodu uu jaban yahay.

.

Xigashada Sawirka, VESSEY & CO

Qoraalka sawirka, .

Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan ay sameysay sanadkii 1994 waxaana la ogaaday in qaar ka mid ah shirkadaha Shiinaha ay suuqayada Mareykanka ku iibinayeen Toon"qiimaheedu yahay mid jaban".

Beeraleyda Toonta ee Mareykanka ayaa waxay imika sheegeen in canshuurta uu Trump ku soo rogay badeecooyiinka Shiinaha laga keeno ay tahay mid shaqeynaysa.

Canshuurta cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay Toonta laga keeno Shiinaha ayaa markii hore ahayd 10% bishii September 2018-kii,ka hor inta aan bishii May ee sanadkan laga dhigin 25%.

Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda dhowr jeer canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay badeecooyiinka ay ganacsatada Mareykanka u dhoofiyaan Shiinaha.

Madaxwayne Trump ayaa waxa uu isagu marar badan ku celceliyay in ganacsiga Shiinaha iyo Mareykanka uusan ahayn mid isu dheeli tiran islamarkana Shiinaha ay aad uga faa'deystaan Mareykanka.