Maxay noqoneysaa xaaladda mintidiinta IS ee waddamadoodi laga diiday?

Xigashada Sawirka, EPA
Turkey ayaa billaabay in uu dalkiisa ka musafuriyo dadka shisheeyaha ah ee la sheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxda la abxday Dowladda Islaamka, in kastoo waddamada qaar ee reer Yurub ay diidan yihiin in ay soo dhaweeyaan muwaadiniintooda ka soo barbar dagaallamay kooxdaasi.
Waddaamda Jarmalka, Denmark iyo Britain ayaa muwaadinnimada kala noqday dadka la sheegay in ay ku biireen kooxdaasi si looga hortago in ay dalalkooda ku soo laabtaan.
Trukiga ayaana sheegaya in uu dalkiisa ka musaafurin doono 20 qof oo ajaaniib ah oo u kala dhashay waddamada Jarmalka, Denmark, Faransiis iyo Ireland.
Haddaba maxaa dhacaya marka dadkan Turkiga laga masaafuriyo?
Muxuu yahay mowqifka Turkiga?
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegaya in boqolaal ajaanib ah ay haatan ku jiraan xabsiyada dalkiisa.
Maalmihii ugu horreeyay ee bishan, xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in ajaanibtan ay u musaafurin doonto waddamadooda xitaa haddii dhalashada lagala noqday.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Dunidu waxaa haatan soo baxay qaab cusub: waa in dhalashada lagala noqdo," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Turkiga Suleyman Soyl.
"Waxay leeyihiin waa in lagu maxkamadeeyo waddamada lagu qabtay. Waa sharci cusub oo caalami ah, waxay ila tahay in arrintaas ay tahay mid aan marnaba la aqbali karin."
Qaabkee ayay tahay in loola daqmo ajaaniibta?
Sharci ahaan, muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu adeeg safaaradeed ka helo dalkiisa, waxayna arrintan u baahan tahay in uu xiriir ka dhaxeeyo muwaadinkaas iyo dowladdiisa.
Arrintan waxaa gacan ka geysan kara hay'adaha caalamiga ah, sida hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC, oo inta badan gacan ka geysata in ay soo kala caddeyso haybta shakhsiyaadka xabsiyada ku jira.
Marka la eego xeryaha ku yaal dalka Suuriya ee ay ku xiran yihiin shakhsiyaadka looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda la baxday Dowladda Islaamka iyo qoysaskooga, ayaa waddamada ay dadkaas ka soo kala jeedaan waxay ku doodayaan in amni ahaan ay adag tahay in ay xiriir la sameeyaan.
Illaa iyo hadda ma kala cadda in shakhsiyaadka haatan Turkigu uu tarxiilayo laga qabtay gudaha dalka Turkiga ama gudaha dalka deriska la ah ee Suuriya.
Waddamada qaar ee reer Yurub ayaa ka caga jiidayay in ay qaabilaan muwaadiniintooda ku biiray kooxdaas Dowladda Islaamka, waxayna ka cabsanayaan dhibaatooyinka dhanka sharciga ah ee ay arrintaasi kala kulmi karaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase yeeshee, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay khasab tahay in dowladuhu ay qaataan mas'uuliyadda muwaadiniintooda.
Michelle Bachelet oo ah guddoomiyaha golaha xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey waxay tiri: "Xubnaha qoysaska ajaaniibta ah waa in waddamadooda lagu celiyo haddii aanan wax dambi ah loogu haysan waddamada lagu qabtay, si waafaqsan shururucda caalamiga ahi".
Waxay intaas ku dartay in shakhsiyaadka waddamada shisheeye ku xiran ay mas'uuliyad ka saaran tahay waddamadooda.
Sida ku cad xeerarka caalamiga ah, waxaa sharcidarro ah in dowlad ay caawin weydo muwaadiniinteeda ku xiran waddamada kale, taa oo sababi karta in dadkaas ay noqdaan kuwo aan waddan lahayn.
Sidey tahay xaaladda shakhsiyaadka laga masaafurinayo Turkiga?
Saddex nin oo ka tirsanaan jiray kooxda Dowladda Islaamka oo u kala dhashay waddamada Jarmalka, Denmark iyo Mareykanka ayaa 12-kii bishii Nofembar laga masaafuriyay Turkiga, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaasi.
Muwaadinkaas Mareykanka ah wuxuu ku xayirnaa xudduudda Turkiga uu la leeyahay Giriigga, wuxuuna xilligaas doonayay in uu galo dalkaasi Giriigga, halkii uu ka aadi lahaa Mareykanka.
Ninkaasi ayaa hadda la sheegayaa in uu ku xiran yahay dalka Turkiga ka dib markii Giriigga uu diiday in uu dalkiisa soo galo.
Midka u dhashay dalka Denmark, waxaa lagu soo warramayaa in uu hadda ku xiran yahay magalaada Copenhagen.
Jarmalka ayaa sheegaya in Turkigu uu ku wargeliyay in uu dalkiisa ka soo musaafurin doono muwaadiniin badan oo Jarmal ah.
Jarmalka ayaa horey ula wareegay muwaadiniintiisa ka soo barbar dagaallamay kooxda Dowladda Islaamka, kuwaas oo qaarkoodna xabsiga la dhigay kuwana la geeyay xeryaha dhaqan celinta.
Dowladda Faransiiska ayaa ku adkeysanaysa in muwaadiniinteeda lagu qabtay gudaha Suuriya iyo Ciraaq ay tahay in lagu maxkamadeeyo waddamada lagu qabtay.
Horraantii sannadkan, afar nin oo u dhashay dalka Faransiiska oo lagu maxkamadeeyay gudaha dalka Ciraaq waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, oo aad loo cambaareeyay.
Haseyeeshee, waxaa dhawr jeer oo hore uu Faransiisku la wareegay dhawr qof oo ka soo barbar dagaallamay Daacish oo Turkiga lagu qabtay, kuwaasi oo isla markiiba xabsiga la dhigay.

Xigashada Sawirka, AFP
Waddamada qaar ayaa dhalashadii kala noqday muwaadiniintooda kooxdaasi ku biiray. Tusaale ahaan Shamima Begum oo u dhalatay dalka Britain ayaa dhalashada lagala noqday, waxaana lagu hayaa xero ku taal dalka Suuriya.
Britain ayaa go'aankaas ku saleysay in gabadhaas ay qaadan karto dhalashada dalka Bangladesh, maadaama hooyadeed ay halkaasi ka soo jeedo. Laakiin, dowladda Bangladesh ayaa arrintaasi ku gacan seyrtay, waxayna sheegay in dowladda Britain ay mas'uul ka tahay gabadhaasi.
Caqabadaha dhanka sharciga ahi
Waxaa mararka qaar dhici kara in heshiis lala galo waddan saddexaad, waa haddii Turkigu uu musaafuriyo shakhsiyaadkaas isla markaana waddamadooda ay diidaan in ay qaataan ama xitaa muwaadinku uu diido arrinatasi.
Mareykanka oo in badan waddamada reer Yurub ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen in ay la wareegaan muwaadiniintooda laga soo qabtay waddamada kale iyaga oo ka barbar dagaalamaya kooxda Dowladda Islaamka ayaa iyaduna waxaa dhibaato ka haysata muwaadiniinteeda IS ka tirsanaa ee la soo qabtay.
Nin laga soo qabaty gudaha dalka Suuriya oo muddo sanad ah ku xirnaa xabsi Mareykanku ku leeyahay Ciraaq ayaa markii dambe la sii daayay ka dib markii la geeyay dalka Baxreyn oo ay ku nool yihiin xubno ka tirsan qoyskiida. Mareykanka ayaa baasaboorkii kala noqday ninkaasi.
Waxaana suurtagal ah in ay jiraan dad kale oo arrintooda uu Mareykanka heshiis kala galay waddamo kale.












