Ahlu Sunna oo beenisay in Dhuusamareeb laga qabsaday

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS
Ururka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobollada dhexe oo ururkani uu horey u maamulayay.
Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna mas'uulka ugu sarreeya Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin dhul laga qabsaday, wuxuuna sheegay in ciidamadii isku dhafka ahaa ee horey loogu heshiiyay ay wali joogaan magaalada Dhuusamareeb.
"Arrinkaasi wax ka jira malahan. Deegaannadaasi uma baahna in dadkii xoreeyay haddana la niyaysto in laga xoreeyo. Marka, arrintaasina wadahadal ayay ku jirtaa," ayuu yiri Sheekh Shaakir.
"Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas'uuliyiintii matalaysay ee dowladda soo dhaweysay, ma rabno in hal xabbad ay dhacdo, ma rabno hal qof in uu dhinto, ma rabno hal qof inuu dhaawacmo".
Hadalka Ahlu Sunna ayaa ku soo beegmayo iyadoo maanta la sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay isaga bexeen xaruntii degmada Dhuusamareeb, xilli maalmahan xiisad laga dareemayay deegaannada gobollada dhexe ay kooxdani maamusho.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa shalay oo Sabti ahayd si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad taabacsan ururka Ahlu Sunna.
Guddiyadii ay kala magacaabeen labada dhinac

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in uu hataan socdo wadahadal lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan ka arrinsanayaan sidii loo mideyn lahaa guddiyo ay kala magacaabeen iyaga iyo dowladda Federaalka.
"Arrinka is-haysiga wuu dhacay, wadahadalkiisa ayaana socda. Waddadii lagu qaadan lahaa in hal guddi la isaga dhigo guddiyadii la magacaabay ayaa lagu joogaa. Wixii dhib ah oo xoogaa dhacana loo xallin lahaa oo loo dhayi lahaa. Midnimadii iyo sharaftii iyo wanaaggii Galmudugna horey loogu sii socon lahaa,"ayuu yiri Sheekh Shaakir oo BBC-da la hadlay.
Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna mas'uulka ugu sarreeya Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, wuxuuna ciidamada shalay ilaa maanta la wareegay magaalooyinkaasi ku tilaamay ciidamadii dowladda dhexe iyo kuwa Ahlu Sunna ee dhawaan la isku daray.
"Ciidamada aad maqleyso waa ciidamadii aan isku darnay, ee maamulkii Ahlu Sunna wal-jameeca ciidamadiisa iyo ciidamadii dowladda weeye ciidamada adeegaya ee shaqeynaya. Marka, degmooyinkii sidii bey u shaqeynayaan, booliskii lagu tala galay sidii buu u shaqeynayaa, nabad sugiddii, ciidamo 400 ah baa lagu talagalay in ay ammaanka sugaan caasimadda Dhuusamareeb amnigeeda ciidamadii gacanta ku hayay ayaa gacanta ku haya," yuu yiri.
Waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin waxyaabaha dhacaya isla markaana ay iyagu doonayaan in "ay u tanaasulaan shacabkooga" isla markaana wixii khilaaf ah lagu xalliyo wadahadal.

Xigashada Sawirka, SONNA
Awooddii Ahlu Sunna
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka Wrrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ku eedeeyay ururka Ahlu Sunna in uu caqabad ku hayay hannaanka maamul dhiska ee gobolkaasi.
Sabriye ayaa magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in aan loo baahnayn in Ahlu Sunna ay "isasiiso" maamulka Galmudug.
Mas'uuliyiinta Ahlu Sunna, oo dhankooda tabashooyin ka qaba hannaanka ay dowladda Federaalka u waddo dhismaha maamul goboleedka ayaa dhawaan soo xulay guddi barbar socda guddiga ay wasaaradda arrimaha gudaha u howlgalisay in ay soo xulaan xildhibaannada.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in tallaabada ay mas'uuliyiinta Ahlu Sunna qaadeen ay tahay mid khaldan.
"Nidaamka maamul dhisidda waddanka oo dhan waxaa dowladda federaalka ah u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulkii aan dhisneynna iyadaa looga fadhiyaa inay dhisto oo ay isha ku heyso. Guddigii ay magacawday Wasaaraddu in Ahlu Sunna ay Guddi kale ka ag sameyso sax ma aha, Ahlu Sunna iyo Galmudug-na isku mid ma aha, guddi haddii la sameynayo howshiisa waxaa leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haddey dhaaftana waxay noqoneysaa wax Galmudug oo dhan ay u mideysan yihiin, laakiin ma aha wax Ahlu Sunna u gaar ah, guddigooduna ma shaqeyn karaan, arrintaasi waa fowdo, waana uga caqli celinnay oo waxaan ka rajeyneynaa inay taladeenna qaataan oo aysan iyagu isasiinin Galmudug", ayuu yidhi Wasiirka.

Xigashada Sawirka, SONNA
Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah culeys kala kulmeesay maamul dhisida Galmudug, lamana oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu Sunna. Balse hadalka Sheekh Shaakir ayaa u muuqda mid muujinaya in awooddii Ahlu Sunna ay meesha ka baxday, ayna haatan doonayaan in xaaladdu ay dejiyaan si saameyntoodu aysan meesha uga bixin.










